Qisadii ninkii helay kiishka dhexda lagu xidho:

Waxa lagasoo wariyey Muxamed ibnu Aljariir Aldabari qiso aad u cajiiba oo ka warramaysa oday waayeela oo da’diisu tahay sideetan iyo shan sano jir, magaciisana la dhaho AbuQayaath Almakki.

Odaygaasi wuxuu ahaa dadka fuqarada ah ee degan magaalada barakaysan ee Makkah, wuxuu lahaa xaas, afar hablood, laba gabdhood oo ay walaalo yihiin iyo xaaskiisa hooyadeed, isaguna qoyska wuxuu ku ahaa sagaal.

Odaygaasi wuxuu kusoo koriyey qoyskiisa faqrinimo iyo gacanta oo aanu waxba ku haynin, waxa faqrigiisu gaadhay heer aan dumarka guriga joogaa aanay heln maryo astura oo ay ku tukadaan salaada faralka, waxa kaliya oo guriga yaalay hal go’ oo lagu tukan karo. Marka la gaadho salaada Subaxa ayuu odaygu go’ u qaata masaajidka, kolkuu soo laabto ayuu go’a siiyaa qoyskiisa oo dumar ah kolkaasbay ku tukadaan salaada faralka ah. Kadíbna suuqa yuu go’aas ku tagi jiray isagoo reerkiisa usoo baadhay waxay quutaan oo maalintaas la cuno. Wuxuu dhahay Abuqayaath: Maalintii wixii aan soo helo oo timira iyo qamandiya ayaan u keeni jiray qoyskayga, kadibna go’aas ayaan usaari jiray dumarka waxayna ku tukan jireen Salaadaha maqribka iyo cishaha.

Ayagoo xaaladaas ku sugan ayaa sanadkii laba boqol iyo afartankii hijriyada waxa yimid magaalada Makkah Al-imaam Aldabari oo xilligaas da’diisu ay yarayd, isagoo gudanaya waajibaadka xajka iyo cimrida, sidoo kale waxa moosimka xajka yimid nin reer Khuraasaaniya. Khuraasaana waa deegaano balaadhan oo koobsanaya dawlada Iiraan, Afghanistan iyo Turkiministaan.

Ninkaas reer Khuraasaani ayaa wuxuu waayey kiish (Himyaan) lagu xidho dhexda oo ay ku jirto lacag dahab ah oo qiimaheedu yahay Kun Diinaar. Kadibna ninkii reer Khuraasaan ayaa istaagay oo la hadlay dadkii gudanayey waajibaadka Xajka, wuxuuna dhahay: ”Xujaajta baytka Ilaahayoow cidii aragatay kiish ay ku jirto Kun Diiinaar oo dahab ah haysoo celiyo, isagana Ilaahay abaalkiisa ha ulaablaabo”

Kadibna odaygii ayaa istaagay Abuqayaath wuxuuna dhahay: ”Ninkaagan reer Khuraasaniyow deegaankayagani waa baahanyahay,  mowsimkeeduna waa tirsanyahay ee waxa laga yaabaa in kiishkaasi gacanta u galay nin wanaagsan oo Ilaahay ka cansanaya oo raba xoolo xalaal ah ee wax uga ballanqaad” Ninkii reer Khuraasaan ayaa dhahay: ”Muxuu rabaa ninkaasi?” wuxuu dhahay odaygii: ”boqolkiiba toban oo ah boqol diinaar” Ninkii reer Khuraasaan wuxuu dhahay: ”Maya, waxna uguma ballanqaadayno ee Ilaahay ayaan kusii daynaynaa –(Alle ayaa abaal marinaya)” Sidaasna odaygii iyo ninkii reer Khuraasaan way ku kala tageen.

Odaygan Abuqayaath isaga ayaa helay kiishkii, waxaanad qiyaastaa lacgta qiimahaas la eeg ee aanu waligii arkin oo mar qudha gacanta usoo gashay, kadibna kiishki ayuu gurigiisa keenay wuxuuna ku dhahay xaaskiisii oo la dhaho Lubaaba: Lubaabooy waxaan helay kiish lacag ku jirto ee waxa dhici karta in ninkii lahaa uu ajuuro inaga siiyo ee sii dhawr. SubxaanaAllah, walaalayaal waqtigaas halka diinaar ee dahahbka ah wuxuu goyn jiray laba neef oo xoolo ah, bal qiyaan kun diinaar inta ay ahayd.

Al-imaam ibnu Jariir Aldabari oo qisada laga warinayo ayaa dhahay waxaan u maleeyey in odaygan la hadlay ninkii reer Khuraasaan inuu helay kiishkii kadibna waan soo daba galay, wuxuuna odaygii galay guri abaar iyo baahi badan ka muuqato, markaasuu u yeedhay xaaskiisii isagoo Lubaabooy, markaasay ayadiina dhahday: Haa, waan ku maqlaa.

Wuxuu dhahay odaygii: ”Ninkii kiishka lahaa waan helay, waxaana ku dhahay lacagta wax u ballanqaad cidii heshay, maxaa yeelay baladkani waa baahanyahay, wuxu dhahay miiqa ayaan u ballan qaadaa? Waxaan idhi boqolkiiba toban, wuxuu dhahay: maya ee Ilaahay ayaan u daynayaa isagaa abaalmarinayee.”

Xaaskiisii waxay tidhi:” Waxaan faqriga kula qaybsanay konton sanadood, waxaadna leedahay afar hablood, laba gabdhood ayaa walaalahaaga ah, aniga iyo hooyaday iyo adiga oo qoyska sagaaleeya, ee xoolaha naga dhargi oo dhar iyo hu inagoo soo iibi, waxa dhici karta inuu Alle xoolo kusiiyo oo aad iska bixiside” odaygii wuxuu dhahay: ” Maya, mana ballan burinayo anigoo sideetan iyo lix sano jir ah.

Ibnu Jariir Aldabari wuxuu dhahay: markaan maqlay qisadii odayga iyo reerkiisii ayaan iskal laabtay, kadibna maalintii xigtay ayuu ninkii Khuraasaaniga ahaa istaagay isagoo leh: ”Wafdiga u yimidinay gutaan waajibaadka xajkoow waxaan la’ahay kiish ay ku jirto kun diinaar oo dahab ah ee cidii hesha ha ii keento, waxaana abaalmarinaya Ilaahay.

Maalintana odaygii ayaa istaagay oo dhahay: Ninkaagan reer Khuraasaanoow cidii hesha kiishka wax u ballanqaaday, waanan kuu sheegay shalaytoole in baladkayagani yahay faqiir oo aan beer iyo xoolo toona lahayn sidoo kale aad u ballanqaado boqol diinaar waanad diiday ee bal toban diinaar ugu yabooh, waxa dhici karta inuu kiishku ku dhacay gacan Ilaahay ka cabsanaysa oo hakuu keeno, isagana tobankaas diinaar ha u ahaato asturaad iyo dhawrsaniye. Ninkii wuxuu dhahay Maya, ee Ilaahay ayaan ku daynaynaa.

Maalintii sadexaad ayuu ninkii hadana istaagay isagoo sidii u raadinaya kiishkiisii, markaasuu odaygii ku dhahay: ”Ninkaagan reer Khuraasaan wax u ballanqaad xitaa haba ahaato hal diinaar oo ku iibsado kala badh neef xoolo ah oo ay maalaan iyo badhka kale oo ay biyo ugu keenaan dadka gudanaya waajibaadka xajkee” ninkii reer Khuraasaan wuxuu dhahay: Maya ee Ilaahay ayaan u daynaynaa.

Kadibna odaygii ayaa soo jiiday ninkii reer Khuraasaan waxaana soo racaay ibnu Jariir Aldabari wuxuu odaygii dhahay: Ina mari aan ku siiyo kiishkaagiiyee.

Odaygii wuxuu yimid gurigiisii, wuxuuna qoday meel dhulka hostiisa ah, wuxuuna ku dhahay ninkii reer Khuraasaan: kaasi mayahay kiishkaagii, ninkiii ayaa farxay oo dhahay: Haa, waa kiishkaygii madoobaa, markaasuu xadhkihii ka furay oo kasoo saaray kun diinaar oo dahab ah wuxuun ku shubtay dhabtiisii, isagoo leh waa diinaardaydii. Ninkii reer Khuraasaan markuu tirdii dhameeyey ayuu garabkiisa saaray kiishkii wuxuuna ku shubtay lacagtii, waanu xidhxidhay kadibna waa baxay.

Dabadeedna dadkii oo yaaban ayuu ninkii dib usoo laabtay, ayadoo dadku isleeyihiin tolow ma diinaar ayaa ka dhacay ninkan bakhaylka ah! Ninkii reer Khuraasaan ayaa odaygii u yeedhay oo ku yidhi: ” Sheekhoow dhagayso, waxa dhintay aabahay wuxuuna ka tagay sadex kun oo diinaar dahahaba, wuxuuna ii dardaarmay inaan u sadaqeey sadex meelood oo lacagtii uu ka dhintay, wuxuuna i dhahay gaadiidkayga iibi oo ku kharash garee safarkaaga xajka, kunka diinaar sii cid ku habon, waanan soo baxay oo laga soo bilaabo Khuraasaan ilaa magaalada Makkah maan arkin ninka kaaga xaq mudan lacgta ee qaado, kadibna intuu kiishkii odayga u tuuray ayuu cararay. Ibnu Jariir oo qisada warinaya wuxuu dhahay odaygii iyo aniguba ninkii ayaan ka daba orodnay waanu libdhay ninkii reer Khuraasaan.

Dabadeedna odaygii Abuqayaath ee waayeelka ahaa oo aan soconkarayn gaajada iyo baahida haysa darteed ayaa ku dhahay ibnu Jariir: xoolahani waa hadyad, waxaana maqlay xadiis nabiga leeyahay hadii cid kusiiso hadyad ha celinin, xoolahanina waa hadyad xaga Alle ka timid, waxaana hadyda iska leh cidii xaadirta ee goobjooga ah.

Kadibna odaygii ayaa u yeedhay xaaskiisii isagoo leh Lubaabooy, heblaayoyo kaalaya, waxa yimid xaaskiisii, afartiisii hablood, labadii gabdhood walaaliiis ahaa iyo xaaskiisa hooyadeed, markaasuu ku dhahay qoyskiisii iyo ibnu Jariir oo la joogay fidiya dhabtiina. Wuxuu dhahay ibnu Jariir: ”Dhabtaydaan fidiyey, hablihii iyo dumarkiina way fadhiisan kari waayeen maryaha jeexjeexaan ay sitaan darteed waxayna fidiyeen gacmahoodii” Dabadeedna odaygii ayaa furay kiishkii wuxuuna u qaybiyey xabad xabad dirham dahab ah, illamaa uu ka dhamaystiray oo midkasta uu hel boqol diinaar oo dahab ah. Wuxuu ibnu Jariir: ”Anigu waxaan helay boqol diinaar oo dahab ah, waxaanan lacagtaas aan helay igagsii farxad badnaa in odaygii iyo qoyskiisiisii farxsanaayeen, ayagoo ninkii uducaynaya”

Wuxuu dhahay ibnu Jariir: waan tagay anigoo lacagtii ka faa’idaystay oo ku qoray cilmiga mudo laba sanadood oo aan ku iibsaday qalinkii iyo haragii, waanan ku safray oon ku bixiyey kharashkaygii kadibna sanadkii laba boqol iyo konton iyo lixdii hijriyada ayaan kusoo laabtay Makkah, oo aan waydiiyey xaaladii odayga, waxaana la ii sheegay inuu geeriyooday dhawr bilood kadib dhacdadaas. Waxaana helay hablihiisii oo boqoro ah oo ay boqoro guursadeen, waxaanan caruurtooda uga warramijiray qisadii awoowgood iyo ninkii reer Khuraasaan.

Qisadan dulucdeedu waxay tahay cidii Allah dartii shay uga taga wuxuu Allah ugu badalaa wax ka khayr badan.


Waxa Qoray oo soo jeedinay Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

Safwahalsafwah (22)