Tusmo

QISADII NABI SAALAX IYO REER THAMUUD

(Dhagayso, Daawo ama akhriso )

[huge_it_videogallery id=”12″]

 

Magaca Eebe ku bilow, Amaan waxa iska leh ALLAH iyo Rasuulkiisa Muhammad (NNK). ku soo dhowaada taariikh kooban oo ka hadlaysa Reer Tamuud iyo xagay ku danbeeyeen.

Nabi Saalax (NNK) waxa loo diray qawmkii reer Tamuud, waxayna ku abtirsadaan awoowgood Tamuud, oo la dhashay Jadiis, labadoodaba waxa dhalay Caamir ibnu Irim ibnu Saam ibnu Nuux (NNK). Nabi Saalax, aabihii waxa la yidhaahdaa Cabdi ibnu Maasix ibnu Cabiid ibnu Xaajar ibnu Tamuud ibnu Caamir ibnu Saam ibnu Nuux.

Reer Tamuud waxay caabudi jireen Sanamyo iy tamaasiil ay samaysteen, sidii qawmkii nabi Nuux iyo qoomkii Caad.

Waxa uu ALLAH udiray Nin ayaga ka mida, waa Adoonkii ALLAH Iyo rasuulkiisii Saalax (NNK).

Nabi Saalax (NNK) waxa uu ugu yeeray, inay Ilaahay kaligii caabudaan , oo aanay cidna ku lamaanayn, ayna iskaga tagaan sanamyada iyo tamaasiisha ay ALLAH dartii caabudayeen.

Koox yar oo kamid ahayd ayaa rumaysa nabi Saalax, intii badnaydna way diideen, oo ka jeesteen, kana gaaloobeen diinta Islaamka.

Gaaladii reer Tamuud waxay kula dagaalameen Nabigii ALLAH iyo intii rumaysayba Af iyo Adinba, waxna ulamay hadhin, ee waxay isku dayeen inay khaarijiyaan Nabigii ALLAH.

Waxay dileen Hashii, taas oo ALLAH uga dhigay xujo cad oo aan la dafirikarayn.

ALLAHA awooda leh ayaa ciqaab iyo dhirbaaxo kulul ku dhuftay, kadib markay xadgudbeen, ee kibirkii qaaday.

ALLAH qisadooda waxa uu inoogaga waramay meelo badan oo suuradaha Quranka ka mida: tusaale ahaan, Alacraaf <73- 79>

 

 وَإِلى ثَمودَ أَخاهُم صالِحًا قالَ يا قَومِ اعبُدُوا اللَّـهَ ما لَكُم مِن إِلـهٍ غَيرُهُ قَد جاءَتكُم بَيِّنَةٌ مِن رَبِّكُم هـذِهِ ناقَةُ اللَّـهِ لَكُم آيَةً فَذَروها تَأكُل في أَرضِ اللَّـهِ وَلا تَمَسّوها بِسوءٍ فَيَأخُذَكُم عَذابٌ أَليمٌ﴿٧٣﴾وَاذكُروا إِذ جَعَلَكُم خُلَفاءَ مِن بَعدِ عادٍ وَبَوَّأَكُم فِي الأَرضِ تَتَّخِذونَ مِن سُهولِها قُصورًا وَتَنحِتونَ الجِبالَ بُيوتًا فَاذكُروا آلاءَ اللَّـهِ وَلا تَعثَوا فِي الأَرضِ مُفسِدينَ﴿٧٤﴾قالَ المَلَأُ الَّذينَ استَكبَروا مِن قَومِهِ لِلَّذينَ استُضعِفوا لِمَن آمَنَ مِنهُم أَتَعلَمونَ أَنَّ صالِحًا مُرسَلٌ مِن رَبِّهِ قالوا إِنّا بِما أُرسِلَ بِهِ مُؤمِنونَ﴿٧٥﴾قالَ الَّذينَ استَكبَروا إِنّا بِالَّذي آمَنتُم بِهِ كافِرونَ﴿٧٦﴾فَعَقَرُوا النّاقَةَ وَعَتَوا عَن أَمرِ رَبِّهِم وَقالوا يا صالِحُ ائتِنا بِما تَعِدُنا إِن كُنتَ مِنَ المُرسَلينَ﴿٧٧﴾فَأَخَذَتهُمُ الرَّجفَةُ فَأَصبَحوا في دارِهِم جاثِمينَ﴿٧٨﴾فَتَوَلّى عَنهُم وَقالَ يا قَومِ لَقَد أَبلَغتُكُم رِسالَةَ رَبّي وَنَصَحتُ لَكُم وَلـكِن لا تُحِبّونَ النّاصِحينَ

 

“Waxaan u Dirray Tamuud Walaalkood Nabi Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda ALLAH, wax ka soo hadhay Eebena idiinma sugnee, waxaa idiinka timid Xagga Eebe Xujo (Cad) Tanna waa hashii Eebe, waxayna idiin tahay Calaamo, ee iska Daaya ha ka Cunto Dhulka Eebe hana taabsiinina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab Daran.[73]

Xusuusta markuu idinka yeelay (ALLAH) kuwo Baddalay CAAD kadib idin Dajiyeyna Dhulka idinkoo ka Yeelay Dooxyaheeda Daaro, ood kana qoranaysaan Buuraheeda Guryo, Xusuusta Nicmooyinka ALLAH hana U horseedina fasahaad Dhulka. [74]

Waxayna ku dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisa ka mida kuwii Tabarta yaraa oo Rumeeyey ma waxaad Ogtihiin in Saalax laga soo diray Xagga Eebe, waxayna dheheen Annagu waxa lagu diray waan rumaynay. [75]

 Waxayna dheheen kuwii iskibriyey annagu waxaad Rumeeyseen waan ka Gaaloownay. [76]

Waxayna Dileen Hashii waxayna ka Madaxadaygeen amarkii Eebahood, waxayna dheheen Saalaxow noo keen waxaad noogu Goodiyeeyso haddaad tahay mid la soo Diray. [77]

Waxaana qabtay Gariirkii waxayna ahaadeen kuwo, Guryahoodii ku Dhintay. [78]

 Wuxuuna ka Jeedsaday «Nabi Saalax» caggooda wuxuuna yidhi waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin naseexeeyey Mase Jeelidiin Nasteexa. [79]”

[Al’acraaf Ayada73:79]

ALLAH (SW) waxa uu Ayadaha Qur’aanka inooga waramayaa, sidii Eebe (ALLAH) u Rogay, ciqaabay, Reer Tamuud iyo sidii loo badbaadiyey Nabi Saalax (NNK) iyo intii rumaysay.

Eebe in badan ayuu Qura’aanka kaga waramay reer Tamuud, waxa labaray xirfado iyo aqoon badan, Eebe waxa uu siiyey awoodo badan oo aan lasiin umadaha kale, kumanay mahadcelin ee way kusii kibreen.

Reer Tamuud waxay qori jireen buuraha iyo dooxyada, ayagoo ka yeelanaya Guryo (Aqal) ay ku nastaan.

Nabi Saalax ( NNK) wuu u digay, kor iyo hoosna wuu ugu sheegay, kamanuu quusanin ee wuu ladadaalay. Dhibtii iyo dhaleecayntii ay ku hayeen gaaladuna wuu u dulqaatay. ALLAH naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelo. Intii raacday ee rumaysayna ALLAH ha u naxariisto.

Sida ay culumada tafsiirku soo wariyaan, waxa la sheegaa in maalin ay reer Tamuud isugu yimaadeen golihii ay ku shirijireen, kadib waxa u yimid Nabi Saalax (NNK), wuxuuna ugu yeedhay inay ALLAH rumeeyaan iyo Rasuulkiisa Saalax, wuuna u digay oo waaniyey haseahaatee way ka dhaga furaysteen oo ku jeesjeeseen.

Reer Tamuud waxay ka dalbadeen Rasuulkii ALLAH, hadii aad Dhagax ka soo saartid “HAL” nool oo tilmaamo noocaas ah leh waan ku rumaynaynaa _ waxay u tilmaameen sifooyinka Hashu yeelanayso iyo qaabka ay u eekaanayso_. Waa layaab Rasuulkii ALLAH bal waxay waydiinayaan ufiirsada, “Hal nool dhagax kasoo saar!!!” Rasuulkii ALLAH ee Saalax waa bashar, ibnu Aadam. Awooda wax dilka, iyo noolaynta waxa iska leh ALLAH.

Rasuulkii ALLAH ee Saalax waxa uu ku yiri, “Haddii xujada aad dalbateen laydinkeeno ama laydin soo saaro Hal nool, Ma rumaynaysaan ALLAH iyo Rasuulkiisa?. Waxay dhaheen, Haa.

Rasuulkii ALLAH waxa uu Rabigii ka baryey oo ka tuugay, in ALLAH ka Aqbalo dalabkooda, si ay xujadu ugu cadaato. Kadib Eebe waxa uu amray dhagaxii, in ay kasoo baxdo Hashii ay reer Tamuud dalbadeen, oo leh sifooyinkii ay sheegeen.

Markii ay arkeen dhagaxii oo Hashii kasoo baxayso, waxa la tusay xujo cad, iyo arrin wayn oo aan la diidi karayn. In badan oo kamid ah Reer Tamuud, ALLAH iyo Rasuulkiisa way rumeeyeen, laakiin intii badnayd waxay ku adkaysteen gaalnimadoodii.

“ Nabi Saalax (NNK) waxa uu kuyiri, Tani waa Hashii ALLAH, ee iskadhaafa dhulka Eebe, meeshay doonto Haka daaqdo.”

Hashan, ALLAH wuu ku fitneeyey, oo waxa uu uga dhigay imtixaan, si loo eego cidda ku guulaysata iyo cidda amarka Ilaahay diida.

Hasha maalin waa la waraabinjiray, maalina way daaqi jirtay dhulka Ilaahay . Maalinta ay cabayso biyaha, looma ogolayn inay dhaansadaan biyaha ama ay cabaan biyaha. Kadib waxay waydiiyeen Rasuulkii Ilaahay waxay cabayaan maalinta aan loo ogolayn inay dhaansadaan. Waxa loo tilmaamay inay dhamaan caanaha Hasha, Waxaana ku filnaan jiray caanaheeda.

Kadib markay arintii ku dheeraatay, ayey u adkeysan kariwaayeen imtixaanka, kadibna way shireen oo isku waafaqeen in ladilo hasha, Shaydaan iyo Ibliisna wuu u qurxiyey.

Waxa dilka soo maleegay, nin la odhan jiray Qedaar ibnu Saalif ibnu Junduc. Laakiin dhamaantood way isku waafaqeen inay hasha dilaan sidaa aawadeed ayuu danbigiina korka kaga dhacay dhamaantood.

Sida ay ibnu katiir iyo culumo kale soo wariyaan, waxa falkan ka danbeeyey laba dumar ah oo mid kamid ahi ay xaas uahayd nin Muslimay oo rumeeyey nabi Saalax, waanay kala tageen. Gabadhani waxay ahayd maalqabeen sidaa aawadeed waxay u yeertay nin uu adeerkeed dhalay oo la dhaho, Masrac oo u bandhigtay nafteeda iyo xoolaheedaba laakin waa hadii uu ka takhaluso hasha reer Tamuud.

Dhanka kalena waxa guubaabisay gabadh duq ah oo gaboobday, oo ayaduna dhasha Afar gabdhood oo qurxo badan, kadibna hablaheeda waxay u bandhigtay ninkan Qadeer oo ay culumadu ku tilmaamaan inuu aha walad sino.

Labadan dhalinyaro ayaa abaabulay dilkii Hashii Reer Tamuud, waxaan ku raacay oo garab istaagay Todoba kale waxayna tiradoodu noqotay Sagaal. Sidaa aawadeedbuu ALLAH ku leeyahay Quraanka.

 وَكَانَ فِي الْمَدِينَةِ تِسْعَةُ رَهْطٍ يُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ

“ Waxaana magaalada ku sugnaa Sagaal Qof oo fasahaadinaya dhulka Manay hagaajinayna”

Surat Naml, Ayada (48)

 

 Dhamaan intii kale ee gaaladiina way ku sacabo tumeen, oo xaflad wayn ayaa laga dhigtay dilkii hasha. Dumarkiina banaanka ayey usoo baxeen, si looga qayb qaato mushxarada dilka Hashii ALLAH ee Reer Tamuud lagu imtixaanay.

Muhiimadu maaha hasha ay dileen, ee waa Amarka Eebe iyo amarkii Rasuulkiisii Saalax oo ay diideen. Macsidii iyo xumaantii ay sameeyeena way ku talax tageen.

Danbigii markay galeena, may odhan ”Ilaahaw naga cafiyee” ee waxay dhaheen Nabi Saalaxow waxaad hayso soodaa!

Nabi Saalax waxa uu ku yiri, waxaad sugtaanba waa sadex casho, manaysan rumaysan ballantii Nabi Saalax ee waxay isku dayeen inay isagana Dilaan. Waxayna ku dhaarteen inay ka takhalusaan Nabi Saalax iyo ahelkiisiiba, kadibna dilkiisa ay dafiraan markay dadkii rumeeyey ay na waydiiyaan dilkiisa.

Qorshe layaableh bay sameeyeen iyo dhagar aad u wayn, laakiin dhagartoodiibaa la go’day.

Markii ay damceen inay dilaan ayaa Eebe u soo diray dhagax wayn oo burburiyey intii damacday dilkii Rasuulkii ALLAH. Waxaana ku dhintay isla goobtaas Sagaalkii dhagar qabe ee kadanbeeyey dilkii Hasha iyo iskudayga fashilmay ee ay doonayeen inay ku khaarijiyaan nabi Saalax.

Reer Tamuud waxa asiibay wixii looga digayey, maalintii koowaad, Wajiyadoodii waxay noqotay midabaka (huruud) ama Jaalle ah, maalintii labaadna wajiyadoodii waxay noqdeen midab guduud ah (Casaan), maalintii sadexaadna waxay noqdeen Madow.

Maalintii afaraad markay Qorraxdii soo baxday, ayaa waxa cirka kaga yimi Qaylo iyo dhulka oo ku gariiray, waxaana asiibay cadaab daran oo kaga yimi xagga Eebe. Waxa malgaaladii ku soo hadhay maydadkoodii oo aanay Nafi kujirin.

Nabi Saalax iyo intii rumaysayna Ilaahaybaa badbaadiyey oo kor yeelay.

فَلَمّا جاءَ أَمرُنا نَجَّينا صالِحًا وَالَّذينَ آمَنوا مَعَهُ بِرَحمَةٍ مِنّا وَمِن خِزيِ يَومِئِذٍ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ القَوِيُّ العَزيزُ

” Markii uu yimi Amakrii Eebe waxaan badbaadinay Saalax iyo intii rumaysay waana Naxariista Eebe, waxaanan ka koryeelnay dulliga maalintaas. Eebena waa xoog badane Adkaada.”

Surat Huud, Ayada (66)

Eebe waxa ku leeyahay Quraankiisa, Reer Tamuud way gaaloobeen, oo waliba gaalnimadiiba la fogatay. Cidii Ilaahay iyo Rasuulkiisa adeeci waydana waxa u danbeeya waa silic, balanbal, halaag iyo cidhibxumo.

Ilaahaybaan ka magan galnay Cadhadiisa iyo ciqaabkiisa.

  • نبي الله صالح ) Nabi Saalax. Macnaha Saalax waa Hagaajiye.
  • (اصحاب الحجر ) Asxaabul Xijri, waa reer Tamuud oo waxa loogu magac daray wadankay daganaayeen oo ahaa mandaqada buuralay ah, waxaana lagu sheegaa Galbeedka Jasiirada carbeed.
  • Nabiga Muhammad (NNK) iyo Asxaabtiisa ayaa ku dagay Sanadkii Tabuuk. Rasuulka yaa soo maray waxaanu saxaabadiisa u diiday inay u galaan Reer Tamuud guryahooda waxaanu ku yiri:

 لا تدخلوا على هؤلاء القوم المعذبين إلا أن تكونوا باكينفإن لم تكونوا باكين فلا تدخلوا عليهم أن يصيبكم مثل ما أصابهم

 Muslim,Xadiis 2980

” Ha ugalina kwaas la cadaabay idinkoo Ooyaya maahanee, hadii aydaan Ooynayn Ha ugalina. Si aaanay idiinku dhicin wixii asiibay”

Ma jiro kitaab ka warrama reer Caad iyo Tamuud marka laga reebo itaabka Qur’aanka. Waxa la sheegaa in reer bani israel ay ka masaxeen warkii kusaabsiisana qawmkan, ayagoo laga yaabo inay ka xumaayeen sheegsheegidooda, maadaama ay haayeen Carab. Arintaana waxan ka soo xigta kitaabka ibnu katiir. Waana dhab inay reer banu israel ay badaleen kitaabkoodii.

Akhrista, Aadbaad u mahdsanthay. Ilaahay khayr badan haku siiyo ducada hanala dhaafin.

صلي الله علي محمد ابن عبدالله, وعلي أله وصحبه ومن تبعهم بإحسان الي يوم الدين