Qisadan si aad u daawato waxaad ku dhufataa linkigan “Daawo”

Saxaabiga Cabdilaahi ibnu Xudaafa Alle haka raali ahaadee wuxuu ahaa nin Badariya. Waxaanu Cumar ibnu Khadaab (I.R.H) u diray dawladii Roomaanka, balse ciidamadii Roomaanka ayaa xadhiga u taxaabay saxaabigan aygoo usii gudbiyeyna boqorkii utalinayey dawladii Roomaanka, waxayna ku dhaheen boqorkii: Boqorow  nin kani wuxuu kamid yahay saxaabadii Muxamed.

Markaasuu boqorkii ku dhahay Cabdilaahi: Ma kiristaanoobaysaa waxaan kusiinayaa boqortooyadayda kala badh, hase ahaatee Cabdilaahi ayaa ku jawaabay: “Hadaad isiiso dhamaan waxaad hanti haysato iyo hantida carabta oo dhana kama laabanayo diinta Muxamed hal ilbidhiqsi.”Kadibna boqorkii ayaa yidhi; hadaba waan ku dilayaa, markasuu dhahay Cabdilaahi; Adiga ayey kuu taalaa.

Dabadeedna wuxuu boqorkii faray ciidankiisii inay ku qodbaan saliibka oo ay falaadhaha ama leebabkana ku tuuraan hareertiisii si loo argagax galiyo, waxayna sameeyeen sidii la faray. Hadana waxay u bandhigeen inuu kiristaanoobo, waanu diiday.

Kadiban waxay horkeeneen dheri kulul oo saliid ay ku jirto markaasaa lagu riday nin kamid ah muslimiinta oo diiday inuu gaaloobo, dabadeedna waxa loo yeedha cabdilaahi ibnu Xudaafa si loogu tuuro isaga maqligaas kulul markaasuu Cabdilaahi ilmeeyey!! Kolkaasaa ciidankii boqorku dhaheen: Boqorow ninkii wuxuu la oyanayaa cabsi, markaasuu Cabdilaahi dhahay: Maya, ee waxaan la oynayaa waxaan leeyahay hal naf oo kaliya oo lagu tuurayo dabkaas iminka, waxaanan jeclaan lahaa inaan yeesho nafo badan oo mid kastana lagu tuuro naartaas si aan ula kulmo Ilaahay anigoo shahiida.

Boqorkii markuu ka cajabay iimaanka saxaabigan ayuu ku dhahay: Madxayga ma dhunkanaysaa waan ku sii dayoonayaaye? Markaasuu Cabdilaahi dhahay: Waa hadii aad isii dayso aniga iyo saxaabadayda, markaasuu boqorkii dhahay: Haa, waanu sii daayey.

Markuu soo laabtay ayaa loo sheegay warkiisii Cumar ibnu Khadaab wuxuuna dhahay Cumar: Qofkasta oo muslima waa inuu madaxa ka dhunkadaa Ibnu Xudaafa, anigaana ugu horeynaya, wuxuuna dhunkaday madaxiisii.

Riwaayo kale waxay tilmaamaysaa in loo sii daayey ibnu Xudaafa sadex boqol oo maxbuus sidoo kalena boqorkii uu siiyey sadex kun oo diinaar.

Imaam Aldahabina wuxuu dhahay: Waxa dhici karta in boqorkaasi islaamay, waxaana ku tusinaysa siduu u hagaajiyey Ibnu Xudaafa markii danbe.


Xigasho:

Siyar aclaam Alnubalaa