Tusmo

QISADII NABI NABI KHADAR (N.N.K.H)

Nabi Khadar (N.N.K.H) waxa uu noolaa xilligii Nabi Muuse Iyo Nabi Haaruun (N.N.K.H), waxaanu ahaa Nin Eebe ku manaystay cilmi iyo aqoon, magiciisa Khadar  waxa loogu bixiyey, waxa la dhahaa meel kasta oo uu tago waxay noqon jirtay Akhdar (doog) sidaas awgeedbaa loogu magac daray Khadar.

Nabi Khadar (N.N.K.H) waa laysku khilaafaa Nabininmadiisa, culumada qaarbaa aaminsan inuu ahaa wali, balse waxa xoog badan inuu ahaa Nabi sababtoo ah waa loo waxyoonayey. Qisadiisana waxa uu Eebe kaga warramay Suuratu  18aad ee Al-kahfi.

Maalin maalmaha ka mid ayaa Nabi Muuse (N.N.K.H) isaga oo khudbadeynaya la waydiiyey yaa kaa cilmi badan Nabi Muusow, kadibna Muuse waxa uu yidhi aniga ayaa idiinku cilmi badan. Kalmadaas ayaa Nabi Muuse (N.N.K.H) Eebe ku canaantay, waxaanu ku yidhi Muusow adoon ka mida adoomadayda ayaa kaa cilmi badan, Nabi Muuse (N.N.K.H) gafkii kumuusan adkaysanine waxa uu Eebe waydiistay adoonka ka aqoonta badan, waxaanu Eebe ku yidhi waa adoonkayga Nabi Khadar (N.N.K.H).

Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu jeclaysatay inuu aqoon ka raadsado adoonka wanaagsan ee Khadar, kadibna Eebe wuxuu utilmaamay inuu Nabi Khadar (N.N.K.H) ka helayo meesha ay labada Badood iska yimaadaan (ku kulmaan) waxaana la siiyey calaamad uu ku garanayo markuu gaadho goobtaas.

Calaamadu waxa weeye Kalluun uu Nabi Muuse ku sitay  kiish ama sallad, Kallunkaasi marka la waayo ayuu helayaa Nabi Khadar (N.N.K.H).

Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa la socday wiil dhalinyaro ah waa Yuushac Ibnu Nuun oo isaguna Nabi Muuse kadib noqday Nabi. Kalluunkii waxa soo qaaday wiilkii Muuse ee Yuushac.

Nabi Muuse iyo Yuushac (N.N.K.H) waxay raaceen doon (markab), kadibna waxa uu gaadhay goobtii ay labada badood iskaga darsamayeen, kumanay baraarugsanayn inay goobtu tahay meeshii ay rabeen sababtoo ah way daalanaayeen, kadibna Nabi Muuse waa seexday dhagax dushii, intii uu hurday Nabi Muuse (N.N.K.H) ayaa kalluunkii ka baxay Kiishkii galayna Badda.

Nabi Muuse (N.N.K.H) waa ka kacay hurdadii waxayna sii wateen socodkii, balse markay mudo socdeen ayuu Nabi Muuse ku yidhi Yuushac inoo soo saar cunto, safarka waxaan kala kulanay daal iyo baahiye (gaajo).

Yuushac waxa uu ku yidhi Nabi Muuse ma xasuusataa goobtii aan ku degnay, halkaasbuu kalluunkii ku baxsaday, waxaana i halmaansiiyey Shaydaan inaan kuu sheego. Nabi Muuse (N.N.K.H) inta uu farxay ayuu ku yidhi Yuushac dib inoo celi, waa halkaynu u soconay goobtaasi, kadibna way noqdeen oo raaceen raadkoodii.

Markay goobtii yimaadeen ayey heleen Nin dhulka jiifa, hareertiisuna tahay doog (Akhdar). Nabi Muuse waa salaamay Khadar kadiban Nabi Khadar maradii inta uu iska  qaaday,  ayuu ka qaaday salaantii dhahyna saw ma tihid Muuse Ibnu Cimraan ee reer Banu Israel. Nabi Muuse waxa uu dhahay sidaad igu garatay, Nabi Khadarna waxa uu yidhi waxa ii kaa sheegay Eebahay. Is waraysi kadib ayaa Nabi Muuse (N.N.K.H) yidhi waxaan doonayaa inaan ku raaco si aan wax u barto.

Nabi Khadar waxa uu yidhi Muusoow ma Xamilaysid mana sabraysid, oo sidaad ugu sabri ama u xamili wax aanad cilmi u lahayn!

Muuse waxa uu yidhi waad i hali (inshallah) mid ku samra oo kugumana caasiyayo arrinta.

Wuxuu yidhi Nabi Khadar (N.N.K.H) haddaad i raacdo hay waydiin waxba intaan kaaga sheegayo (warramayo) fasirkeeda.

Nabi Muuse (N.N.K.H) iyo Nabi Khadar (N.N.K.H) way baxeen, waxyna koreen doon (markab), markay doontii raaceen ayuu Yuushac ku noqday qoomkiisii, ayagana wax lacag ah lagama qaadin.

Doontii ayaga oo saaran ayey arkeen qoollay afka ku qaadanaysa biyo badda dhexdeeda, markaasuu Nabi Nabi Khadar (N.N.K.H) ku yidhi Nabi Muuse (N.N.K.H) ma u jeedaa qoolaydaa afka biyaha ku qaadanaysa, maxay ka dhintay biyaha badda. Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu yidhi waxba kamaysan dhimin, markaasuu Nabi Khadar (N.N.K.H) dhahay Muusoow cilmigaaga iyo kayga waxay u dhigmaan biayaha ay qoolaydu qaaday, cilmiga Eebana waa sida badda oo kale.

Siday doontii u soconaysay ayuu Nabi Khadar (N.N.K.H) rujiyey mid kamida looxaydii doonta, Nabi Muuse (N.N.K.H) waa yaabay oo waa is hayn kari waayey, kadibna waxa uu yidhi maxaad u daloolin doonta, ma waxad rabtaa inaad dadkeeda qarqiso (maansheyso) waxaad la timid arrin xun oo la kahdo.

Nabi Khadar (N.N.K.H) waxa uu ku yidhi miyaanan kugu dhihin adigu ma karaysid inaad samirto. Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu yidhi ha ii qabanin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn arrinkayga si dhib ah.

Kadina way baxeen waxayna la kulmeen wiil yar, marakasuu Nabi Khadar (N.N.K.H) dilay wiilkii, waxay arrintii ku noqotay Nabi Muuse (N.N.K.H) la yaab waana is hayn kari waayey oo dhahay Kahadaroow ma waxaad dishay naf bari ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la inkiray.

Nabi kahadar waxa uu ku yidhi Muuse, miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid inaad iraacdo.

Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa uu dhahay mar danbe hadaan ku waydiiyo su’aal hayla saaxiibin waxaad gaadhay garawshiiyo xaggayga ahe.

Haddana way baxeen Muuse iyo Nabi Khadar (N.N.K.H) waxayna gaadheen magaalo dad xun daganyihiin, kadibna waxay waydiisteen dadkeeda cunto, wayna diideen inay marti galiyaan, kadibna waxay heleen darbi soo dumaya, markaasuu Nabi Khadar (N.N.K.H) habeenkii oo dhan dhisayey, si uu ujoojiyo darbiga soo dumaya.

Nabi Muuse (N.N.K.H) waa yaabay oo waxa uu dhahay, maxaa kugu kallifay inad darbiga dhisto, sidoo kale magaaladan inamay martigalin ee waxaad darbi dhiska ka yeelan lahayd ujuuro ama mushahar.

Nabi Nabi Khadar (N.N.K.H) waxa uu dhahay kan waa kala tagii dhexdeena, waxaanan kaaga warrami fasirraadii wixii aanad karayn inaad ku samirto.

Nabi Khadar (N.N.K.H) waxa uu gudo galay inuu ufasiro dhacdooyinkii la yaabka lahaa ee uu arkay Nabi Muuse (N.N.K.H).

  • Kahadar waxa uu yidhi doontii (markab) waxa lahaa dad masaakiina oo ku shaqaysta kallumaysiga badda, waxaanan doonay inaan ceebeeyo doontooda sababtoo ah waxa ka hor imanayey boqor daalima oo qaata doon kasta oo fayow, markaa haddii uu arko daloolka iyo dhaawaca doonta waa iskaga tagayaa, dadka masaakiinta ahina way samaysanayaan, ee daloolkaasi muusan ahayn mid dhibaya ee wuxuu u ahaa khayr.
  • Wiilkana waxa uu lahaa laba waalid oo mu’miniin ah, waxaanan ka cabsanay inuu ku xadgudbo markuu waynaado kana gaalooba, sidaa awgeed waxaan doonay in Eebaha wayni ugu badalo wiil baari ah oo ka khayr roon wiilka hore, Eebaha ayaa gartay in wiilkani noqonayo wiil xun markuu waynaado, sida aawadeed ayaan u dilnay oo isgauna (wiilku) u badbaaday oo ku galay jannadii, waalidkiisiina Eebe ugu badalay ku isga ka khayr roon.
  • Darbigiina waxa lahaa labo wiil oo agoon ah, wuxuuna ahaa aabahood mid suuban (wanaagsan), darbiga hoostiisa waxa yaalay kansi ay labada wiil leeyihiin, markaasuu Eebe doonay in wiilashu qaangaadhaan dabadeedna la baxaan kansiga aabahood, sidaa aawadeed ayaan u dhisay darbiga, sababtoo ah hadduu soo dhaco darbigu waxa kansiga la baxaya dadka xun ee magaalada dagan. Taasina waa fasirkii wixii aad kariwayday inaad u samirto, waxayna ahayd waxyi ka yimid xagga Eebaha.

Halkaas ayaa Nabi Muuse (N.N.K.H) ku qaatay cilmi aad u wayn, kuna fahmay in ruux kasta oo cilmi leh ay jirto cid ka cilmi badan.

Dadka qaarbaa odhanaya in Nabi Khadar ka cilmi badnaa Nabi Muuse, laakiin waxaynu ognahay in Nabi Muuse ka mid yahay (Ulul Casmiga) shanta Rasuul ee ugu fadliga badan bani aadamka, sidoo kale Nabi Muuse (N.N.K.H) waxa eebe siiyey Towraat oo ahaa kitaab aad u qaaliya, cilmi badana ku duugnaa, si kastaba ha ahaatee Eebe waxa uu doonay inuu Nabi Muuse iyo dhammaan umadda Muslimka baro in Eebaha wayni ka cilmi badnyahay ruux kasta oo is bida inuu aqoon leeyahay.

Mana haboona inaynu kala fadilno Nabiyada Eebe sabatoo ah Farriinta ay sideen dhamaantood waa isku mid laakiin haddii ay dhcdo in lagu waydiiyo waa kuma cidda ugu fadliga badan waxunbaad ogaataa inuu yahay Nabi Muhammed (N.N.K.H).

Ilaahay haynagu anfaco qisadan aadka u macaan, haynaga yeelo kuwii wax ku qaata.

Hanaga ilaawina ducadiinana, Eebe haydin barakeeyo. Mahadsanidin.