Taariikhda saxaabiga Kacab ibnu Maalik, Akhriso ama Dhagayso.

Saxaabiga Kacab ibnu Maalik (I.R.H) wuxuu kamid ahaa Saxaabadii Ansaarta ee Nabiga la gashay Baycadii ama heshiiskii Caqaba. Kacab ibnu Maalik wuxuu ka qayb galay badi duulaanadii uu Nabigu la galay Gaalada marka laga reeb Dagaalkii Badar iyo Duulaankii Tabuuk.

  1. Marka koowad Dagaalkii Badar kumuu waajib ahayn dhammaan saxaabada ee wuxuu ku bilaabmay si kadis ah, Nabiga iyo saxaabo gaadhaysa Sadex boqol oo nin ayaa u baxay inay soo qabsadaan safarkii u rarnaa reer Qureesh ee uu hogaaminayey Abusufyaan balse safarkaas waa ka baxsaday oo dhanka xeebta ayuu qabtay wuxuna farriin gaadhsiiyey magaalada Makkah kadibna Gaalkii Abujahal ayaa soo hogaamiyey ciidan ku duulaya Muslimiinta waxaana dhacay dagaalkii Badar. Dagaalku markuu dhamaaday Nabigu (N.N.K.H) saxaabadii aan ka qaybgalin dagaalkaas muusan canaanin sababtoo ah dagaalku kadisbuu ahaa sidoo kalena waajib kumuu ahayn saxaabada oo dhan, Kacabna wuxuu kamid ahaa saxaabadaas aan ka qaybgalin dagaalkaas.
  2. Duulaanka labaad ee aanu Kacab ka qaybgalin wuxuu ahaa duulaankii Tabuuk oo lagu qaadayey gaaladii Roomaanka. Nabigu ciidankii ayuu diyaariyey, meesha lagu socdaana waxay ahayd meel aad uga fog magaalada Madiina sidaa darteed wuxuu u baahday dhamaan saxaabadii awooda u lahaa inay baxaan, kolkaas ayuu Kacab maqlay in ciidamadu baxayaan waanu isu diyaariyey dagaalkaas oo wuxuu haystay laba ratiyood (awr) uu ku safro iyo sidoo kale jidcinkiisii uu isticmaali lahaa intuu jidka kusoo jiro. Markay bixidii Ciidanku soo dhowaatay ayuu Shaydaankii iyo Wahsi u yimid Kacab oo wuxuu ku qanciyey inuu iskaga hadho Dagaalkaas. Siday ahaataba Ciidankii Muslimiintu way baxeen, waxaana magaalada Madiina kusoo hadhay Kacab iyo munaafiqiintii lagu yaqaanay nifaaqa. Kacab waa warwaray oo walbahaaray, markuu nabigu bil sii socday ee uu tagay goobtii dagaalka ayey Roomaankii cabsadeen oo way kala firdhadeen. Nabiguna mudo ayuu halkaa fadhiyey kadibna wuxuu dhahay Nabigu: Ninkii Kacab ahaa warkiisa yaa haya? Dabadeed saxaabdii qaar ayaa tidhi; Wuxuu raali ku ahaaday iska fadhiga iyo dhaldhalaalka Aduunyo. SubxaanAllah. Mudo ku dhowaad sadex bilooda markuu Nabigu maqnaa ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Madiina.

Dabadeedna wuxuu waraystay Dadkii aan ka qaybgalin Dagaalkaas sababtoo ah dagaalkani waajib ayuu ku ahaa cid kasta oo awooda inay dagaalanto. Munaafiqiintii ayaa timid oo mid kasta wuxuu sheegtay cudurdaae; Nabigii Ilaahoow, waan xanuusanayey! Nabigii Ilaahow, xaaskaygaa dhalaysay! Mid kastaa cudurdaar ayuu layimid. Dabadeedna waxa soo galay masaajidka Kacab oo cabsanaya sidoo kalena go’aansaday inuu Runta sheego, wax kastaba ha dhacaane. Kolkuu Kacab soo galay ayuu Nabigu dhoolacadeeyey isagoo wajigiisa cadho ka muuqato, waxaanu dhahay: Hortayda soo fadhiiso, waanu fadhiista. Wuxuuna yidhi: Maxaa ciidanka kaa reebay? Miyaanad laba awr u diyaarsan si aad ugu safarto? Kacab wuxuu yidhi: Nabigii Ilaahayoow, hadaan maanta af kaaga baxsanayo waan kaaga baxsan lahaa sababtoo ah waxaan ahay Aftahan yaqaaana sida loo tiriyo gabayada balse waxaan ogahay inaad tahay Rasuulkii Ilaahay oo xitaa hadaan been kuu sheego Ilaahay ku daalacsiin doono, Nabigii Ilaahayow, Ilaahbaan ku dhaartee cid iga fududayd maysan jirin ee kaliya waan iskaga hadhay dagaalka cudurdaar la’aan.

Nabigu wuxuu yidhi: Kani runa ayuu idiin sheegay, waxaanau Kacab ku dhahay: Istaag Ilaahaybaa kusoo xukumayee. Kacab waa baxay balse cid kamid ah jilibkiisa ayaa ku tidhi: Kacaboow, maxaad cudurdaar u samaysanwayday? Miyaanad arkayn in Nabigu ka aqbalayo dadka cudurdaarkooda, sidoo kalena waxaad adigu ahayd nin wanaagsan ee Nabiga ayaa kuu danbi dhaaf warsan lahaa Allah kolkaasa laguu danbidhaafi lahaa!! Kacab wuxuu yidhi: Siday kuwani iigu wadeen hadalkooda ayaan waxaan ku dhowaaday inaan Nabiga ku laabto oo aan idhaahdo; Rasuulkii Ilaahayoow waxaan xasuustay cudurdaar, balse waxaan ku adkaystay go’aankaygii hore oo waxa qalbigu iigu dagay weedhii Nabiga ee ahayd: Ninkan oo kaliya ayaa run idiin sheegay, waxaanan ogaaday in dadkii iga horeeyey oo dhan ay been sheegayeen. Kacab wuxuu yidhi: Waxaan qolodaydii waydiiyey: Miyey jiraan cid kale oo isku xukun nalagu xukumay? Waxay sheegeen in laba nin oo wanaagsanaa oo ka qaybgalay dagaalkii Badar ayagana la siiyey jawaabtayda oo kale waxayna ahaayeen Muraara ibnu Rabiica iyo Hilaal ibnu Umaya, waxaana lagu dhahay ayagana: Iska kaca, waa laydin soo xukumi doonaayee.

Wuxuu yidhi: Markay labadaa nin oo ku daysho mudnaa laysheegay ayaa qalbigii ii dagay oo aan khayr fishay. Mudo yar kadiba waxa lagusoo rogay xukunkii sadexda nin waa Kacab, Muraara iyo Hilaal.

Nabigu wuxuu go’aamiyey ina laga goosto hadalka oo aan lala hadlin xitaa salaanta laga qaadin. Arrintaas ayaa ku adkaatay ninkii Kacab (I.R.H) wuxuuna dhahay: Suuqa markaan usoo baxo cidiba ilama hadasho! Cidina salaanta igama qaado, subxaanAllah. Labadii nin ee kale ayagu waxay ahaayeen laba nin oo waayeel waxayna fadhiisteen gurigoodii oo way oynayaan un halka anigu aan ahay nin dhalinyaro ah, wxaanan tagi jiray ayuu yidhi Masaajidka Nabiga (N.N.K.H) oo markaan soo galo ayaan salaami jiray balse salaanta igamuusan qaadi jirin. 

Kacab wuxuu yidhi; arrintii way nagu adkaatay oo waxaan dareenay takoorid badan, mudo markaan sidaas ku jirnay ayaa maalin waxa suuqa magaalada Madiina yimid ni warqad ka sida boqorkii reer Aala-qasaan oo ahaa Carab haysatay diinta Masiixiga, warqadana waxa ku qornaa: Kacaboow, waan maqalnay in saaxibkaagii kugu adkaaday ee iminka soo bax waxaad agtayada ka helaysaa soo dhoweyn. Kacab wuxuu yidhi: Warqadii intaan qaaday ayaan ku tuuray Moofada oo waan gubay.

Markay mudadii maraysay 40 habeen ayaa waxa noo yimid farriin cusub oo wuxuu Nabigu (N.N.K.H) na faray inaan ka fogaano xaaskayaga, waxaanu dhahay Kacab: Miyaan furaa? Ninkii farriinta siday wuxuu dhahay: Ma garanayo!! Sidoo kale labadii nin ee isku xukunka nalagu xukumay ayana isla farrintaas ayaa la faray laakiin mid kamid ah labadii oday ayaa xaaskiisii u tagtay Nabiga (N.N.K.H) oo tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, odaygan waa nin waayeel oo tamar yar ee ii ogolow inaanu shaqeeyo oo kaliya. Nabiguna (N.N.K.H) wuxuu yidhi: U shaqee laakiin yaanu kuu dhowaan!! Waxay tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, mudadaas 40 habeenba wuxuu u fadhiyey oohin iyo murugo.

Markay arrintii qadhaadhaatay ee ay gaadhay habeennkii 5o aad ayaa Subixii hore ayaa waxa soo dagtay aayadihii ka warramay toobadii sadexda saxaabi kolkaasu Nabigu (N.N.K.H) diray cid uga warranta bushaarada. Waxaana baxay subaxaas rag badan, nin waa orday, ku kalena faras ayuu kaxaystay halka ku kalena uu fuulay buur oo uu codkiisa sare ugu dhawaaqay isagoo leh: Kacab ibnu Maalikooow, Bushaaro Bushaaro.

Kacab wuxuu yidhi: Waxa farriintiisa isoo hor gaadhay ninkii codkiisa ku dhawaaqay markaasaan Ilaahay u sujuuday kadibna waxaan u imi Nabiga (N.N.K.H) oo wajigiis u nuurayo sida Dayaxa habeenka 14 aad, wuxuuna igu dhahay: Kacaboow, bushaaro oo waxaad ku bushaaraysaa maalin kaaga khayr badan maalintaad dhalatay.

Kacab wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, ma bushaaro xagaaga ka timidbaa mise waa bushaaro ka timid xaga Ilaahay? Wuxuu yidhi: Waa bushaaro katimd xaga Ilaahay wuxuuna Nabigu ku dul akhriyey aayadihii lagaga toobad aqbalay.

وَعَلَى الثَّلَاثَةِ الَّذِينَ خُلِّفُوا حَتَّىٰ إِذَا ضَاقَتْ عَلَيْهِمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ وَضَاقَتْ عَلَيْهِمْ أَنفُسُهُمْ وَظَنُّوا أَن لَّا مَلْجَأَ مِنَ اللَّـهِ إِلَّا إِلَيْهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ لِيَتُوبُوا ۚ إِنَّ اللَّـهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ ﴿١١٨

saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda una maleeyeen (Yaqiinsaden) inayna jirin meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas Eebe ka toobad aqbalay inay toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista. (118)


Kacab ibnu Maalik Ilaahay haka raali ahaado wuxuu dhihi jiray: Waxa i badbaadisay Runtii aan u sheeg Nabiga (N.N.K.H), waxaanan ballan ku qaaday inaanan waligay been danbe sheegin.