Tusmo

Taariikhdii Saxaabigii Carshiga Raxmaanku u gariiray (Sacad ibnu Mucaad)

Daawo ama Akhriso

[huge_it_videogallery id=”41 “]

Sacad ibnu Mucaad wuxuu ahaa Saxaabadii ugu waaweynayd saxaabada RAsuulka, waxaanu ahaa nin Ansaari ah gaar ahaan jilibkiisu wuxuu ahaa reer ban Cabdiash-hal. Saxaabigan wuxuu ahaa Nin dheer, feedhowayn, midabkiisuna cadaan yahay gadhna leh wuxuu aha nin aad u qurux badan, wuxuuna madax u ahaa qabiilkiisa reer Cabdiash-hal iyo guud ahaan reen Awsba. Saxaabigan hooyadii waxa la odhan jiray Kabsha bintu raafic waxayna ahayd haween muslimad ah sidoo kale xaaskiisa waxa la odhan jiray Hinda bintu Samaaka, waxaana isaga kahor qabay walaalkii Aws ibnu Mucaad, gabadhana way islaamtay caruurna way u dhashay Sacad ibnu Mucaad.

Sacad ibnu Mucaad waxa soo islaamiyey safiirkii koowaad ee Islaamka Muscab ibnu Cumayr, kadibna wuxuu Sacad u tagay reerkii uu kasoo jeeday reer bani cabdilsuh.hal, waxaanu yidhi: Hadalkaygu waa idinka xaaraan hadaydaan islaamin, isla markiiba qabiilkiisii waa wada islaamay.

Sacad wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar ee uu Allah guusha siiyey Muslimiinta. Sidoo kale dagaalkii Uxudna waa ka qayb galay wuxuuna ahaa isaga iyo Cumar saxaabadii fadhiisatay markay maqleen in Nabigii Ilaahay ee Muxamed la dilay kadibna waxa soo maray saxaabiga Anas ibnu Nadri oo seeftiisa ku jeeni qaaran kuna dhahay: Maxaad la fadhiisateen, dagaalama. Waxay dhaheen: Nabigiibaa la dilay, wuxuu dhahay: haduu dhintay Nabigu kaca oo ku dhinta wuxuu ku dhintay Nabigii Ilaahay, kadibna waa dagaalamay oo waa shahaado qaatay.

Sacad ibnu Mucaad wuxuu kale oo ka qaybgalay dagaalkii Axzaab oo gaaladii Qureesh oo ahayd Afar kun oo nin iyo carabtii reer bani Qadafaan oo ahaa Lix kun oo ni  ay duulaan kusoo qaadeen magaalada Madiina si ay u qabsadaan waxaana dhagartaas kala qaybgalay Yahuudii reer bani Qureyda oo ballantii ay muslimiinta la ahaayeen ka baxday. Si kastaba ha ahaatee Ilaahay ayaa gaaladii usoo diray mid kamid ah ciidamiisa oo ah Dabyl kadibn hilfaha ayey dabayshaasi u kala qaaday colkii wayn firdhadeen oo ku laabteen meeshii ay ka yimaadeen. Dagaalkaas markuu dhamaaday ayaa Nabigu weerar ku qaaday Yahuudii ku kacday khiyaanada qaran, waxayna soo galeen gacanta Muslimiinta.

Sacad waxa dhaawac kasoo gaadhay gacanta oo dhiig ayaa ku furmay waxaana la dhigay cariish uu ku nasto balse markiii ciidankii Muslimiintu qabsadeen Yahuudii ayuu Nabigu u yeedhay Sacad maxaayeelay qabiilkiisa ayey Yahuuda reer banu Qureyda ay xilfi wadaag la ahaayeen. Sacad ayaa yimid goobtii dagaalka waxaanu Nabigu ku dhahay: Sacadoow adigaa xukumaya ee ku xukun waxaad rabto. Wuxuu dhahay Sacad: RAsuulkii Ilaahayow, waxaan ku xukumay in la laayo ragooda lana qafaasho haweenkooda iyo caruurtooda, markaasu Nabiguna dhahay: Waxaad ku xukuntay xukunkii Ilaahay kaga soo xukumay todobada Samo korkooda. 

Sacad wuxuu had kahor ku ducaystay in Ilaahay furo dhaawicii kasoo gaadhay dagaalka Axzaab hadii uu ka indho doogsado Yahuudii ballanta burisay. Markuu ka indho doogsaday Yahuudii ayaa nabarkii furmay, waxayna keentay inuu u geeriyoodo dhiig bixii iyo nabarkii oo joojin waayey inuu dhiigu istaago.

Sacad ibnu Mucaad markuu geeriyooday waxa janaasadiisii ka qaybgalay todobaatan kun oo Malak oo sii galbinaysa maydkiisa siina sagootinaysa, waxa kale oo geeridiisa awgeed gariiray ama gilgilmay carshiga Raxmaanka, waxaan ruuxdiisa loo furay Samooyinka, Ilaahay raali haka ahaado saxaabiga Sacad ibnu Mucaad.


Waxa soo diyaariyey soona jeedinaya Abdulaziz Oogle