Tusmo

Sadex gabdhood oo Caalamka Islaamka ka yaabiyey!

Aduunyada intaad nooshahay waxaad arkaysaa waxyaalo kaa yaabiyey ha ahaadaan arrimo wanaagsan ama kuwo laga fiicanyahabee, balse markaad fiiriso jiilkii hore ee Umada Islaamka, waxaad is dhahaysaa tolow qoomkaasi ma waxay ku noolaayeen meere kale oo aan Dhulkan ahayn! Hadaba, bal ila wadaag qisada sadexdan gabdhood ee caalamka Islaamka kaga yaabiyey siday khayrka u jeclaayeen.

Qisada 1 aad (Umu Daxdaax)

Markii ay soo dagtay aayadan (مَّن ذَا الَّذِي يُقْرِضُ اللَّـهَ قَرْضًا حَسَنًا فَيُضَاعِفَهُ لَهُ أَضْعَافًا كَثِيرَةً ۚ ) (Kiineebaa amaahimaya Ilaahay amaah wanaagsan oo Ilaahayna u laablaabaa laablaabid fara badan). Aayadan waxa maqlay saxaabiga Abudaxdaax oo nabiga (scw) agtiisa fadhiyey, markaasuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, oo Ilaahay ma amaah ayuu inaga rabaa? wuxuu dhahay Nabigu (scw): “Haa, Abudaxdaaxoow”, wuxuu yidhi: ii dhiib gacantaada Rasuulkii Ilaahayoow, waanu u dhiibay nabigu gacantiisa, markaasuuna yidhi: Waxaan beertayda amaahiyey Rabbigay! Abudaxdaax beertiisa waxa ku yaalay lix boqol oo geed timireed ah (waa qof maanta u dhigmaya milyuneer, subxaana Allh). Beertana waxa daganayd xaaskiisii Umu Daxdaax iyo caruurtiisii, kadibna Abudaxdaax wuxuu yimid beertiisii wuxuuna ku dhahay haweenaydiisii: “Umu Daxdaaxeey, kasoo bax beerta waxaan amaahiyey Rabbigaye!” Markaasay tidhi Umu Daxdaax: “Wuu guulaystay ganacsigaagii, wuu guulaystay ganacsigaagii” [1]

Umu Daxdaax ilaahay raali haka ahaadee waxay si dhab ah u ogayd in ganacsiga lala galayo Ilaahay uu yahay mid lagu guulaysanayo sidaas awgeed markiiba waxay ku dhawaaqday wuu guulaystay ganacsigaagii.

Qiisada 2 aad (Xaaskii Julaybiib)

Julaybiib Ilaahay haka raali ahaadee wuxuu ahaa nin madow oo foolxun, wuxuuna ahaa nin dooba oo aan wali guursanin, kadibna Rasuulkii Ilaahay ayaa u doonay gabadh reer Ansaariyad ahayd. Gabadha aabaheed wuxuu dhahay: waanu kaaga farxinaynaa Rasuulkii Ilaahayow, oo waan kusiinaynaa inanta, balse wuxuu dhahay nabigy: Anigu ma guursanayo ee Julaybiib ayaa guursanaya, wuxuu dhahay ninkii: gabadha hooyadeed ayaan soo waydiinayaa, waanu waydiiyey waxayna tidhi: Inniiih, ma Julaybiib ayaa inantayda guursanaya? Ilaahbaan ku dhaartee guursanmaayo, markuu ninkii doonay inuu kaco ayaa gabadhii tidhi: yaa isoo doonay? waxay dhaheen:: Rasuulkii Ilaahay ayaa doonaya inaad guursato Julaybiib, waxay tidhi: Oo ma Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaad amarkiisa ku celinaysaan,  ii geeya ima dayacayo Rasuulka Ilaahay (scw), kadibna aabaheed ayaa warkii u sheegay Rasuulka, waana loo guuriyey ninkii Julaybiib.

Dabadeedna Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa duulaan u baxay, markuu dagaalku dhamaadayna wuxuu yidhi saxaabadiisii: yaad waysantihidiin? waxay dhaheen: hebel iyo hebel, wuxuu dhahay: yaad kale oo aad waysantihiin? waxay dhaheen: cidna! Wuxuu yidhi Rasuulku (scw): Anigu se waxaa waysanahay Julaybiib!

Waa la raadiyey Julaybiib, waxaana la helay isagoo todobo gaalo ah dilay isagiina ay dileen, markaasuu nabigu (scw) dhahay: Wuxuu dilay todoba, isagiina way dileen, kani aniga ayuu iga ahaaday, aniguna isagaan ka ahaaday! Wuxuuna nabigu saaray madixiisa dhabtiisii, illamaa laga aasayey, lamana maydhin maydkiisii.

Xaaskii Julaybiib ayaa waxay noqotay haweenka ugu xoolaha badan magaalada Madiina, ee sidoo kale ugu wax bixinta badan! Ma ogtahay haweenaydaas wuxuu Rasuulku ugu duceeyey markii ay guursatay Julaybiib, wuxuu dhahay: (اللهُمَّ صُبَّ عَلَيْهَا الْخَيْرَ صَبًّا ، وَلَا تَجْعَلْ عَيْشَهَا كَدًّا كَدًّا) , (Ilaahayow waxaad ku shubtaa korkeeda khayrka shubis, hana ka yeelin nolosheeda mid kadeeda oo dhiban).[2]

Ilaahay subxaanahu wuu ka aqbalay ducadii Rasuulka (scw) waxaana haweenaydaas guursaday saxaabadii waaweynayd ee Rasuulka, waxayna noqotay maalqabeen, kadib markii ay fulisay amarkii Rasuulkii Ilaahay (scw).

Qisada 3 aad (Xaaskii Abulhaytham ibnu Altayhaani) 

Maalin ayaa waxa soo baxay Nabiga (scw), mise waxa ka hor yimid Abubakar (Rc) markaasuu dhahay  Rasuulku: maxaa kusoo bixiyey Abubakarow? wuxuu dhahay: Gaajo Rasuulkii Ilaahayow, kadibna waxa u yimid Cumar ibnu Khadaab, markaasuu dhahay: Maxaa kusoo bixiyey Cumarow wuxuu yidhi: Gaajo rasuulkii Ilaahayow, markaasuu nabiguna dhahay: Anigana waxa isoo saaray waa gaajo.

Dabadeedna sadexdoodii oo wada socda ayaa u tagay saxaabi reer Ansaariya gurigiisii (Abulhaytham ibnu Tayhaan), saxaabigaasina wuxuu lahaa beer wayn iyo adhi fara badan.

Waxaana albaabkii ka furtay xaaskii Abulhaythay, waxay dhaheen: Mee Abulhaytham? Waxay tidhi: Rasuulkii Ilaahayow wuu baxay si uu biyo noogu soo dhaamiyo. Halkiiba waxyar kumay nagaaninba mise waxa yimid Abulhaythay, markaasuu yidhi: Ilaahaybaa mahadda iska leh, maanta maxaa ka wanaagsan martida!

Kadibna gogol ayuu u dhigay geed hooskii, wuxuuna u keenay timir noocyo kala duwan ah waanu kala dooran siiyey, markaasuu dhahay nabigu (scw): “Ilaahbaan ku dhaartee, waa hadh ama hoos qabow, timir wanaagsan iyo biyo qabow , waa nicmada la idin waydiinayo.”

Abulhaytham wuxuu u tagay adhigiisii isagoo raba inuu gawraco neef shilis oo buuran, balse Rasuulka ku dhahay: ha gawricin neef dararsan oo caano leh, kadina wuxuu qalay ceesaan, wuxuuna hilibkii u keenay nabiga (scw) iyo labadiisii saxaabi Abubakar iyo Cumar (RC), wayna cuneen oo dhargeen, markaasuu Rasuulku ku dhahay Abulhaytham: Cid kuu adeegta ma haysataa? Wuxuu dhahay: Maya, Rasuulkii Ilaahayow, wuxuu dhahay: ii kaalay marka ugu horeysay ee maxaabiis timaado.

Kadibna nabiga waxa u yimid laba nin oo adoomo ahaa, markaasuu u yeedhay Abulhaytham ibnu Altayhaan, wuxuuna ku dhahay: labadn nin kala dooro ka kuu adeegaya? Wuxuu dhahay Abulhaythay: Adigu ii door Rasuulkii Ilaahayow, wuxuu dhahay: Ruuxa lala tashado waa mid la aaminay, ee kan qaado sababtoo ah wuu tukadaa (salaad fiican), ulana dhaqan si wanaagsan.

Abulhaytham waa baxay wuxuu warkii u sheegay xaaskiisii markaasay tidhi: ma dhamaystiraysid wixii rasuulku kuu dardaarmay illamaa aad ka xoreysid ninka adoonka ah, kadibna wuxuu dhahay: xorbaad u tahay wajiga Ilaahay.

Markuu Rasuulku (scw) maqlay warkii haweenaydaas ayuu dhahay: majiro nabi lasoo diray ama khaliif, haduu jiraba wuxuu leeyahay laba saaxiib hoose oo midkood faro wanaagsa kana reebo xumaanta, halka kan kalena uu gabood falayo, ee cidii laga ilaaliyo saaxiibada hoose ee xun kaas ayaa dhawrsoon.[3]

Waxa cajiiba qaabka haweenaydaas saalixada ah ay u hirgalisay farriintii nabiga (scw) ee ahayd si wanaagsan ula dhaqma, kadibna ay odaygeedii ku guubaabisay khayrka oo ay fartay inuu xoreeyo adoonkii, subxaana Allah.


Waxa diyaariyey Sh Abdulaziz Mohamed Oogle.

Xigashooyin

[1] Waxa soo saaray Dabaraani kabiirka xadiiska (764) iyo qayrkiiba. Sidoo kale riwaayada waxa qaabab kala duwan usoo saaray Imaam Axmed (12482)  Ibnu Xabaan (7159) iyo Xaakim (2194)

[2] Waxa lagu soo saaray Musnadka Imaam Axmed (33/28)

[3] Waxa soo saaray xadiiska Imaamu Muslim (2038) iyo Imaam Tirmadi (2369).