Tusmo

Qisadan waxa ka waramay Nabi Muhamed (N.N.K.H):-

Dhagayso Daawo ama akhriso.

Nin ka mid ah umadihii hore ayaa waxa uu marayey meel lama dagaan ah (saxare) markaasuu daruuraha ka maqlay cod dhahaya;- Waxaad waraabisaa beerta Hebel. Ninkii wuu yaabay oo waxa uu is waydiiyey codka aad maqashay ma dhabaa mise maaha. Ninkii oo yaaban ayaa daruurtii dhaqaaqday markaasu isaguna u dhaqaaqay dhankii ay daruurtu u jihaysatay. Inyar kadib waxay daruurtii bilowday onkod iyo hilaac waanay da’day. Roobkii ayaa ku ururuar meel waadi ah kadibna biyihii waxay gaadheen meel beera markaasay beertii oo dhan waraabisay. Ninkii oo yaaban ayaa la kulmay ninkii beerta lahaa waxaanu waydiiyey magaciisa waxaanu ku yidhi waa Hebal; waa magicii uu daruurta ka maqlay. Ninkii waxa uu hubsaday in codka uu maqlay ahaa malag, markaasuu waydiiyey waxa beerta kaligii loo waraabiyey. Ninkii beerta lahaa ayaa ku yidhi maadaama aad i waydiisay waan kuu sheegi sababta beertayda loo waraabiyey waxa uu yidhi :- Markaan beerta beero waxa kasoo baxa ayaan u qaybiyaa sadex meelood, Hal meel waxa quuta aniga iyo ubadkayga, qaybta labaadna waan sadaqaysataa (dar ilaahay ayaan u bixiyaa) qaybta sadexaadna beerta ayaan dib ugu celiyaa si ay mar labaad usoo go’do.

Karaamadan ninkan ka dhacday ayaa ah inuu u bixiyo xoolihiisa dar ilaahay. Marka koobaad qaybta uu siiyo reerkiisa waa sadaqo, qaybta labaadna dadka saboolka ah ayuu siiya, qaybta sadexaadna waxa uu ku ilaaliyaa sadaqadiisa oo beerta ayuu dib ugu celiyaa. Waxay ka dhigantahay inuu bixiyey dhamaan xoolihiisa  oo dhan dar ilaahay, markaasuu Eebana ka muujiyey mucjisadan.


Qisadana waxa ka waramay Nabiga (N.N.K.H)

Dhagayso ama akhriso.

Waqti waqtiyada ka mid ah waxa jiray Nin wanaagsan oo diin leh markaasuu doonay inuu dhul gato kadibna waxa uu utagay nin gadaya dhul markaasuu iibsaday dhulkii oo ka dhistay guri iyo beer. Maalintii danbe isaga oo beertii qodaya ayuu sabaradii  ku dhuftay sanduuq dhulka ku aasnaa kadibna sanduuqii ayuu soo saaray waxaanu ka helay kansi dhan oo dahab ah. Ninkii inta uu qaaday kansigii ayuu u geeyay ninkii beerta ka gaday oo ku yidhi kansigan ayaan ka helay beertii aad iga gaday ee qaado adigaa iska leh dabadeedna ninkii beerta iibiyey ayaa yidhi:- Waxaan kaa gaday beerta iyo wixii ku gudo jira ee kansigan adigaa helay oo iska leh. Labadii nin way diideen inay qaataan kansigii kadibna waxay u tageen maxkamada ayagoo ku dacwoonaya in midb midka kale leeyahay adigaa leh kansigan dahabka ah. Qaadigii maxkamada waxa uu ku yidhi ninkii beerta gatay ma leedahay ubad, waxaanu yidhi waxaan leeyhay hal gabadh, ninkii beerta iibiyeyna waxa uu yidhi waxaan leeyahay hal wiil kadibna qaadigii waxa uu ku yidhi ka warama hadii aad isu guurisaan wiilka iyo gabadha oo aad ku bixisaan kansiga dahabka ah, labadii ninba way isku waafaqeen aragtidii qaadiga oo waxay dahabkii ku bixiyeen arooskii labadii.


Qiso layaab leh waxayna ka dhacday reer banu israel.

Dhagayso ama akhriso.

Nin ayaa doonay inuu daynsado lacag kadibna Nin ayuu u tagay uu ku yidhi i daymi Kun Diinaar, Ninkii waxa uu ku yidhi waan ku dayminayaa ee waxaan u baahanahay markhaati, ninkii lacagta daynsaday waxa uu ku yidhi Ilaahay ayaa markhaati inoo ah, hadana waxa uu ku yidhi waxaan u baahanay kafiil (cid bixisa lacagta hadii lagu waayo) ninkii waxa uu yidhi Ilaahay ayaa inoo kafiila. Ninkii waxa la amaahiyey Kun diinaar waxayna ballameen xilli cayiman inuu usoo celiyo lacagta. Labada nin waxay deganaayeen meel wabi u dhaxeeyo oo loo raaco doon ama maraakib. Maalintii uu laballamay saaxibkii markii la gaadhay ayuu ninkii lacagta daymiyey yimi meeshii ay ku ballameen, balse ninkii kale waxa uu waayey dooni uu soo raaco dabadeedna waxa uu soo qaaday loox waanu qoray oo u sameeyey god kadibna ku riday kiish ay ku jirto kunkii diinaar waxaanu raaciyey harag uu ku qoray; lacagtan waxay ka timid ninka hebel oo waxay ku socotaa hebel -saaxiibkiisii lacagta amaahiyey- kadibna biyihii ayuu ku tuuray Eebana wuu talo saartay. Ninkii kale markuu waayey saaxiibkiis ayuu ka quustay lacagtii oo damcay inuu ku noqodo gurigiisii isagoo niyad jabsan balse waxa uu doonay inuu uruuriyo xaabo si reerkiisu dabka ugu shitaan, isaga oo ururinaya xaabadii ayuu arkay loox kadibna wuu soo qaatay markaasuu jabiyey looxii kadibna waxa uu ka dhex helay kiishkii markaasuu furay waxaanu ku arkay kun diinaar iyo fariin la socota markaasuu akhriyey fariintii mise waa saaxiibkii oo usoo diray lacagtii kunka diinaar kuna wargelinaya inuu doon uu soo raaco waayey asagoo cudurdaaranaya. Ninkii kale waxa uu soo ururiyey kun diinaar oo kale kadibna maalintii xigtay ayuu soo raacay doontii si uu usiiyo saaxibkii uguna cudur daarto. Markuu saaxibkii la kulmay ayuu saaxibkii yidhi lacag hore miyaad soo dirtay markaasbuu yidhi haa:- Saaxiibkii waxa uu yidhi waan helay lacagtii aad bada soo raacisay ee iska hayso lacagtaada.

Qisadan waxay ka turjumaysaa amaanada iyo wanaaga ay leedahay in la guto, hadii aad ilaahay run usheegtidna ilaahay wuu ku caawinayaa oo ku garab galayaa.