Tusmo

QISADII YUUSHAC IBNU NUUN

Dhagayso ama Akhriso, Soona dajiso PDF

Nabi Yuushac waa laysku waafaqsanyahay Nabinimadiisa waana wiilkii dhalinyarada ahaa ee la socday Nabi Muuse (NNK) waxaanu Nabi noqday kadib geeridii Nabi Muuse.

Nabi Yuushac (NNK) abtirsiintiisu waa Yuushac Ibnu Nuun Ibnu Afraathiim Ibnu Yuusuf Ibnu Yacquub Ibnu Isxaaq Ibnu Alkhaliil Ibraahiim (NNK).

Waxaan horey u soo tilmaamnay in Nabi Muuse iyo Qoomkiisii Reer Banu Israel ay u dagaal tageen dhankaas iyo Falastiin si ay u xoreeyaan Baytul Maqdaska oo ay haysteen Gaalo. Haseahaatee Reer Banu isrel ayaa ka caga jiiday uguna jawaabay Nabi Muuse iyo Walaalkii Nabi Haaruun:- “ idinla dagaal galimayno ee waan sii fadhinaynaa ee adiga iyo Eebaha dagaal gala”.

Kadib markay cadho ka hsaqaysteen Eebaha wayn ayaa lagu soo rogay ciqaab kaga yimid xagga Eebe, lagana mamnuucay inay galaan Baytal Maqdaska muddo dhan 40 sano. Kuna jiraan Tiiha oo macnahiisu yahay in ay ku adkaato inay helaan wado ay ka baxaan. Meesha ay habeenkii u hoydaan ayay isla habeenka kale kusoo noqdaan, waa jarhabaabin iyo sidii baadi luntay oo kale, naftooda unbay canaanayaan . Mudadaas ayadoo lagu jiro ayaa Eebe oofsaday Nabigii iyo Adoonkii wanaagsanaa waa Kaliimkiisii Nabi Muuse naxariis iyo nabadgalyo koriisa ha ahatee.

Nabi Muuse geeridiisii kadib waxa xilkii Nabinimo ku wareegtay Nabi Yuushac. Markii ay mudadii Tiihu dhamaatay ayaa uu Nabi Yuushac u diyaariyey Dagaal ka dhan ah gaaladii haysatay Baytal Maqdas, haseahaatee Nabi Yuushac waxa uu go’aamiyey shardiyo Qofka dagaalka galaya laga rabo.  “Waa mida koobaadee waa in aanu ciidanka ka mid noqon qof ku xidhan Haween, sababtoo ah waxa uu ka fakarayaa gabadhaas, mana hananayo dagaal fiican, sidoo kale uma baahna nin Guri inta uu dhisay Saqafka sare aanu dhamaystirnayn iyo nin xoolo leh oo sugaya taranka xoolihiisa. Waxa uu Nabi Yuushac rabay in uu ciidankiisa ka fogeeyo arrin aduunyo iwm.

Jiilkan cusub ee uu tababaray Nabi Yuushac tiradoodu way badnaayeen, waxanu u hogaamiyey dagaalkii si ay u furtaan Baytal Maqdaska.

Kadib markay ciidankii gaadheen dhulka Falastiin waxay ugu tageen dhufaysyo adag oon la mari karayn, haseahaate way cunqabateeyeen, hareereeyeen dhufayskii. Hareerayntaas waxay ku hayeen muddo dhan Lix bilood. Way u adkaysteen dhibtii iyo rafaadka dagaalka waanay sugmeen, Eebana waa sugay safkoodii.

Maalin Jimce ah ayaa Nabi Yuushac iyo ciidankiisii jabsadeen dhufaysyadii, haseahaatee waxay gaadhay galinkii danbe ayagoon aan dhamaystirin furashada magaalada. Habeenka soo galayaa waa Sabti, sida caadada u ahayd reer banu Israelna may dagaalami jirin maalinta Sabtida ah. Arrintiibaa ku adkaatay ciidankii iyo Nabi Yuushacba, Hawshana ma dhamaystiri karayaan maanta, waxaana macquul ah haday sugaan maalinta Axada in ay Gaaladu isasoo uruursato oo iska dhiciso ciidanka.

Nabi Yuushac ayaa markuu arkay arrintu siday tahay la hadlay Qorraxda kuna dhahay “ Qorraxeey Anigu waan amranahay, Adiguna waad amrantahay ee Hal Saac istaag” waxaanu yidhi Eebow Hal saac ii istaaji Qorraxda. Eebana waa istaajiyey Qorraxdii, waa mid ka mida mucjisooyinkiii Nabi Yuushac.

Ciidankii waxay sii wadeen dagaalkii wayna burburiyeen dhufaysyadii, waxayna galeen Masjidka Alqudus, isla goobtaas waxa kaga shahiiday kumaan kun oo ciidankii Nabi Yuushac (NNK).

Guusha wayn oo uu Nabi Muuse (NNK) uu ku riyoonay markay gaadheen ayuu Eebe Amray in Reer Banu Israel galaan Masjidka, ayaga oo sujuudsan dhahaan kalmada “ Xiddah” hadday sameeyaan arrintanna Eebe waa u danbi dhaafayaa, laakiin Reer Banu Israel manay sujuudin ee waxay galeen Baytul Maqdas ayaga oo Gadaal jeedinaya, kalamadiina waxay ku badaleen “Xindah” kibir iyo isla waynibaa gashay, amarkii Eebana si toosa ayey u diideen waanay ka dhaga furaysateen.

Kadib waxa ku habsatay cadhadii Eebe waxaana lagu salliday Xanuunka Daacuunka oo ka laayey kumaankun oo qof.

Reer banu Israel waxay ku noolaayeen Falastiin muddo aad u dheer ayagoo ku takrifalay diintoodii, laayeyna Nabiyadii loo soo diray. Waxa la dhahaa dhagax yaal Falastiin waxay yahuudu ku dileen 70 Nabi. Ilaahaybaan ka magan galnay sifooyinkaas.