Walaalayaal, asalaama calaykum, nabadgalyo korkiina ha ahaato, waxaynaan ku sallinaynaa xabiibkeena Muxamed (scw). Walaalayaal qiso cajiiba oo lagu cibro qaato ayaan idiin soo bandhigaynaa, sida ay Culumo lagu kalsoonyahay naga soo gaadhay.

Walaalayaal, waxa dalka France ku noolaa, oday waayeela oo la dhaho Shiikh Ibraahim, wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Turkiga. Walaalayaal, odaygaas wuxuu lahaa dukaan uu ku iibiyo badeecadaha kala duwan, waxaana dukaanka la jaar ahaa will yar oo Yahuudiya una dhashay dalka Faransiiska. Wiilkaasi wuxuu ka adeegan jiray dukaanka, kolka uu dhamaysto adeegiisa ayuu maalin kasta xadi jiray xabad nacnac ah, ama xabad Shukulaat ah.

Odayga Shiikh Ibraahim wuu arki jiray maalin kasta, hadan wuu ka aamusi jiray, dabadeedna maalin ayuu wiilkii soo galay dukaankii oo ilaaway inuu qaato xabad nacnac ah. Kadibna odaygii ayaa wiilkii la hadlay oo ku dhahay; “Maanta wiilkaygoow, waxaad halmaantay xabadii nacnaca ahayd” Wiilkii wuu cabsaday, wuxuu ogaaday inuu maalinkasta odaygu arki jiray. Dabadeedna odaygii wuxuu yidhi; ” Wiilkaygoow, waxaad ii ballan qaadaa inaad iska daynayso tuugnimada, aniguna waxaan kuu ballan qaadayaa inaanan ku fashilinin, sidoo kalena maalinkasta waxaan ku siinayaa xabad nacnac ah” Wiilkii oo magaciisu ahaa Chad wuu farxay, wuxuuna dareemay la dhaqanka wanaagsan ee odayga.

Wiilkii ayaa la saaxiibay odaygii Shiikh Ibraahim, wuxuuna u iman jiray markasta oo wiilku mushkilad kahortimaadoba, kadibna odayga ayuu waydiisanjiray xalka mushkiladaas. Odaygu intuu soo qaado sanduuq ayuu kasoo saaraa kitaab, kadibna wuxuu dhahaa, kitaabkan laba safxadood oo kamid ah dooro, kolka wiilku laba safxadood ka doorto ayuu odaygu u turjumaa macnaha, kadibna wiilka mushkiladii haysatay wuxuu xalkeeda ka helaa labadaas safxadood.Maalinkasta oo wiilkii mushkilad ku habsataba wuxuu u imanayey odayga, wuxuuna odaygu u kala furayey kitaabka, sidaasbaanu xalka mushkiladiisa ku helayey.

Mudo markii laga soo wareegay ayaa waxa xanuustay odaygii, waxaana la dhigay cusbitaalka kadibna caruurtiisii ayuu u dardaarmay in sanduuqa dukaanka yaala la siiyoo wiilka Chad la dhaho. Odaygii wuu geeriyooday, kadibna wiilkii ayaa maqlay geeridii odayga, wuxuuna yimid guriga isagoo u tacsiyeynaya. Wiilashii uu odaygii Sh Ibraahim dhalay ayaa siiyey hadyadii aabahood uga tagay wiilkii Chad.

Wiilkii Faransiiska ahaa wuu farxay, isagoo is lahaa waxaad heshay khasnadii uu odaygii Ibraahim ku xallin jiray mushkiladaada. Maalintii danbe ayuu wiilkii mushkilad qabsatay kolkaasbuu u yeedhay wiil reer Tuunisiya ahaa oo yaqaana afka Carabiga iyo Faransiiska, wuxuuna yidhi bal hada ii turjum labadaas safxadood. Wiilkii Tuunisaga ahaa ayaa u turjumay, markaasuu wiilkii Faransiiska ahaana uu helay xalkii mushkilada.

Wiilkii ayaa saaxiibkiisa Tuunisiga ahaa waydiiye kitaabkan wuxuu yahay, wuxuuna yidhi saaxiibkii; “Kitaabkani waa Quraanka Kariimka ah, oo muqadas u ah muslimiinta, waana hadalkii Ilaahay. Wiilkii waxa kale oo uu sanduuqii ka helay warqad ay ku qorantahay aayad Quraana:

قُلْ هَـٰذِهِ سَبِيلِي أَدْعُو إِلَى اللَّـهِ ۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا وَمَنِ اتَّبَعَنِي ۖ وَسُبْحَانَ اللَّـهِ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُشْرِكِينَ ﴿١٠٨

Dheh tan waa waddadayda (xaqa ah) Waxaana ugu yeedhi (dadka) Xagga Alllaaah anoo ku sugan xujo cad aniga iyo inta i raacda, Waxaana nasahay Allah, kamidna ma ihi Mushrikiinta. [Yuusuf (108)]

Wiilkii aayadan ayuu micnaheeda fahmay, kadibna wuu islaamay. Kolkuu islaamay ayuu diinta Ilaahay ugu yeedhay dadkii aan muslimiinta ahayn. Wiilkii magaciisa wuxuu u badalay JadaAllah al-quraani.

Waxa gacantiisa kusoo islaamay ku dhowaad Lix kun oo qof, oo jooga dalka Faransiiska. Kadibna wuxuu u safray qaarada Afrika, wuxuuna halkaas joogay 30  sanadood. Ma taqaana inta qof ee gacantiisa kusoo islaamtay? Waa malaayiin, waxa Ilaahay sabab uga dhigay inay soo islaamaan qabiilo dhan, sida qabiilooyinka Zuluga iyo qabiilo dagan Daarfuur. Culumo lagu kalsoonyahay waxay sheegeen, dadka kusoo islaamay gacantiisu waa 6 milyan oo ruux.

SubxaanAllah, wiil yar oo Faransiisa oo asalkiisuna yahay Yahuudi ayaa xanbaaray hamiga diintiisa, wuxuuna Ilaahay idankiis soo islaamiyey malaayiin qof.

Jaadullah, wuxuu geeriyooday 2003 dii, markuu dhintay labo sano kadib ayaa waxa islaamay hooyadii oo mudo badan kula colowday diintiisa Islaamka.