QISADII NABI LUUD

(Dhagayso ama Akhriso)

Nabi Luud (N.N.K.H) waxa weeye wiilkii uu adeerka u ahaa Nabi Ibraahim Al-khaliil. waxaana Eebe u diray magaalo la dhaho Saduum, oo iminka loogu yeedho Badda dhimatay.

Qoomkii Nabi Luud waxay ahaayeen gaalo, balse waxa u dheeraa inay ahaayeen qoom akhlaaqda iyo fidrada basharka ka baxay, waxa Ninku ugalmo tagi jirey Nin kale. Waa caado aan hore uga dhicin basharka dhexdiisa iyo xataa xayawaanaadka kale.

Eebe waxa uu abuuray waxa uu ka dhigay lammaane, Raga iyo Dumar sidoo kale xayawaanada, dhirta, roobka iyo makhluuq kasta waxay leeyihiin lamaane waa Lab iyo Dhidig, waxaanu ugu talo galay in labka iyo dhidigu ay is guursadaan oo iskugu tagaan hab ku haboon, laakiin qoomkani way khilaafeen fidrada basharka.

Ficilkan foosha xun waxay ku samayn jireen dadka hortooda, waana layskugu faani jiray,  ceebna agtooda umay arkeyn.

Nabi Luud (N.N.K.H) waxa uu ubandhigay inay Eebe kaligii caabudaan, oo ka dheeraadaan falkan foosha xun isna nadiifiyaan (daahiriyaan) hase ahaatee waxay u arkayeen dadka is daahiriya danbiilayaal iyo dhagar qabeyaal.

Waxay ku doodayeen sida iminka dawladaha (dib u maray) ay ku doodaan oo dhahaan waa xorriyad qofku leeyahay laakiin arrintaasi caqli bani aadmka iyo ka jinka toona ma gasho.

Nabi Luud ( N.N.K.H) waa ku waday dacwadii balse dhagta umaysan dhaadhicin ee xumaantii ayey sii wadeen waxayna go’aansadeen in laga saaro Nabi Luud baladka sababtoo ah waa is daahiriyaa.

Nabi Luud xishood awgeed ayaa dadka magaalada soo gala oo ku dhihi jirey; magaaladan ha galina, hana u dhowaanina sababtoo ah waa dad xumaanta iyo rag u taga ku faanee.

Arrintii waxay gaadhay qoomkiisii kadibna way ku gadoodeen oo ku dhaheen miyaanan kaa mamnuuncin inaad dadka naga leexiso.

Qoomkii Nabi Luud oo  waxay rabeen inay caadadan xun ku tallaalaan dadka martida ah, oo cidii magaalada soo gasha kamaysan nabad gali jirin ee waa loo kala hordheerayn jiray.

Sidoo kale xaaskii Nabi Luud waxay qoomkeeda ku raacsanayd xumaanta, oo sirta Nabi Luud iyo martida u timaada ayey faafin jirtay kadibna qoomkeeda ood moodo inay sakhraameen ayaa u iman jiray guriga Nabi Luud, si loogu soo saaro raga martida ah oo ay xumaan ugu sameeyaan.

Maalintii danbe waxa magaalada soo galay sadex Nin oo qurux badan waxayna u tageen Nabi Luud si uu umarti qaado balse xishood dartii ayuu Nabi Luud (N.N.K.H) ku yidhi nimankii magaaladan warkeeda ma haysaane ee iskaga baxa oo meel kale marti qaad ka dalbada, laakiin sadexdii nin way diideen inay meel kale qabtaan oo waxay ku adkaysteen inuu isagu marti qaado.

Xaaskii Nabi Luud oo ahady duq laga falay afka, ayaa warkii gaadhsiisay qoomkeedii, kadibna koox ka tirsan qoomkii ayaa gurigii Nabi Luud iskugu yimid si ay ugu xadgudbaan Sadexda Nin ee dhalinyarada ah.

Nabi Luud (N.N.K.H) waa laga awood batay, waana celin kari waayey kooxdii xumaanta waday. kadiban waxa uu ku dhahay miyaan Nin wax kala garanaya idnku jirin, waxaad wadaan waa caado xun oo caqliga dadka aan galin ee hadaad galmo dooni ula qasdiya  haweenka ayagaa idiin xalaale.

Qoomkiisii oo xumaantu biyo shuabatay ayaa ka dhiidhiyey oo ku adkaystay in loo soo saaro sadexda Nin ee martida aha, markaasaa Nabi Luud ku calaacalay inaanu awood uu ku difaaco martidiisa haynin.

Markuu Nabi Luud calaacalay ayey sadexdii nin dhaheen; waxaan nahay Malaai’k, kumana soo gaadhayaan ee Eebe ayaa na soo diray oo waa la halaagayaa qoomkan.

Sadexda Malak waxay ahaayeen malakul Jibriil, Miikaa’iil iyo Israafiil (N.N.K.H). Malakul Jibriil ayaa usoo baxay kooxdii xumayd, kadibana way farxeen markaasuu Malakul Jibriil mid kamida baalashiisu haleeshay qoomkii kadibna way indho beeleen dhamaantood, waxaana la dhahaa waxa la waayey indhihii oo booskii indhaha waa baaba’ay.

Ciqaabkii Eebe waxa uu ahaa marxalada kala duwan.

Markii koowaad way indho beeleen kadibna malaa’iktii waxay ku dhaheen Nabi Luud cadaabku waxa uu ku dhacayaa barrito subaxa, subaxuna waa dhow yahay.

Nabi Luud qoomkiisa cidina kamay rumaynin, marka laga reebo isaga iyo labadiisii gabdhood.

Habeenkii ayaa Nabi Luud iyo labadiisii gabdhood ka baxeen magaaladii, waxaana dareentay xaaskiisii dabadeedna waxay damacday inay raacdo Nabi Luud laakiin waxa asiibay wixii asiibay qoomkeedii.

Subaxii waxa ku dhacay cadaabkii waxaana sare loo qaaday magaaladii ayadoo dhulka laga rujiyey oo la geeyey samada, codkii iyo baroortoodii waxa maqlay malaa’iktii samada joogtay kadibna waxa lagu soo tuuray dhagxaan ay ku qorantahay magacyad mujrimiinta  (danbiile) oo mid kasta oo ka mida haleeshay.

Kadib waxa la hoos mariyey dhulka, oo waxa saro maray dhulka qaybtii hoosaysay, dabadeedna roob ayaa Eebe korka kaga keenay sidaasbaanay ku noqotay tuuladii ay daganaayeen bad dhimatay.

Hadh iyo habeena waa la dul maraa, lamana garanayo in goobtaasi ahaan jirtay magaalo bari.

Sidaasbaana  Ilaahay ku ciqaabay qoobkii xumaanta u ban baxay, sidoo kale Eebe waxa uu u goodiyey cid kasta oo wadoodii marta in ayana ay asiibi doonto ciqaab la mid ah.

Fiiro gaara.         

Xaaskii Nabi Luud waxay ahayd gaalad, faafisana sirta saygeeda, waxayna raali ka ahayd waxay qoomkoodu samaynayaan laakiin sida culumadu sheegayaan ayadu maysan samaynjirin xumaanta sababtoo ah uma cuntanto in Nabi Luud  ay xaaskiisu ahaato naag xumaanta samaysa.

 

Ilaahaybaan ka magan galnay cadhidiisa iyo ciqaabkiisa.Hanaga ilaawin Ducada, khayr Eebe haku siiyo.

Sii faafi si aad u hesho ajar lamid ah qofka akhrista ee wax ku qaataa. Mahadsanidin.