Ruux dhintay ma la kulmi karaa dad nool Qisooyin

Lifaaqan ku dhufo si aad u daawato mowduucan: Daawo

Bismillah, ku bilaabis magaca Allah, walaal ma is waydiisay Ruuxa Muslimka ah ee dhinta xaguu tagayaa? Suurtagalse mataay in ruux dhintay la kulmi karo dad nool? 

– Ugu horeyn dadka gaalada ah (Ilaahaybaan ka magan galnee) ayagu waxay gaar ku yihiin Cadaabu-alqabri, iyo hooyadoo Haawiya, halka dadka Muslimiinta ah ay ayagu u kulmaan sidii ay Aduunka ugu kulmi jireen Masaajidada, Ciidaha, Xafladaha, Alle bariyada, Aroosyada iwm. 

– Ta labaad: Ma dhici kartaa in ruux dhintay uu la kulmi karo qof nool? Dabcan haa, laakiin kulanka ruuxyada dadka nool iyo kuwa dhintay waxay kulmi karaan riyada, bala nala wadaaq qisooyinka cajiibka ee arrintaas ka markhaati kacaysa:

Qisada 1 aad:

Wuxuu Imaam ibnu Qayyim kusoo arooriyey kitaabkiisa Al-ruux in labada saxaabi ee Sacab ibnu Juthaama iyo Cawf ibnu Maalik ay ahaayeen dad u walaaloobay dar Ilaahay, kadibna ay isku dhaheen: walaal keena hor dhinta ha la kulmo kan kale oo riyo ha ugu yimaado habeenka uu geeriyood. Cawf ayaa yidhi: oo suurtagal ma tahay arrintaasi? Wuxuu yidhi: Haa.

Dabadeedna Sacab ayaa hor geeriyooday, wuxuuna u yimid walaalkii Cawf, markaasu Cawf dhahay: Maxaad walaal la kulantay? Wuxuu yidhi: waa naloo nxariistay, kadib markii nala imtixaamay! Kadibna Cawf ayaa dhahay? Ma dareentaan dadka nool? wuxuu dhahay: walaal waa nalasoo gaadhsiiyaa wixii ehelkayga ku dhacay, walibana bisad ay qoyskaygu lahaayeen ayaa dhimatay! Kadibna Cawf ayaa arkay buro madow oo walaalkii Sacab kaga taala qoortaa! Maarkaasu dhahay: walaal buradaas madow maxay tahay?

Wuxuu dhahay Sacab: waa toban diinaar oo nin yahuudiya oon jiiraan ahayn igu lahaa, waxaanan lacagtiis dhigay meesha halkaas ah ee gurigayga (wuxuu utilmaamay goobtuu lacagta dhigay), waxa kale oo uu yidhi Sacab: Inantayda yar ayaduna waxay noo imanaysaa lix maalmood kadib!

SubxaanAllah, ninkii Cawf hurdada ayuu ka kacay wuxuuna booqday qoyskii walaalkii, kolkaasuu salaamay xaaskii Sacab, ayadiina way canaanatay oo tidhi: ma sidaas ayaa laykaga tagayaa kolka walaalkaa dhintay! Kadibna Cawf meeshii guriga looga tilmaamay ayuu aaday, wuxuuna kasoo saaray lacagtii tobanka diinaar ahayd, wuxuuna u geeyey ninkii yahuudiga ahaa oo ku dhahay: qaado lacagtii aad ku lahayd walaalkay Sacab.

Kadibna reerkii Sacab ayuu wareystay illamaayo ay ka sheegeen in xitaa bisadiina ka dhimatay, kadibna wuxuu waydiiyey meeday inantii yarayd, waxy dhaheen: way cayaaraysaa, waana loo keenay mise inantuba way xumadaysantahay, kadibna way geeriyootay lix maalmood kadib. [1]

Qisada 2 aad: 

Dhacdadaas waxa kale oo lamid ah qisadii saxaabigii Thaabit ibnu Qays ilaahay haka raali noqdee, waana saxaabigii nabigeena (scw) ugu bishaareeyey inu Aduunka ku noolaanayo sharaf, uuna ku dhimanayo shahiidnim, aakhirana uu galayi Jannada.

Thaabit wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Yamaama ee lala dirirayey beenaale Musaylama Alkaddaab, kadibna goobtii dagaalka ayaa lagu dilay oo ku qaatay shaadadii, balse markuu dhintay kadib ayaa nin kamid ah muslimiinta uu seexday wuxuuna hurdada ku arkay Thaabit ibnu Qays Ilaahay haka raali ahaadee.

Markaasuu Thaabit ku dhahay: “Iska jir inaad tidhaahdo waan riyooday ood markaa dayacdid dardaaranka, markaan shalayto dhintay ninbaa xaday dircigaygii (aalad la gashto oo layskaga difaaco hubka), wuxuuna geeyey buur yar dusheed oo uu ku qariyey dirciga, ee qaad oo u gee Khaalid ibnu Waliid (I.H.U) kadibna Khaalid ha u geeyo khaliifkii Muslimiinta ee Abubakar Alsidiiq (I R.H), kun dheh: “Thaabit wuxuu ku yidhi: Dircigayga iibi oo ku bixi dayn laygu lahaa, una sheeg in wiilka adoonka ahina uu xoryahay” Ninkii Khaalid ayuu warkii usheegay, khaalidna wuxuu faray in dirciga Thaabit lasoo qaado waana lasoo qaaday oo loo geeyey Abubkar, Abubakarna (I.R.H) wuxuu yidhi: “Waa inaan fulinaa dardaarankii Thaabit ibnu Qays,” waanu fuliyey Ilaahay raali haka ahaadee, dardaarankaasii waa kii ugu horeeyey uguna danbeeyey inta la ogyahay ee la fuliyey. [2]

Hadafka Qisooyinka:

Hadaba walaal maadaama dadka Muslimiinta ah ay ku noolyihiin caalamka Barzakha oo uu Ilaahayna uu gaadhsiinayo camalada wanaagsan ee aad u qabato ama aad ugu niyooto, maxaa diiday in aniga iyo adiguba aan u niyoono camalada qaar cid kamida ehelkeenii geeriyooday, si khayrkaasi u gaadho oo ayaguna ay ugu farxaan.

Camalada gaadhaya ruux geeriyooday:

Dabcan ruuxa dhintay camaladii uu qabanjiray isagu way dhamaatay, hadana Ilaahay naxariistiisa wuxuu u fudaydiyey Muslimiinta inuu u yeelo qaab ay khayr ugu hadaydeyn karaan cidii ehelkooda ah ee geeriyootay, nabigeenuna wuxuu yidhi: “Haduu ruuxu dhinto camalkiisii wuu istaagay sadex mooyee, sadaqo jaariya ah oo uu labaxay, cilmi dadka uu baray iyo wiil saalixa oo u duceeya”. Tusaalayaal kamida waxyaalaha aad u hadaydayn karto ehelkaagii ama saaxiibkaagii geeriyooday:

  1. Dayn lagu lahaa ood ka bixiso, dabcan arrintaas aad ayuu ugu farxayaa ruuxii dhintay maxaa yeelay dayntu waa xaq uu leeyahay bani Aadamku, xaqa bani Aadamkuna wuu culusyahay sida loo gudo.
  2. Duco aad u ducayso inuu Allah u naxariisto, miisaanka xasanaadkiisa uu cusleeyo, darajooyinka Jannada ugu sareeya inuu Allah geeyo, ducaduna way gaadhaysaa ruuxii geeriyooday, waanu ku farxayaa waxay noqon kartaa sabab keensata in Ilaahay kaga faydo dhib haysatay ruuxaas oo uu ugu danbi dhaafo.
  3. Sadaqo aad ka bixisid, haba kala duwanaato meelaha aad ku bixinaysaaye, waana hadayada ugu qaalisan ee ruux geeriyooday la haneeyo,
  4. Xajka ood kasoo xajto ama cimro aad u niyeyso shakhsigaas, taasina abaalmarkeedu wuu gaadhayaa ruuxii dintay.
  5. Soon aad u soonto ha noqdo mid sunne ah ama mid waajib ahaa oo lagu lahaa ruuxaas.

In loo akhriyo Quraan ruuxa dhintay waa laysku khilaafay, wuxuu dhahay Ibnu Baaz (I.H.U) waa arrin laysku khilaafay, wax xadiisa oo kusoo arooray ama daliil cadaynayaana ma jirto. Sidaa awgeed wax muran galaya iska dhaaf oo qaado camaladaas kor aan kusoo xusnay oo ayagu leh daliiladooda. Wallahu aclam.


WD: Abdulazi Mohamed Oogle

Xigasho:

[1] Kitaabka Ruux ee ibnu Qayyim, bogga 6 aad.

[2] Kitaabka Ruux ee Ibnu Qayyim, bogga 7 aad.