Daawo ama Akhriso Taariikhdii Saxaabiga Abuhurayra:

Qeexid Kooban:

Magaciisu waxa uu ahaa Cabdishams, markuu islaamay ayaa Rasuulku u bixiyey Cabdiraxmaan. Naanaystiisuna waa Abuhurayra ayadoo loogu magac daray curri uu rabayn jiray. Saxaabigan waxa uu islaamay sanadkii 7aad ee Hijrada. Inkasta oo uu islaamay goor danbe hadana waa saxaabiga ugu xadiisyada badan, waxa u saaciday arrinkaa xasuustiisa oo aad u saraysay iyo isaga oo joogteeyey dhagaysiga Rasuulka (N.N.K.H).

Islaamnimadii Abuhurayra: 

Abuhurayra waxa uu kusoo koray agoonimo iyo nolol aad u adag. Nabiga waxa uu uyimid sanadkii 7aad ee Hijrada isagoo ku sugan Khaybar, halkaasbaanu ku islaamay. Isla markuu arkay Nabiga ayuu joogteeyey inuu cilmiga ka barto Rasuulka. Abuhurayra waxa uu noqday culumada ugu waaweyn ee muslimiinta, isaga, xaaskiisa iyo gabadh uu dhalay ayaa habeenka u kici jiray salaada, oo midba sadex meelood habeenka ayuu tukan jiray.

Islaamnimadii Abuhurayra hooyadii:

Mushkiladii ugu waynayd ee Abuhurayra soo wajahday waxay ahayd hooyadii oo aan islaamin, waxayna ku dhibi jirtay in ay Nabiga caydo. Maalin ayuu Abuhurayra u tagay Nabiga isagoo murugsan kana dalbaday in uu uduceeyo hooyadii si ay Islaamka usoo gasho. Nabigii Ilaahayna waxa uu dhahay: Ilaahayoow, soo hadee Abuhurayra hooyadii. Abuhurayra waa baxay isagoo ku bishaaraysanaya ducada Rasuulka (N.N.K.H), markuu guriga soo gaadhay ayuu maqlay codka biyaha qubayska, markaasay ku tidhi; Abuhurayroow hasoo galin! Kadibna toobkeedii ayey gashatay iyo khimaarkeedii waxayna ku dhawaaqda shahaada, halkaasbayna ku Islaamtay. Abuhurayra wuxuu u tagay Rasuulka isagoo dhahaya: Rasuulkii Ilaahayoow bishaarayso ducadaadii waa la aqbalay, kadibna waxa uu Rasuulka ka dalbaday inuu ugu duceeyo isaga iyo hooyadiiba in ay Mu’miniintu jeclaadaan. Nabiguna waa u duceeyey.

Abuhurayra iyo Shaydaankii:

Nabigu (N.N.K.H) wuxuu Abuhurayra kaga tagay xoolhii Sadaqooyinka, si uu u ilaaliyo habeenkii, kadibna waxa habeen u soo dhacay xoolhii Abuhurayra ilaalinayey Tuug markaasu Abuhurayra qabtay Tuugii, wuxuuna ku dhahay: Barritoole ayaan kuu geynayaa Rasuulkii Ilaahay! Tuugii wuxuu yidhi: Abuhurayroow, waxaan ahay oday waayeel ah oo caruur yaryar leh sidoo kalena ay baahi hayso ee iskakay sii daa ina cafi kugumana soo noqonayee, Abuhurayra waa iska cafiyey waana siidaayey habeenkaas. Subaxii markii Salaada laga baxay ayuu Nabigu (N.N.K.H) waydiiyey Abuhurayra ninkii tuuga ahaa ee usoo dhacay, wuxuu Abuhurayra dhahay: Rasuulii Ilaahayow, wuxuu ahaa oday waayeel ah waxaanu ka cawday faqrinimo waana sii daayey oo u naxariistay, Nabigu wuxuu ku dhahay Abuhurayra: Wuu kugu soo noqonayaa Caawana! Habeenkii ayuu Abuhurayra feejignaaday, waxaana soo noqday Odaygii Tuuga ahaa kadibna Abuhurayra ayaa qabtay habeenkana wuxuuna ku yidhi: Nabigaan kuu geynayaa. Habeenkaasna Odaygii waa cawday, waana iska sii daayey Abuhurayra. Sidoo kale Nabiguna wuxuu ku dhahay: Wuu kugu soo noqonayaa Habeenkana. Habeenkii Sadexaad Abuhurayra wuxuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee waa inaan qabto Odaygan tuuga ah oo u geeyaa Nabiga. SubxaanaAllah, sidii Nabigu sheegaybay noqotay oo Ninkii waa soo noqday waxaana qabtay Abuhurayra isagoo xaday xoolihii Sadaqooyinka Muslimiinta. Abuhurayra wuxuu yidhi: Caawa kuma sii daynayo, laba habeen oo hore ayaan kusii daayey! Odaygii wuxuu dhahay: Abuhurayroow, waxbaan ku barayaa ku anfacaya hadaad isii dayso. Abuhurayra (I.R.H) wuxuu ahaa weel lagu kaydiyo Cilmiga sidaa darteed wuxuu dhahay: haa, ee i bar Cilmiga. Odaygii wuxuu yidhi: Aburayroow, hadaad akhrisato Aayada Kursida habeenkii intaanad sii seexan waxa ku waardiyeynaya Malak illamaayo aad ka subaxaysanayso. SubxaanAllah, Abuhurayra habeenkaasna waa sii daayey Odaygii tuuga ahaa. Dabadeedna Nabiga ayuu u yimid Subaxii markaasu Rasuulku waydiiyey bal kawaran ninkii xalayna, wuxuu yidhi Abuhurayra: Rasuulkii Ilaahayoow, wuxuu i baray cilmi oo wuxuu dhahay; hadaad akhrisato Aayada Kursida Ilaahay wuxuu kuusoo dirayaa Malak ku ilaaliya illamaa aad ka subaxaysanaysid. Nabigii Ilaahay wuxuu yidhi: Abuhurayroow, ma garanaysaa ninkii habeen kasta kuu iman jiray, wuxuu ahaa Shaydaan, runa wuu kuu sheegay isagoo beenaale ah, runbuu kuu sheegayoo hadaad akhrido Aayada Kursida Ilaahay ayaa ku ilaalinaya habeenka, sidoo kalena beenaale ayuu ahaa oo waa Shaydaan.

Shaqadii Abuhurayra: 

Abuhurayra shaqadii ugu badnayd ee uu qabtay waxay ahayd inuu madaxiisa ku kaydiyo xadiiskii Rasuulka iyo sunadiisii. Khilaafadii Cumar ayaa Abuhurayra loo magacaabay Imaarada Baxrayn, Cumarna ilaahay raali haka ahadee waxa uu tirin jiray xoolaha dadka waaliga u ah, hadii mid ka mid ah xoolihiisu siyaado wuu waydiin jiray kana xisaabin jiray. Abuhuraya waxa uu kaydsaday xoolo xalaala oo uu kasbaday markaasuu Cumar waydiiyey meesha uu ka keenay xoolahan? Markaasuu dhahay fardo aan lahaa oo ii tarmay. Cumar waxa uu dhahay; xoolahan gee baytka maalka muslimiinta. Abuhurayrana xoolihiisii ayuu geeyey baytka maalka muslimiinta, markaasuu dhahay; Ilaahayow u danbi dhaaf Amiirka mu’miniinta. Mudo kadib ayuu Cumar u yeedhay Abuhurayra si uu ugu magacaabo waalinimo, markaasuu Abuhurayra diiday oo ka cudur daartay.

Xasuustii Abuhurayra:

Abuhurayra ilaahay raali haka ahaadee waxa uu lahaa awood xifdiyeed oo uu kaga sareeye saxaabada kale. Markuu islaamay muusan lahayn hanti ka mashquulisa cilmiga, ee Nabiga ayuu ag fadhiistay kadibna xifdiyey dhamaan wixii uu ka maqlay Rasuulka (N.N.K.H).

Geridii Abuhurayra: 

Abuhurayra waxa uu ahaa mid jecel la kulanka Ilaahay, waxaanu ku ducaysan jiray (Ilaahayoow la kulankaaga ayaan jeclahay ee jeclow kulankayga). Abuhurayra waxa uu geeriyooday sanadkii 59 ee Hijrada  isagoo cimrigiisu  yahay 78 sano. Waxa lagu duugay xabaalaha Baqiic ee Magaalada Madiina Ilaahay raali haka ahaadee.

WD: Sh. Abdulaziz M. Oogle

Xigasho: Siyar Aclaam Annubalaa, Abuhurayra.