TAARIIKHDII BILAAL IBNU RAWAAXA, DAAWO AMA AKHRISO:

Fadlan Ilaahay ka cabso, xuquuqda Qoraalka iyo Muuqaalkaba gaaldiid.com ayaa iska leh.

Bilaal ibnu Rawaaxa:

Aabihii: Bilaal aabihii waxa loogu yeedhaa Rawaaxa, wuxuuna ahaa Adoon madaw oo la joogay qabiilka reer banu Jamuux.

Hooyadii: Bilaal hooyadii waxa la odhan jiray Xamaama, waxayna ayaduna sidoo kale Adoomad u ahayd reer banu Jumax gaar ahaan ninkii gaalka ahaa ee Umaya ibnu Khalaf.

Qaabkuu Bilaal u eekaa?

Bilaal (I.R.H) wuxuu ahaa nin midabkiisu maariin uu yahay, dhuuban, dheer, golxan leh, timo badana leh, garbaha u yar, timo cadaan iyo madaw isugu jira leh, wuxuuna ahaa nin dabacsan oo dabeecad wanaagsan.

Islaamnimadii Bilaal

Wuxuu ninkii Sayidka u ahaa ee Umay ibnu Khalaf uu ka maqlay isagoo Nabiga amaanaya, sheegayana inuu dhalasho iyo nasab ku dhex leeyahay bulshada reer Qureesh, sidoo kalen wuxuu maqlay inuu diin cusub uu laymid, markaas way cajab galisay diintaas kali yeelayasa Ilaahay uguna baaqaysa Dadka cadaalad iyo sinaan, markaas ayuu ka helay diinta kadibna waa Islaamay oo cadeeyey Islaamnimadiisa.

Bilaal (I.R.H) wuxuu ahaa saxaabadii ugu hor Islaamtay sida uu tilmaamayo Xadiiska Camru ibnu Cabasa (I.R.H) oo uu leeyahay markaan Nabiga la kulmay waxa rumeeyey Nin Xor ah iyo Nin adoon ah, waxayna kala yihiin Abubakar oo xor ahaa iyo Bilaal oo Adoon ahaa. Sidaa darteed Islaamnimada Bilaal way horeysay oo wuxuu kamid Bilaal Saabiqiintii ugu hor Islaamay.

Cadayntii Islaamnimadiisa:

Cabdilaahi ibnu Mascuud wuxuu dhahay: Cidii ugu hor muujisatay Islaamka waa Todoba, Rasuulkii Ilaahay, Abubakar, Cammaar, Sumaya, Suhayb arr-ruumi, Bilaal iyo Miqdaad. Rasuulkii Ilaahay waxa difaacay Abudaalib, Abubakarna wuxuu Ilaahay ku difaaca qoomkiisii reer bani Tayim, kuwa kale waxa qabtay Mushrikiintii oo cadibay, mid kamid ah kuwaas majiro hadayba jiraan waxay ku dhawaaqeen waxay gaaladu rabeen marka laga reebo Bilaal [1]

Bilaal maadaama aanu ku dhawaaqin waxay gaaladu rabeen, waxay gaaladii u gacan galiyeen Caruurta oo inta qoorta xarig laga xidho ayey marin jireen buuraha magaalada Makkah. Waxaana la jiifin jiray xilliga Duhurka ee Cadceedu ugu kulushahay bacaadka magaalada Makkah, waxayna xabadka ka saari jireen dhagax, waxay ku dhihi jireen: Diintaadu waa Laata iyo Cuza balse isagu wuxuu odhan jiray: (Axad, Axad) Waa kali oo waa kali. Markaas ayuu Umaya cadhoon jiray oo ul ku garaaci jiray Bilaal, wuxuuna Umaya odhan jiray; Siadaasbaad ku sugnaanaysaa illamaayo aad ka gaalowdo Diinta Islaamka.

Bilaal ismuu dhiibin ee wuxuu u adkaystay dhibaabatada soo food saartay  ee lagu cadaadinayo oo kaliya inuu rumeeyey Ilaahay Sharafta iyo Waynida iskaleh mooyee.

Nabiga (N.N.K.H) wuxuu u qaban karayey xaaladaas maysan jirin maxaa yeelay waxay ahayd xilligii Islaamka dacwadiisu ay bilowga ahayd, saxaabaduna way tamar yaraayeen, kaliya wuxuu Nabigu saxaabadiisa ku boorin jiray inay ku sabraan dhibta haysata. Markay dhibtii u badatay Bilaal ayuu Nabigu ku dhahay Abubakar: Abubakarow! Bilaal waa la cadibayaa!

Isagoo Nabigu uga jeeday hadaad furan kartid soo furo oo xoree. Abubakar (I.R.H) wuu fahmay ujeedada Nabiga (N.N.K.H) wuxuuna u tagay gaalkii Sayidka u ahaa Bilaal waa Umaya ibnu Khlaf. Abuabakar wuxuu ku dhahay Umaya: Iga iibi Bilaal

Umaya wuxuu yidhi: Waxaan kaa siinaya Shan wiqiyadood oo Dahab ah. Kadibna waa ka iibsaday Abubakar oo lacagtii ayuu bixiyey balse wuxuu sii dhahay Umaya isagoo Kibir iyo isla wayni ka muuqato; hadaad Abubakarow odhan lahayd iga sii Hal wiqiyad kaliya waan kaa siin lahaa, maxaa yeelay waa Adoon madaw! Abubakar (I.R.H) waa difaacay walaalkii Bilaa wuxuuna dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee hadaad odhan lahayd Boqolbaan siinayaa waan kaa siisan lahaa.

Markuu Abubakar iibsaday Bilaal ayuu xoreeyey oo Ilaahay dartii usii daayey. Markuu Abubakar xoreeyey Bilaal ayey gaaladii Qureesh tidhi: Waxa Bilaal loo xoreeyey waa Abaal uu Bilaal ku lahaa Abubakar!

Hase ahaatee waxa soo dagay Quraan difaacaya Abubakar oo tilmaamaya inuu Abubakar Ilaahay dartii u xoreeyey. Ilaahay wuxuu yidhi:

وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰ ﴿١٩﴾ إِلَّا ابْتِغَاءَ وَجْهِ رَبِّهِ الْأَعْلَىٰ ﴿٢٠﴾ وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ ﴿٢١

(19) Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin. (20) Ee Wuxuu u bixin dar Ilaaha sareeya. (21) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.

 

Jannada ayaa loogu Bushaareeyey:

Sida kusoo aroortay Bukhaari waxa laga wariyey Abuhurayra inuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu ku dhahay Bilaal Salaada Subax: Bilaalow! Bal iiga waran Camalka aad ugu rajo badantahay Islaamka? Maxaa yeelay waxaan maqlay sanqadha kabahaaga hortayda Jannada. Wuxuu dhahay: Hadaan waysaystaba habeen iyo maailnba waxaa tukadaa laba rakcadood. Riwaayo kale Nabigu wuu uqiray in arrinta keentay inuu Jannada ku dhex arko Bilaal tahay labadaas oo wuxuu dhahay: Waa ayaga!

Hijradii Bilaal:

Bilaal (I.R.H) wuxuu u hijrooday Magaalada Madiina sida Saxaabada kaleba u hijroodeen, kadibna Safarkii dheeraa  ee ay soo galeen ayey ku xanuusteen Saxaabadu sida Abubakar iyo Bilaal (I.R.H).

Bilaal iyo Aadaanka:

Bilaal waa Mu’adinkii ugu horeeyey ee Islaamka, wuxuuna ahaa Nin cod wanaagsan oo soo jiidasho leh. Aadaanka waxa Nabiga u tilmaamay saxaabiga Cabdillaahi ibnu Sayid ibnu CabduRabow. Kadibna Nabigu wuxuu dhahay: Waa Riyo dhab ah ee Aadaanka waxaad bartaa Bilaal maxaa yeelay wuu kaa cod wanaagsanyahay. Sidaas awgeed wuxuu yahay Mu’adinkii ugu horeeyey ee Islaamka.

Dagaalkii Badar:

Dagaalkii Badar waxa la jaiyey gaaladii, waxaana la laayey madaxdii reer Qureesh sida Abujahal, Cutba, Shayba, Waliid, Abulbukhtari, Cuqba ibnu Maciid iyo qaar kale. Kadib markay dagaalkii dhammaaday ayey gaaladii firdhadeen kuwo kalena waa la xabisay.

Dagaalku markuu dhamaaday ayaa Cabdiraxmaan ibnu Cawf oo Duruucdii gaaladu ka yaaceen urursanaya ayaa waxa arkay Umaya ibnu Khalaf iyo wiil uu dhalay oo la dhaho Cali ibnu Umaya. Markaasuu Umaya dhawaaqay oo yidhi: Cabdi Ilaahoow! (Cabdiraxmaan) Miyaanad rabin caano iyo geel kaaga roon duruucda aad guranayso, waxaad qabataa Aniga iyo wiilkayga.

Cabdiraxmaan gacanta ayuu soo qabsaday Umaya iyo Wiilkiisii balse waxa arkay gaalkii Umaya Bilaal oo Umaya ku cadibi jiray magaalada Makkah.

Bilaal waa dhawaaqay oo yidhi: Ma badbaadayo Anigu maanta haduu Umaya badbaado, waa Madaxii gaalada! Kadib waxa codkii Bilaal maqlay Saxaabadii oo waxay go’doon ka qabteen Umaya iyo wiilkiisii, Cabdiraxmaan wuxuu leeyahay: Kan aniga ayaa soo qafaashay ee ha la iisii daayo? Waxay dhaheen: Kani waa gaal wayn laman sii daynayo!

Markay arkeen in la hayo ayey wiilkii Umaya dhalay ku dhaheen: Inaga mashquuli, laakiin Saxaabada ayaa ka tiro badnaa ee waxay gooyeey Lugta ninkii Cali ibnu Umaya.

Markuu Umaya arkay wiilkiisii oo nabarkaas lagu dhuftay ayuu qayliyey, kolkaasbuu Cabdiraxmaa ku dhahay: Habaar kugu dhacye Jilbo joogso, waxba hanoo qaylinin adigiibaa meel aad marto lahaynnin. Markay Saxaabadii dileen wiilkii Umaya ayey kusoo kadiyeen Umaya kadibna Seefihii iyo Warmihii ayey ku googooyeen, halkaasbaanu ku bakhtiyey gaalkii Umaya ibnu Khalaf.

Furashadii Makkah:

Markuu Nabigu soo galay magaalada Makkah wuxuu faray Bilaal inuu ka adimo Kacbada dusheeda, kadibna waxa arkay sadex nin oo kamid ahaa madaxdii Qureesh oo hadhsanaya hooska Kacbada waxayna kala ahaayeen; Abusufyaan, Citaab ibnu Usayd iyo Xaaris ibnu Hishaam. Dabadeedna Citaab ayaa dhahay: Ilaahaybaa u karaameeyey aabahay inaanu maqlin adinka Bilaal! Xaarisbaa wuxuu dhahay: Haduu aabahaa ogyahay inuu xaq yahay wuu raaci lahaa, halka Abusufyaan ibnu Xarbi uu dhahay: Anigu waxba dhihi maayo, maxaayeelay weedh hadaan idhaahdo waxa warka Muxamed u qaadaya Qururuxa!

Mudo yar kadib waxa soo maray sadexdii Nin Nabiga (N.N.K.H) wuxuuna uga warramay warkii ay sadexdoodu ku hadlayeen kadibna intay yaabeen ayey Islaameen. SubxaanAllaah.

Geeridii Nabiga:

Nabigu wuxuu geeriyooday maalin Isniina oo ah 12kii Rabiiculawal sanadkii 11 aad ee Hijrada, markii salaadii la gaadhay ayaa Bilaal adimay, kolkuu marayey Ashhadu ana Muxamadan RasuulAllah, ayuu ooyey Bilaal oo wuu awoodi kari waayey inuu dhamaystiro aadaankii, waxaana ooyey oo murugooday Saxaabadii Rasuulka ee ka agdhoweyd.

Bilaal wuxuu ballan ku galay inaanu cid Nabiga ka danbaysa inaanu u adimin, waxa u yimid Khaliifkii Rasuulka ee Abubakar (I.R.H) wuxuuna faray inuu adimo laakiin Bilaal waa ka biyo diiday wuxuuna dhahay: Abubakaroow! Hadaad ii xoreysa naftaada waan kula joogi Madiina oon adimi, hadaadse ii xoreysay dar Ilaahay ii ogolow inaan tago dhulka Shaam oon Ilaahay jidkiisa u dagaalamo. Abubakara waa u ogalaaday inuu tago meeshuu doono.

Riyadii Bilaal:

Waxa la dhahaa Bilaal oo jooga dhulka Shaam ayaa wuxuu riyo ku arkay Rasuulkii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H) wuxuuna ku dhahay Bilaal: Bilaaloow! Waamaxay adaygani? Maxaad noo soo siyaaran wayday!? Bilaal (I.R.H) wuxuu safar usoo xidhxidhay magaalada Makkah, markuu yimina wuxuu tagay qabrigii Nabiga oo uu ka dul ooyey isagoo murugaysan. Kadibna Bilaal wuxuu u tagay labadii wiil ee Nabigu awoowga u ahaa waa Xasan iyo Xuseen (I.R.H) markaasuu xabadka galiyey oo dhunkaday, dabadeedna waxay labadii wiil ku dhaheen: Bilaaloow! Waxaan u xiisnay Aadaankaagii ee Salaada noo adin.

Bilaal intuu gidaarka fuulay ayuu adimay, markuu bilaabay adinkiisii ayey magaaladii Madiina oohin bilowday ayagoo xasuustay tagidii Rasuulka iyo markuu Bilaal adimi jiray aadaanka, nabiguna tujinjiray Salaada. Maalintaas magaalada Madiina waxay u ahayd maalin la ooyayey.

Khilaafadii Cumar:

Khilaafadii Cumar (I.R.H) waxa la furtay masaajidka Qudus ee dhulka barakaysan ee Falastiin, kadibna saxaabadii ayaa Amiirkii Mu’miniinta ka dalbaday inuu u adimo Bilaal ibnu Rawaaxa (I.R.H) kadibna Bilaal ayaa adimay, markaasbay Saxaabadii oohin bilaabeen ayagoo xasuustay xabiibkoodii Muxamed (N.N.K.H)

Geeridii Bilaal:

Sanadkii 20 aad ama 21 aad ee hijrada ayuu geeriyooday Bilaal, isagoo joogay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya. Markay geeridu kusoo xaadirtay ayuu dhahay Bilaa: Baritoole ayaan la kulmayaa kuwaan jeclaa, Muxamed iyo xisbigoodii. Kadibna xaaskiisii ayaa oyday oo tidhi: Alla shalaytadaydeey!! Bilaalbaa u jawaabay oo dhahay: Alla Farxadaydiiyeey.

SubxaanAllah, sidaasbuu ku geeriyooday Bilaal isagoo farxsan, sababtoo ah wuxuu ogaa inuu xabiibkiisii Muxamed iyo Saxaabadiisii la kulmayo. Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyo Mu’adinkii koowaad ee Islaamka Bilaal ibnu Rawaaxa.

Waxa diyaariyey oo qoray soona gudbinaya Sh. Abdulaziz Oogle. InshaAllah, Ilaahay miisaanka xasanaadka haynoogu daro. Aaamiin

Xigasho:

  • Siyar aclaam anubalaa, Dabari, Bilaal ibnu Rawaaxa.

[1] Imaam Axmed