Tusmo

Salama ibnu Al-akwac

[embedyt] http://www.youtube.com/watch?v=1wlR0V2E5po[/embedyt]

Wuxuu Imaam Axmed kasoo wariyey Salmah ibnu Al-akwac inuu yidhi: Waxaan nimid magaalada Madiina xilligii lagu jiray heshiiskii Xudaybiya aniga oo la socda Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) waxaana baxay aniga iyo Rabaax oo ahaa wiilkii u adeegi jiray Nabiga, waxaanan qaatay faras uu lahaa Dalxa ibnu Cubaydilaah, anigoo ku raacaya geela.

Markaan maraynay Qalsi ayaa waxa soo weeraray geelii Nabiga (N.N.K.H) Cabdiraxmaan ibnu Cuyayna, wuxuuna dilay cidii raacaysay geela waxayna ku  eryadeen geelii fardo isaga iyo rag kale, maraaksaan ku dhahay Rabaax; Rabaaxoow faraskan qaado oo ku gaadh Dalxa una soo sheeg Nabiga in lasoo weeraray geeliisii.

Wuxuuna yidhi Salamah: Waxaan fuulay taago yar oo waxaan wajigayga qaabilsiiyey dhanka Madiina, markaasaan qayliyey sadex jeer, waxaana isoo dabo galay colkii anigoo sita seeftaydii iyo leebabkaygii, waxaanan ku tuuray leebabkii anigoo ka boqma gooyey fardahoodii gaar ahaan markay dhirta usoo dhowaadaan. Ku kasta oo faras saaran oo isoo qaabila waxaan ka fadhiisiyaa faraska, markaan leeb ku tuuraba waxaan dhahaa: waxaan aha wiilkii Akwac, maantana waa maalintii la halaagayey doqomada.

Wuxuu yidhi: waxaan daba galay nin awr saarnaa markaasbaan ku tuuray leebkii wuxuuna kaga dhacay garabka markaasbaan idhi; ka qabso wiilkii Akwac, maanta waa maalintii halaaga doqomada.

Intaan geedka joogay ayaan waxaan ku miisay leebabkii, kolka wadadu cidhiidhi ay noqotana waxaaan fuulaa buurta oon kusoo tuuraa dhagxaan. Sidaasbaanan isku ahayn illamaayo ay igu soo tuureen sodon waran iyo sodon falaadhood, markasta oo ay soo tuuraana waran ama falaadh waxaan aniguna ugu badalaa dhagxaan.

Markii Subaxii la gaadhay ayaa waxa u yimid Cuyayna ibnu Badar Al-fazaari, aniguna waxaan sare usii fuulay buurtii, markaasuu yidhi Cuyayna: waa kuma qofkaa aan arkaa? waxay dhaheen: halkanbaan kula kulnay, nagamanuusan faaruqin ilaa xalay.

Cuyayna wuxuu yidhi: hadii aanay cidi ka danbayn wuu iska tagi lahaa!! ee koox idinka mid ah ha ku kacdo oo ha caydhiso ninka ama dila!! Wuxuu yidhi Salamah: afar nin ayaa kacay oo soo fuulay buurtii markaasaan ku dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee ma i gaadhaysaan, kiina doona inuu i qabto ima gaadhayo, kaan anigu doonana waan qabanayaa!!

Wuxu yidhi Salma ibnu Al-akwac: Halkii ayaan joogay illamaayo ay ii yimaadeen madad kayimd Rasuulkii Ilaahay oo uu  ugu horeeyo Akhram oo saaran faras, waxaana ku xigay Abuqataada oo saaran faras, waxaana kasii danbeeyey Miqdaad ibnu Al-aswad. Markay gaaladii aragtay madadka ayey yaaceen, waxaana doonay inuu  caydhsado Akhram markaasbaan ku dhahay: Akhramoow, nimanka iska jir oo ka digtoonow, markaasu dhahay Akhmar: waxaan jecelahay inaan Ilaahay dartii u shahiido, kadibna wuxuu gaadhay Cabdiraxmaan ibnu Cuyayna oo saaran faskiisii, waxayna is dhaafsadeen seeftii kadibna faraskii ayuu ka boqmo gooyey Cabdiraxmaan ibnu Cuyayna laakiin seeftii ayaa ku dhacday Akhram waanu shahiiday, wuxuuna Cabdiraxmaankii qaatay faraskii Akhram.Dabadeedna waxa caydhsaday gaalkii Abuqatada waanu dilay, wuxuuna lasoo tagay faraskii Akhram.

Salmaha wuxuu yidhi: Aniguna waxaan eryaday colkii oo sidaan u baacsanayey ayey fadhiisteen mee ceel biyo ah oo waxay dooneen inay ka cabaan laakiin waxay arkeen anigoo eryanaya kadibna ninka mid ahaa ayaan ku tuuray leebkaygii, markaasbay firdhadeen oo waxaan kasoo dhacay laba faras, waxaanan u keenay Nabiga (N.N.K.H) isagoo jooga ceelkii aan ka eryey colkii, Bilaalalna wuxuu gawracay neef geela oo wuxuu shiilayey Beerkii geela.

Waxaanan u tagay Rasuulkii Ilaahay oon ku dhahay: Igu dar boqol nin oo saxaabadaada ah aan ka dabo tago gaalada oo mid kaliya yaanan ka reebine!! markaasuu dhahay: “ma sidaasbaad rabtaa inaad samayso Salamooy?” waxaan idhi: Haa, Markaasu qoslay Nabigu illamaayo aan ka arkay gaws danbeedkiisa, wuxuuna yidhi: waxay iminka sii ordayaan dhulkii reer Qadafaan.

Kadibna waxa yimid nin reer Qadafaan ah wuxuuna dhahay: waxay nimankii sii mareen hebelkii reer Qadafaan, markaasay gawraceen hal balse markay haragii ka saareen ayey arkeen boodh meel ka kacay kadibna way yaaceen oo katageen hashii.

Markii waabarigii la gaadhay ayuu Nabigu dhahay: “Farda fuulada waxa ugu wanaagsanaa Abuqatadah, raga lugaynayana Salamah ibnu Al-akwac” waxaana la siiyey dheeftii farda fuulaha iyo dheeftii ninka luagaynayaba.

Wuxuu yidhi Salmah ibnu Al-akwac: Intaan jidka kusii jirnay ayaa waxa dhawaaqay nin leh” Yaa ila tartamaya? Nin ila tartamaa ma idinku jiraa? Weedhaasbaanu ku celceliyey kadibna waxaan idhi: Waar miyaanad nin sharflehba sharfayn, kana haybdaysanayn nin shariif ah? wuxuu yidhi: Maya, marka laga reebo Rasuulka Ilaahay!!

Kadibna waan la tartamay oo waxaan dhahay: hore u soco waxaanu kaxaystay hashiisii, waaan ka danbeeyey kadibna intaan kaxaystay hashaydii ayaan gaadhay oon taabtay garabkkisa anigoo leh waan kaa dheereeyey. Waxaananan tagnay magaalada Madiina, markii sadex casho soo wareegtayna waxa dhacay dagaalkii Khaybar.