Qisadii toobad keenkii saxaabiga Maaciz ibnu Maalik:

 

Maaciz ibnu Maalik wuxuu ahaa saxaabi kamid ah saxaabada Rasuulka (scw), waxa dhagar u maleegay Shaydaanka, oo wuxuu la kali noqday gabadh reer ansaar ah, kadibna Shaydaan ayaa sadaxeeyey oo wuxuu ku dhacay faaxishadii, Ilaahaybaan ka magan galnaye.

Kolkuu danbigii waynaa ku dhacay saxaabigaasi ayuu Shaydaankii wax qurxinayeyna iskaga tagay, kolkaasuu Maaciz murugooday, wuxuuna canaantay naftiisa, isagoo ka cabsanaya ciqaabka Ilaahay.

Maaciz oo danbigii waynaa gubayo qalbigiisa ayaa u yimid Rasuulka (scw) wuxuuna ku yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow idaahiri, kolkaasuu Rasuulku (scw) kasii jeestay, hadan Maaciz wuxuu ku celiyey eraydiisii, Rasuulkii Ilaahow waan zinaystaye i daahiri, markaasuu nabigu dhahay (scw): waar dib u noqo oo Ilaahay danbi dhaaf waydiiso, hadana Maaciz intuu tagay ayuu dib usoo laabtay markaasuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow idaahiri, hadana nabigu wuxuu ku dhahay: dib u noqo oo Ilaahay u toobad keen, hadan mar sadexaad ayuu uyimid, nabiguna wuxuu lahaa waar hoog kuu sugnaaye iska tag oo Ilaahay danbi dhaaf waydiiso, balse Maaciz markii afaraad ayuu soo laabtay markaasuu yidhi: Rasuul Allow i daahiri, markaasuu Nabigu dhahay: Ninkan miyuu waalanyahay? Ma caqligiisa ayaan taam ahayn? waxay saxaabadii tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow wuu fayo qabaa, wuu qabaa caqligiisa. Hadana nabigu (scw) wuxuu dhahay: waar ma garanaysaa Zinadu waxay tahay? wuxuu dhahay: Haa, Rasuulkii Ilaahayoow, waxaan u tagay gabadh sida ninka iyo xaas is qabaa ay u dhex marto xidhiidhka qoysnimo.

Markaasuu Rasuulku dhahay: malaha khamri ayuu soo cabay ee bal ursada afkiisa, saxaabadiina afkiisa ayey ursatay waxayna dhaheen: Muu cabin khamri, kadibna nabigu markuu arkay in Maaciz afar jeer isku markhaati furay oo aanu ordina ayuu faray in la rajmiyo, waana la rajmiyey.[1]

Kolkii uu dhintay saxaabigii ayaa laba nin waxay dhaheen: Ma aragtay kan Ilaahay intuu asturay aan naftiisa u joojin illamaa laga rajmiyey sida eyda oo kale!! Nabigu wuu maqlay hadalkodii kolkaasuu ka aamusay mudo yar, kadibna waxay soo mareen wado uu yaalo dameer bakhtiyey oo lugtiisu faaxday, markaasuu dhahay: aaway hebel iyo hebel? waxay dhaheen: waanakan Rasuulkii Ilaahow. Wuxuu dhahay: Cuna dameerkaas bakhtiyey!! markaasay dhaheen: Nabigii Ilaahow yaa cuni karay bakhtigan? wuxuu dhahay: xantii aad xamateen walaalkiin Maaciz hada ayaa ka xun inaad cuntaan dameer bakhtiyey. Markaasuu dhahay nabigu (scw): Ilaahbaan ku dhaartee Maaciz hada wuxuu ku dabaalanayaa wabiyada Jannada. [2]

 

Hadana nabiga (scw) waxa u timid haweenay reer Qaamid (Azdiyiinta ahayd) waxayna ku tidhi: Rasuul Allow idaahiri! Markaasuu dhahay: Iska tag oo Ilaahay danbi dhaaf waydiisto, markaasay tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow miyaad i celinaysaa sidii aad Maaciz u celisay oo kale? Wuxuu dhahay: Maxaa siya? Waxay tidhi: waxaan qaaday uur zino ah. Markaasuu dhahay nabigu (scw): Miyaad hada kahor soo guursatay? Waxay tidhi: Haa, wuxuu dhahay: kuma rajminayno illamaa aad uurka ka dhigayso. Markii ay ilmihii dhashay ayey kusoo laabatay nabiga (scw) waxayna tidhi: waan umulay Rasuulkii Ilaahayoow, wuxuu yidhi: Ilmaha soo nuuji illamaa uu naas nuujinta ka dhamaysanayo, hadana laba sanadood ayey maqnayd markaasay soo laabaatay oo ay tidhi: rasuulkii Ilaahayoow, wiilkii waa kan oo waan u dhamaystiray naas nuujintii oo xitaa waakan cunaya rootiga. Kadibna nabigu (scw) wuxuu ilmihii u dhiibay nin kamid ah muslimiinta, ayadiina waxa la faray in la rajmiyo waana la rajmiyey.

Intii lagu gudo jiray rajminteeda ayaa Khaalid ibnu waliid dhagax ku tuuray markaasuu caayey haweenaydii, kolkaasuu dhahay nabigu: U kaadi Khaalidow, Ilaaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, waxay toobad keentay toobad laga aqbali lahaa cashuur qaadaha xaqdarrada kaga qaada Umada, kolkaasuu ku tukaday nabigu (scw) [3]


[1] Bukhaari [4970]

[2] Abudaawuud [4428]

[3] Muslim [1695]