Tusmo

QISADII NABI SAKARIYE IYO NABI YAXYE

Nabi Sakariye (N.N.K.H) waxa uu ka mid yahay nabiyadii reer banu israel loo diray waxaanu gaarsiiyey dacwadii qoomkiisii, illamaayo uu cimrigiisu  ka  waynaaday, wax ubad ahna looma dhalin.

Maalin ayuu Nabi Sakariye la kulmay Maryama bintu cimraan (Nabi Ciise hooyadii) ayadoo joogat mixraabka (qol), waxuuna agteeda ka helay cunto, waxaanu ku yidhi ”maryaneey xagee kaaga yimid rizqigu” waxay tidhi ”xaga Ilaahay, Eebana wuu arzuqaa  ciduu doono xisaab la’aan”.

Halkaasuu ku baryey Nabi Sakariye Eebihii, asagoo codkiisa hoos udhigaya waxaanu yidhi ”Eeboow waan tabaryaraaday, madaxayguna waxuu la huray waa cirro, mana ahay ruux baryadaada ku khasaara, Eeboow waxaan u cabsooday qaraabadayda iga danbaysa, xaaskayguna waa ma dhalays ee iga sii agtaada wiil, wiilkaas oo idhaxla oo dhaxla ehelkii Nabi Yacquub, Eeboow kana yeel mid laga raalli noqdo”

Habeen habeenada ka mida ayey malaa’gtii Eebe ugu bushaaraysay Nabi Sakariye inuu dhali doono wiil, magaciisu yahay Yaxye oo aan hore loo yeelin wax la magac ah.

Nabi Sakariye waxa uu dhahay ”Eeboow sidee buu igu ahaan wiil ayadoon gaboobay, xaaskayguna tahay madhalays ” Malagii Wuxuu yidhi ”waa sidaas arrinku, waanu ahaan wiil, Eebana way u fududahay inuu ku siiyo wiil, waana sidii uu Eebe ku abuuray hore adigoon ahayn waxba”.

Nabi Sakariye (N.N.k.H) waa farxay oo bishaaraystay, maadaama wiilka magaciisa uu bixiyey Allah. Nabi Sakariye waxa uu Eebe ka dalbaday calaamad ama astaan xaqnimad yabooha , Eebana waxa uu yidhi calaamadaadu waa inaad sadex casho dadka aanad la hadlin.

Markaasuu usoo baxay qoomkiisii mixraabka una ishaaray inay tukadaan galin hore iyo galin danbaba. Waxaanu Eebe u waxyooday inay tasbiix badan la yimaadaan.

Nabi Sakariye waa joojiyey hadalkii, markay gaartay xilligii,  ayaa Eebe ku arsaaqay wiil yar oo qurxoon  waxaana habaryar u ah Maryama, sidaa awgeed Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise waxa kala dhalay laba haween oo walaala ah.

Nabi Yaxye (N.N.K.H) waxa uu ku barbaaray gurigii nabinimada, waxana lagu tarbiyeeyay iimaan iyo Ilaah ka cabsi. Nabi Yaxye asgoo yar oo sabi ah ayuu Eebe ku manaystay xukun.

Maalin ayaa caruur ku tidhi Yaxye kaalay nala cayaar, wiilkii yaraa ee Yaxye waxa uu yidhi laynooma abuurin inaan cayaarno.

Nabi Yaxye (N.N.K.H) wuxuu  u bixi jiray kaymaha, asagoo caabudaya ilaahay, aduunyadan ka saahidaya.  Maalin ayaa waalidkii waayeen mudo sadex casho ah, kadibna way soo baadi dooneen, markaasay ka haleen Yaxye oo qoday god kana dul ooyaya, aabihii Nabi Sakariye ayaa warsaday markaasuu yidhi Yaxye ”aaboow saw iimaad sheegin in ruuxa muslimka ah iyo jannada ay udhaxayso oohintu, waan iska ooyi inta amarka Eebahay ii iman.

Nabi Yaxye waxuu ka mid yihay dadka ugu suhdiga badan, waxuu cunto ka yeelan jiray caleemaha geedaha, biyahana waxuu cabi jiray biyaha wabiyada.

Eebe waxa uu uwaxyooday Nabi Yaxye inuu  xoog ku qabto kitaabka, waxaana amaanay Eebe subxaana wa tacaala isagoo leh Yaxye waa ruux daahir ah oo dhawrsoon, Eebana ka cabsada waxuuxna baari u ahaa waalidkii, mana ahayn ruux daalin caasiya.

Nabad galyo korkiisa ha ahaato maalintii uu dhashay, maalinta uu dhintay iyo maalinta laysa soo bixin doono.

 

Nabi Sakariye (N.N.K.H) waxa uu ogaaday inay reer banu israel doonayaan inay dilaan, markaasu gurigiisa ka baxay waxaanu galay kaynta, kadiban waxa Eebe u furay geed wayn waana dhex galay geedkii.

Reer banu israel oo sita miishaar ayaa raadinayey, kadib markay soo galeen kayntii ayuu Ibliis oo arkayey inuu galay geedka tusay geedkii uu galay, kadibna way miishaariyeen geedkii oo uu ku jiro Nabi Sakariye, markaasu Nabi Sakariye qaldhabay (taahay) Eebana waxa uu uwaxyooday hadaanad aamusin waxaan rogayaa dunida iyo waxa dulsaaran. Nabi Sakariye waa aamusay asagoo u naxariisanaya qoomkiisii halka reer banu israel ay unixi waayeen nabigoodii kuna ixtiraami waayeen da’da uu joogay.

Nabi Yaxye(N.N.K.H) waxa  uu sii waday dacwadii iyo faafintii diinta islaamka. Waqtigii Nabi Yaxye waxa jiray Nin Boqora oo hanti badan haystay, kadibna waxa jeclaatay boqorka haweenay xoolo doona oo u ah maxram, boqorkii waxa uu ku yidhi gabdhii waxaan waydiinaynaa nabigii ilaahay ee Yaxye inay banaan tahay in la guursado dumarka maxramka ah, kadibna waa la waydiiyey  Nabi Yaxye waxaanu yidhi ”waa xaaraan inaad is guursataan, ismana gaydaan”.

Boqorkii waxa uu arintii u sheegay haweentii, kadibna gabdhii intay carootay ayey u tagtay hooyadeed ugana warantay xaalkeeda markaasay  hooyadeed ku tidhi gabarteedii, ”boqorka fitnee oo is qurxi kadibna u tag ninka boqorka ah oo isu bandhig”, haweenaydii intay isqurxisay ayey u tagtay boqorkii kadibna ka dalbatay inuu kurta kasoo gooyo Nabi Yaxye hadaad doonayso inaad iga sinaysato.

Boqorkii ciidamo ayuu diray waxayna kurta laga soo gooyey Nabi Yaxye, markaasay  horkeeneen  boqorkii iyo gabartii.

Haweenaydii ayaduu faraxsan ayey ku tidhi boqorkii  iminka waxaad doonto samee, isla markiiba waxa haweenaydii liqay dhulka ayadoo ay arkayaan dadkii iyo hooyadeed, Ilaahayn waa ka aargoostay, dhagartii ay maleegtayna waa la go’day.