Daawo ama Akhriso:

Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, waxaanan ku sallinaynaa Sayidkeenii iyo Naxariistii Caalamiinta Nabi Muxmaedm Ilaahay korkiisa ha yeelo Naxariis iyo Nabadglayo isga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhammaan Dadka Muslimka ee raacay jidkiisii iyo wadadiisii. Waxaan idinku salaamayaa walaalayaal salaanta islaamka oo ah Asalaama calaykum wa raxmatuAllahi wa barakaatuhuu oo macnaheedu yahay Nabad galyo, Naxariis iyo Barakooyin katimid xaga Allah korkiina ha ahaato.

Qisada aan soo qaadanayno maanta waxay tahay qiso aad u cajiiba oo u baahan in inbadan la dul istaago oo lagu cibro qaato, qisadan waxay ku saabsiisantahay saxaabigii Cabdilaahi ibnu Unays oo Nabigii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H) uu siiyey Ul uu ku tukubayo Jannada dhexdeeda, MaashAllah.

Sanadkii 3 aad ee hijrada waxa dhacay dagaalkii Uxud oo Muslimiinta iyo Gaaladii Qureesheed ay isku galeen buurta Uxud sokodeeda, waxaanu dagaalkaas ku dhamaaday Muslimiinta oo laga dilay 70 saxaabi. Arrintaas oo ay gaaladii Qureesh u arkaysay guul wayn oo usoo hooyatay, kadibna Carabtii kale ee ku noolaa Jaziirada Carabta ayaaba hunguri ka galay magaalada Madiina oo waxayba abaabuleen duulaano ka dhan ah dawlada islaamka ee Madiina.

Dadkaas dagaalada guubaabinayey waxa kamid ahaa nin gaal ahaa oo la dhaho Khaalid ibnu Sufyaan oo kamid ahaa qabiilkii reer Hudayl, ninkani wuxuu doonay inuu dagaal ku qaado Madiina oo ciidan ayuu urursaday waxaanu ku diyaargaroobay deegaan Waadi Nakhli oo Makkah u dhaw.

Nabigii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H) wuxuu lahaa ilo iyo sirdoono u adeega, waxaana markiiba loo sheegay halista ninkaas ku yahay Muslimiinta iyo inuu damacsanyahay inuu kusoo duulo Madiina sidoo kalena uu dilo Nabi Muxamed (N.N.K.H). Markuu Nabigu hubsaday duulaanka ninkaas ayuu saxaabadiisa la hadlay oo dhahay: yaa ninkaas inaga maareeynaya? Saxaabiga Cabdilaahi ibnu Unays ayaa dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, ninkaas gaalka ah warkiisa aniga igu daa.

Cabdilaahi waa diyaar garoobay waxaanu Nabiga waydiiyey astaamaha iyo sifooyinka ninkaas lagu garanayo, wuxuuna Nabigu u tilmaamay inuu ninkaas yahay nin madax u ah qabiilkiisa ayna qabato jidhidhico. 

CAbdilaahi waa soo safray wuxuuna yimid deegaankii ninkaas joogay, markaasu dadkii reer baadiyahay ahaa waydiiyey waa kuma ninka la dhaho Khaalid ibnu Sufyaan? Kadibna reer baadiyihii ayaa u tilmaamay meesha uu Khaalid joogay isaga iyo ciidankiisii.

Cabdilaahi wuxuu soo dhex galay xaruntii ciidanka Khaalid kolkaasu u tagay oo ku dhahay: Waxaan ahay nin Carab ah waxaanan maqlay inaad duulaan ku qaadayso Muxamed waxaanan jeclaystay inaan ciidankaaga ku biiro oo aan la jirkaaga dagalamo! Ninkii waa soo dhoweeyey waxaanu u sheegay hadafkiisa ah inuu rabo inuu baab’iyo dawlada islaamka.

Cabdilaahi ibnu Unays wuxuu dhahay: Ninkan gaalka ah waan ku marnaa oo haduu midig u baxo ama bidix u baxo waan la ijiray, xitaa salaadii Casar markii la gaadhay ayaan taagnaanta ku tukaday anigoo madaxayga foorarinaya oo ishaaraya Rukuucdii iyo Sujuudii.

Habeenkii kolkii la gaadhay ayuu ninkii carraabay aniguna waana la caraabay oo wuxuu dhahay: niyahaw maxaad igaga marantahay? wuxuuu yidhi: waxaan ahay nin gabayada tiriya waxaana xifdisanahay gabaydii Carabtii hore waxaanan sidoo kalena maqlay inaad tahay abwaan curiya maansooyinka ee waxaan jeclaaday inaan kula caweeyo oo aynu isu gabayo tirino, ninkii Khaalid ahaa waa soo dhoweeyey maadaama uu gabayada carabiga xiisaynjiray.

kadibna saxaabigii Cabdilaahi wuxuu dilay gaalkii Khaalid ibnu Sufyaan ee damacsanaa inuu dilo Nabi Muxamed (N.N.K.H), waxaanu kasoo baxsaday xaruntii ciidanka ee gaalkii dhintay, subxaanAllah.

Cabdilaahi wuxuu yimid magaalada Madiina kolkaasuu la kulmay Nabi Muxamed (N.N.K.H) waxaanu Nabigu dhahay: Wajigaagu liibaan, war khaye leh sheeg. Cabdilaahi wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, waa la khaarijiyey gaalkii Khaalid, kadibna Nabiga ayaa kaxeeyey oo guriga galiyey soona siiyey Ul!!

Cabdilaahi ushii ayuu lasoo baxay waxaanu la kulmay saxaabadii Rasuulka waxayna ku dhaheen: Cabdilaahiyoow, waa maxay Ushani? wuxuu yidhi: Nabigaa isiiyey, mana garanaya sababta!! Waxay dhaheen: Ku laabo Nabiga oo waydii sababta aad iisiisay Usha tan, kadibna Cabdilaahi Nabigii ayuu u galay oo waydiiyey arrinta Ushan, wuxuuna dhahay: Waa calaamad aniga iyo adiga inoo dhaxaysa maalinta qayaame!! Riwaayo kale waxay tilmaamaysaa inuu dhahay: waxaad ku dul tukubaysaa Jannada Rabbiga Raxmaanka ah ee iska leh naxariista guud iyo naxariista gaarka ah.

Cabdilaahi Ilaahay raali haka ahaadee waxa la sheegaa inuu ushii aanay gacantiisa ka bixin ee haduu fadhiisto, jiifsado ama uu lugeeyo way ag ooli jirtay. SubxaanAllah, xitaa markuu geeriyooday ayuu ku dardaarmay in lala aaso Usha oo lagula duugo iilka xabaashiisa, isla markuu geeriyoodayna waa lala aasay ushii oo xabaashiisa ayaa lala dhigay, waxaana lala soo saarayaa maalinta qayaame oo wuxuu ku dul tukubayaa Jannada Rabbiga Raxmaanka ah.

MaashAllah, waa qiso cajiib oo ina tusinaysa geesinimada iyo naftii hurihii Islmaaka Cabdilaahi ibu Unays Ilaahay raali haka ahaadee.

Faa’idooyinka aynu ka qaadanayno Qisadan:

  • Nabi Muxamed (N.N.K.H) wuxuu ahaa ruux feejigan oo aan mooganayn waxa hareerihiisa ka dhacaya, isla markuu yaqiinsaday in halis ay soo foodsaartay Muslimiinta waa ka fal celiyey, markay colkii kalena arkeen feejignaan Muslimiinta ayaguna dib ayey colaadoodii ula laabteen.
  • Nabigu wuxuu ku dadaalay inuu abaalmarinta saxaabiga ama billad sharafta lagu tolayo ay ahaato wax maalinta Qayaame wax u taraya, wuxuu siiyey Ul u ah calaamad Qayaamaha oo uu ku dul tukubayo Jannada, taasina waxay ku dhiiri galinaysaa saxaabada kale iyo muslimiintaba inay camalkooda u niyeystaa oo kaliya inay wax ku goostaan maalinta xisaabta.
  • Mucjisada Nabiga ayaa soo daahirtay oo wuxuu Nabigu siiyey Cabdilaahi sifooyinkii ninkii gaalka ahaa taas oo markuu Cabdilaahi arkay uu markiiba gartay inuu yahay ninkii Nabigu tilmaantiisa siiyey.

 


Xigasho:

Waxa soo saaray Qisadan, Imaam axmed, Abu-daa’uud, ibnu Khusaymah iyo siirada nabiga ee ibnu Hishaam.