QISADII NABI IBRAAHIM

(DHAGAYSO AMA AKHRI)

Nabi Ibraahim (N.N.K.H) abtirsiintiisa saxda ah lama garanayo laakiin sida kutubta reer banu Israel ay tibaaxaan waa: Ibraahiim ibnu Tasaarikh ibnu Naaxuur ibnu Saarug ibnu Raacu ibnu Caabir ibnu Shaalix ibnu Arfakhshad ibnu Saam ibnu Nuux. Ilaahbaa garanaya ta saxda ah.

Nabi Ibraahim waxa uu ku dhashay dhulka Baabil (Ciraaq), inkasta oo lasoo wariyo inuu ku dhashay magaalada Dimishiq hadana waxa sax u dhow inuu ku noolaa dhulka Baabil.

Nabi ibraaim (N.N.K.H) waxa uu la dhashay Haaraan oo isna dhalay Nabi Luud sidaa awgeed Nabi Ibraahim iyo Nabi Luud waa isu adeer.

Qoomkii Nabi Ibraahim waxay caabudi jireen sanamyo, gaarahaan Meerayaasha (Kawaakib) Dayaxa iyo qorraxda. Kadibna waxa uu Eebe soo diray Nabi uu aad u jecelyahay kana dhigtay (khaliil) macnaha waa ruux aad ugu dhaw Eebe waa Nabi Ibraahim.

Nabi Ibraahim isaga oo da’diisu yartahay kamuusan raali noqon waxay qoomkiisu Eebe la wadaajinayaan sidaa awgeedbaa Eebe Qurankiisa ku leeyahay:

(Dhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn) 51: Al-anbiya.

Waxaanu dacwada ku bilaabay Aabihii oo ahaa ruuxii ugu dhowaa isagoo adeegsanaya akhlaaq aad usaraysay, xushmad iyo ixtiraam ku ladhanyahay waxaanu yidhi:-

وَٱذۡكُرۡ فِى ٱلۡكِتَـٰبِ إِبۡرَٲهِيمَ‌ۚ إِنَّهُ ۥ كَانَ صِدِّيقً۬ا نَّبِيًّا (٤١) إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ يَـٰٓأَبَتِ لِمَ تَعۡبُدُ مَا لَا يَسۡمَعُ وَلَا يُبۡصِرُ وَلَا يُغۡنِى عَنكَ شَيۡـًٔ۬ا (٤٢) يَـٰٓأَبَتِ إِنِّى قَدۡ جَآءَنِى مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَمۡ يَأۡتِكَ فَٱتَّبِعۡنِىٓ أَهۡدِكَ صِرَٲطً۬ا سَوِيًّ۬ا (٤٣) يَـٰٓأَبَتِ لَا تَعۡبُدِ ٱلشَّيۡطَـٰنَ‌ۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَـٰنَ كَانَ لِلرَّحۡمَـٰنِ عَصِيًّ۬ا (٤٤) يَـٰٓأَبَتِ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٌ۬ مِّنَ ٱلرَّحۡمَـٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيۡطَـٰنِ وَلِيًّ۬ا (٤٥) قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنۡ ءَالِهَتِى يَـٰٓإِبۡرَٲهِيمُ‌ۖ لَٮِٕن لَّمۡ تَنتَهِ لَأَرۡجُمَنَّكَ‌ۖ وَٱهۡجُرۡنِى مَلِيًّ۬ا (٤٦) قَالَ سَلَـٰمٌ عَلَيۡكَ‌ۖ سَأَسۡتَغۡفِرُ لَكَ رَبِّىٓ‌ۖ إِنَّهُ ۥ كَانَ بِى حَفِيًّ۬ا (٤٧) وَأَعۡتَزِلُكُمۡ وَمَا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَأَدۡعُواْ رَبِّى عَسَىٰٓ أَلَّآ أَكُونَ بِدُعَآءِ رَبِّى شَقِيًّ۬ا (٤٨)

  • waxaad xustaa markuu Ibraahim ku yidhi aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan waxba maqlayn, waxna arkayn, waxna kuu tarayn.
  • Aabow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane.
  • aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay Eebaha Raxmaanka ah caasi.
  • aabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaanka ah ood u noqoto shaydaan qaraabo.
  • wuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joojin dacwadaada waan ku dhagaxyeyn, ee iga tag waligeed.
  • wuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste. waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay, waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku xumaada (khasaara).” Surah 19 Maryam, Ayah 42-49

Nabi Ibraahim (N.N.K.H) waxa uu adeegsaday usluub iyo akhlaaq aad u dabacsan hase ahaatee Aabihiis oo gaalnimo ku fogaatay waa ka dhago adaygay, kadibna waa dayriyey Nabi Ibraahim.

Nabi Ibraahim waxa uu ballan qaaday inuu danbi dhaaf u waydiinayo Eebe. Nabi Ibraahiim isaga oo dhalinyaro ah ayuu ka biyo diiday waxay qoomkiisu caabudayaan. Maalin maalmaha ka mida waxa uu la kulmay qoomkiisa oo usujuudsan sanamyadii kadibna waxa uu waydiiyey waa maxay Tamasiishan aad usujuudsantihiin, waxayna qoomkiisii ugu jawaabeen inay ka dhaxleen aabayaashood oo ay sidaa u caabudayaan.

Nabi Ibraahim isagoo aad udhiirran ayuu ku yidhi ”idinkaa iyo aabayaashiinba waxaad ku sugantihiin baadi iyo khasaare”. waxay ku dhaheen ”Ibraahimoow ma xaqbaad noola timid mise waad iska cayaaraysaa”.  ”waxa uu ku yidhi Eebihiin waa Rabbiga Samooyinka iyo dhulkaba aniguna markhaatibaan ka ahay”. Nabi Ibraahim waxa uu ballan qaaday inuu burburiyo Sanamyada ay qoomkiisu Ilaahay la lamaaneeyeen.

Maalintii danbe ayaa qoomkiisii ubaxaeen ciid si ay usoo dabaal dagaan, waxayna ka tageen Sanamyadii oo aan cid ilaalisa lahayn.Nabi Ibraahim waxa uu ku hadhay magaalada kadibna waxuu u tagay sanamyadii waydiiyeyna inay cunaan cuntda iyo khudaarta la hor dhigay.

Sanamayadii wax fal celin ah maysan samayn, cuntadii hortaalayna maysan cunin markaasbuu Nabi Ibarahim soo qaatay Faash (Gudin) kadibna burburiyey sanamyadii marka laga reebo kii ugu waynaa dabadeedna faashtii ayuu qoorta u suray sanamkii waynaa.

Qoomkiisii markay soo noqdeen ayey la kulmeen mucjisadan, waxayna isweydiiyeen in lagu soo duulay iyo inkale balse markiiba koox qoomka ka tirsan ayaa tidhi waxaan maqalnay wiil yar oo ceebeeya sanamyada waxaana la dhahaa Ibraahiim.

Kadibna way soo qabteen Nabi Ibraahim oo ku dhaheen ma adigaa ayaa sanamyada burburiyey? Nabi Ibraahim waxa uu ugu jwaabay waxaad weydiisan sanamka wayn hadii uu awood uleeyahay inuu hadlo. Markay fahmeen inaanu sanamku hadlaynin ayey dib isagu noqdeen oo isku dhaheen waxaad tihiin daalimiin, hase ahaatee way ku adkaysteen inay u gargaaraan sanamayadooda waxaanay go’aansadeen in la gubo Nabi Ibraahiim kadiban waa la xabisay/xidhay.

Qofkasta oo qoomkiisa ka mid ahaa wuxuu soo ururiyey xaabo, si loogu gubo Ibraahim.

Dab aad darran ayey shideen xataa shinbirta dusha sare maraysey ay la soo dhacayso kulayl iyo hanfi darteed. Waxa lagu xidhxidhay Nabi ibaraahiim xadhko kadibna lagu tuuray wiish sababtoo ah looma dhowaan karayn dabka.

Markii lagu tuurayey Ibraahim dabka ayuu la kulmay Malakul Jibriil oo waydiiyey inuu caawimo uga baahanyahay laakiin Nabi Ibraahiim waxa uu yidhi adiga xaajo kaagama baahni ee Eebahay ayaan uga baahanay inuu iga koryeelo dhagarta gaalada.

Dabkii ayaa lagu tuuray Nabi Ibraahim, markaasuu Eebe Wayne faray dabkii inay baraf noqoto, oo nabadgeliso ibraahiim.

Dabkii waxa uu nabadgeliyey Nabi Ibraahim, mucjiso xaga Eebe ka timid ayey ahayd sidaasbaanu Nabi Ibraahiim uu Eebe uga badbaadiyey  dabkii kana koryeelay dhagartii gaalada. Inkasta oo ay ahayd daliil iyo astaan lagu garto Eebaha Wayn hadana qoomkiisii maysan rumayn Nabi Ibraahiim.

Waxa rumeeyey oo kaliya wiilkii uuu adeerka u ahaa ee Nabi Luud iyo xaaskiisii Saara. Arrintii Nabi Ibraahim markay faaftay ayaa waxa maqlay nin boqor ah oo la dhaho Namruud  kadibna u yeedhay oo waydiiyey Ibraahimoow ma waxaad sheeganaysaa inaad leedahay Rabbi. Nabi Ibraahiimna waxa uu yidhi haa ”Eebahay waa ka waxna dila waxna nooleeyaa” boqorkii waxa u yidhi ”aniguba waxna waan dilaa waxna waan nooleeyaa”, waxaanu xabsiga ka soo daayey laba nin, mid ka mid ahna  waa dilay kii kalena waa sii daayey. Nabi Ibraahiim markuu arkay inuu ninkan murmayo ayuu ku yidhi:- aniga Eebahay waxa uu qorraxda kasoo bixiyaa dhanka bari maalinkasta adigu kasoo bixi qorraxda dhanka galbeed. halkaasbaa lagaga roodaanaaday boqorkii.

Nabi Ibraahiim (N.N.K.H) intuu joogay Ciraaq waxa rumeeyey oo kaliya xaaskiisii Saara iyo wiilkuu adeerka u yahay ee Nabi Luud (N.N.K.H). Reer Ciraaq markay ka gaaloobeen ayuu ka haajiray Isaga, Saara iyo Luud una baqooleen dhulka barakaysan ee Falastiin.

Waxa uu deegaan ka yeeshay Falastiin hase ahaatee waxay u safrreen isaga iyo xaaskiisu dhulka Masar waqtigaa cid kale oo muslim ahaydba maysan jirin marka laga reebo Nabi Ibraahim iyo xaaskiisii Saara.

Nabi Ibraahim iyo Saara (N.N.K.H) waxay galeen Masar kadibna waxa loo sheegay in boqorka ka taliya Masar uu yahay Nin dadka dulmiya, qafaasha haweenka kadibna ku xadgudba. Ciidamadii boqorka ayaa haleelay Nabi Ibraahim kadibna waxay waydiiyeen ruuxa dumarka ah ee la socota waxaanu ugu jawaabay waa walaashay, isagoo uga jeeday inay tahay walaashiisa diinta Islaamka.

Boqorkii ayaa loo warceliyay hase ahaatee waxa uu amray ciidankiisii inay Saara hor keenaan, kadibna waa loo keenay, markaasbuu damcay inuu ku xadgudbo, markuu xageeda kusoo dhaqaaqey ayey Saara Eebe kaalmo waydiisatay, Eebana waa ka ajiibay oo ninkii boqorka ahaa waxa asiibay Faalig, boqorkiibaa waydiistay inay Eebaheed barido oo ka dulqaado xanuunka ku habsaday waxaanu u ballanqaaday inaanu ku xadgudbayn. Saara waxay bariday Eebe waana laga dulqaaday boqorkii dhibtii qabsatay hase ahaatee boqorkii waa ballan jabiyey oo haddana waxa uu isku dayey inuu ku xadgubo, muddo sadex jeer ah kolkay uu boqorku kusoo dhowaadaba boqorka waxa asiibay jirrada ah faaliga.

Markii saddexaad ayaa boqorkii u yeedhay ciidankiisii oo ku yidhi tani waa shaydaamad ee iga saara, kadibna waxa uu siiyey gabadh Jaariyad boqorka u ahayd oo u shaqaynaysa. Saara (N.N.K.H) waxay u timid Nabi Ibraahim waxayna ku tidhi Eebe ayaa iga badbaadiyey ninkii daalimka ahaa, waxaana laysoo raaciyey Haajara.

Nabi Ibraahim iyo Xaaskiisii Saara waxay ku laabteen dhulka barakaysan ee Falastiin, kadibna Saara waxay aragtay in Nabi Ibraahim ay da’diisu waynaatay wax ubad ahna uusan lahayn markaasbay kula talisay  inuu guursado Haajara waxa laga yaabaa in Eebe ubad kaasiiyo.

Nabi Ibraahim waxa uu guursaday Haajara waxayna u dhashay wiil yar waa Nabi Ismaaciil (N.N.K.H) Markaasbay hinaasay/masayray Saara waxaanu Eebe faray Nabi Ibraahim inuu usafro dhul lama degaan ah, kuna taal buuro dhexdood oon beer iyo baad toona lahayn.

Nabi Ibraahim waa uu soo kaxeeyey reerkiisii waxaanu dajiyey meshaas lama degaanka ah, cidna aanay ku noolayn sidoo kale ceel biyona lahayn markaasbuu intuu reerkisii dhigay ayuu ka jeestay. Haajara ayaa ka daba oroday ayadoo waydiinaysa Xagaad nagaga takaysaa, ma cidladan aan cidna daganayn, Nabi Ibraahim wax jawaab ah muusan siinin, markaasbay tidhi ma Eebe ayaa sidaas ku amray, Nabi Ibraahim waxa ugug jawaabay Eebahay ayaa sidaas i faray kadibna Haajara (N.N.K.H) waxay tidhi haddaba Eebe nama dayacayo. Dhulkan lama degaanka ahi waa Makkah oo waqtigaa waxay ahayd dhul qallafsan oo beerana ka bixin, cidna kunoolayn.

Nabi Ibraahim oo saaran buur dusheed ayaa Eebe ka baryay ducada ku soo aroorta Quraanka kariimka ah.

رَّبَّنَآ إِنِّىٓ أَسۡكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِى بِوَادٍ غَيۡرِ ذِى زَرۡعٍ عِندَ بَيۡتِكَ ٱلۡمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱجۡعَلۡ أَفۡـِٔدَةً۬ مِّنَ ٱلنَّاسِ تَہۡوِىٓ إِلَيۡہِمۡ وَٱرۡزُقۡهُم مِّنَ ٱلثَّمَرَٲتِ لَعَلَّهُمۡ يَشۡكُرُونَ ِ

”Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (waadi) tog aan beer lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow si ay u Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda, kuna arzaaq midho waxay mudanyihiin inay shukriyaan”.

Markuu Nabi Ibraahim tagey ayaa waxa Haajara iyo wiilkeedii Ismaaciil ka dhamaaday saadkii waxayna dareemeen haraad iyo baahi, ilmahii waa ooyey gaajo awgeed, naaskiina waa gudhay markaasbay Haajara fuushay buur sare figeed oo la dhaho (Safa) kadibna waxay dalbatay caawimo hase ahaatee cidna maysan ajiibin sababtoo ah meeshu waa dhul aan cidna deganayn, hadana waxay u oroday dhanka buurta (Marwa) sidoo kale cidna way weyday, Haajara waxay dhex ororday labada buurood dhexdooda Todoba jeer. Markay cidna waydey ayey aragtay hadh/hoos dul taagan wiilkeedii yaraa, cununguna waa ooynayey markaasbay ku oroday xagiisa ayadoo islahayd difaac wiilkaaga hase ahaatee cida dultaagnaa wiilka waa Malakul Jibriil markaasbuu dhulka dilaaciyey waxaana kasoo burqaday biyo.

Haajara biyihii ayey waraabisay cunugeedii Ismaaciil ayaduna way cabtay kadibna ishii ayey aastay, hadii aanay aasi lahayn waxay noqon lahayd ishaasi wabi. Biyahuna waa biyiha samsamka.

Muddo kadib waxa soo maray qabiil carab ah oo ka yimid safar waa qabiilka Jurxum, waanay la dageen oo biyihii ka dhaansadeen sidoo kale waxay u ogolaadeen inay siiyaan cunto maadaama ay biyaha la wadaagayaan.

Nabi Ibraahim waxa uu damcay inuu soo booqdo reeriisii iyo wiilkiisii Ismaaciil, kadibna waxa uu riyo ku arkay isagoo oo gawracaya Ismaaciil.

Nabi Ibraahiim waxa uu ku yidhi wiilkiisa Ismaaciil ” wiilkaygoow waxa lay faray inaan ku gawraco ee sidaad u aragtaa” wiilkii isaga oo dhiirran ayuu ugu jawaabay ” Aabow samee  wixii lagu faray , waxaad heli hadduu Eebe doono kuwa sabree”

Nabi Ibraahim oo da’diisu wayntahay sidoo kale ubad kale aan alahayn ayaa Eebe ku imtixamay balo aad u daran oo ay adagtahay in la fuliyo.

Nabi Ibraahim waxa uu dhulka dhigay wiilkiisii si uu mindida u mamriyo, kadibna waxuu ujeediyay dhabarka si uu qadaadka uga gawraco, markuu mindida mariyey ayey mindidii goyn wayday markaasbuu wiilkii yaraa Nabi Ismaaciil dhahay xoog ugoo aabe, wax naxariisana ha muujinin sababtoo ah waa amarkii Eebe.

Markay mindidii goynwayday ayaa Nabi Ibraahiim Samada looga dhawaaqay waxaanu maqlay cod leh Ibraahimoow waad ku guulaysatay imtixaankii, waxaanan kuu hibeenay Wan wayn oo la gawracayo Ismaaciil badalkiis. Sidaasbaanu Eebe ku koryeelay una badbaadiyey Ismaaciil.

Nabi Ibraahiim waxa uu ku noqday dhulka Falastiin, waxaanu ahaa ruux aad u jacel wax soorka. Maalintii danbe ayuu arkay sadex Nin oo ku cusub magaalada, wax safar ahina aanu ka muuqan markaasbuu u yeedhay oo marti qaaday.

Isla markiiba waxa uu gawracay Sac, una kariyey cunto martidii kadibna waa soo qaaday oo hordhigay cuntadii hase ahaatee sadexda ninba cuntadii maysan cunin ee gacmihii ayey ka laabteen, markaasbuu Nabi Ibraahim uu  dareemay cabsi, kadibna waxay ku dhaheen ha cabsanin waxaan nahay Sadex Malak oo Eebe ayaa nookaasoo diray. Waxayna kala ahaayeen Malakul Jibriil, Miika’iil iyo Israafiil. Waxay ku dhaheen, waxan u soconaa qoomkii Nabi Luud oo la halaagayo waxaana asiibaya cadhadii Eebe xumaantii iyo gaalnimadooda awgeed.

Saara ayaa maqashay warkii kadibna way qososhay, Malaa’iktiina markay maqleen codkii Saara ayey ugu bushaareeyeen inay wiil dhalayso (Isxaaq) sidoo kale ay arki doonto Yacquub.

Saara waxay tidhi waa la yaabe miyaan dhali anoo cajuus ah, ninkaygana oday yahay arrintaasu waa wax la yaab leh. Waxayna malaa’iktii dheheen ma waxaad la yaabi amarka Eebe naxariistiisa iyo barakadiisa korkiinna ha ahaato, qoyskanow, Eebana waa la mahdiye la Sharrifo.

Markay arrintii kala dagtay ayuu Nabi Ibaraahim gudo galay inuu kala doodo malaa’iktii qoomkii Nabi Luud hase ahaatee amarkii Eebe ayaa u yimid ee ka leexo arrinkan. Ayey malaa’iktii ku tudhi.

Nabi Ibraahim waxa uu tagay magaalada Makkah si usoo booqday wiilkiisa Ismaaciil, kadibna waxa uu ku yidhi wiilkaygoow Eebe waxa uu i faray inaan dhiso Baytkii Ilaahay Masjidka xaramka. Ismaaciilna waa soo dhaweeyey gacmo furan iyo qalbi furan.

waxayna gudo galeen inay dhisaan kacbada, ayagoo ku bilaabay inay seeska dhigaan.

 ”Guriga ugu horreevey ee loo soo dejiyey Dadka waa kan Maka (Kachada) waana barakaysanyahay waana Hanuunka Caalamka”.

Kadibna way dhiseen gurigii Eebe balse waxa hadhsanaa dhagax kaliya oo ka dhinmay rukunka Kacbada kadibna waxa soo dagay Malakul Jibriil oo siiyey dhagaxa loo yaqaano Xajarul Al-aswad.

Waxa la sheegaa inuu midabkiisu uu cadaan ahaa balse danbiyada Ibnu Aadamku ay madoobeeyeen.

Nabi Ibraahim iyo Nabi Ismaaciil (N.N.K.H) waxay Eebe ka baryeen ducadan:-

وَإِذۡ يَرۡفَعُ إِبۡرَٲهِـۧمُ ٱلۡقَوَاعِدَ مِنَ ٱلۡبَيۡتِ وَإِسۡمَـٰعِيلُ رَبَّنَا تَقَبَّلۡ مِنَّآ‌ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ (١٢٧) رَبَّنَا وَٱجۡعَلۡنَا مُسۡلِمَيۡنِ لَكَ وَمِن ذُرِّيَّتِنَآ أُمَّةً۬ مُّسۡلِمَةً۬ لَّكَ وَأَرِنَا مَنَاسِكَنَا وَتُبۡ عَلَيۡنَآ‌ۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ (١٢٨) رَبَّنَا وَٱبۡعَثۡ فِيهِمۡ رَسُولاً۬ مِّنۡہُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡہِمۡ ءَايَـٰتِكَ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَـٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَيُزَكِّيہِمۡ‌ۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

  • xusuuso markuu kor yelay Nabi Ibraahim Tiirarka Kacbada iyo Nabi Ismaaeiil iyagoo leh Eebow naga aqbal adaa waxna maqla waxna oge,
  • Eebow naga yeel kuwa kuu hogaansama, Faracanagana ka yeel Umad kuu hogaansama nana tusi camalkannaga (Xajka) nagana toobad aqbal adaa toobad aqbalbadane. Wanaaghabadane ahe.
  • Eebow u soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya aayaadkaaga barana Kitaabka (Quraanka) iyo xigmada (sunada Nabiga) oo nadiifiya adigaa adkaade, Falsame ahe.

Dhismaha Baytu Xaramka kadib ayaa Eebe faray Nabi Ibraahim inuu ogaysiiyo dadka xajka, si ay usoo siyaartaan uguna  xajaan baytka Eebe. Nabi Ibraahim waxa uu Eebihiis waydiiyey sida uu ogaysiinayo dadka markaasbuu Eebe wayne yidhi adigu ku dhawaaq annaga ayaa gaadhsiinaynee. Nabi Ibraahim waxa uu fuulay buur isagoo ku dhawaaqay cod sare oo dhahaya Dadoow, Eebihiin waxa uu dinku waajibiyey Xajka ee ku xaja baytkiisa.

Sida uu leeyahay Ibnu Cabaas (I.R.H.N) Eebe waxa uu maqashiiyey ogaysiintii Nabi Ibraahim dadkii waqtigaa noolaa, iyo sidoo kale Malaa’iktii samada joogtay. Eebenna waxa uu dhisay Baytk ku yaal samada oo la dhaho ( Bayt al-macmuur) oo todobaatan kun oo malak ay ku tukadaan maalin kasta kumana soo noqdaan. Nabi Ibraahim (N.N.K.H) waxa uu iskaga kala gooshayey Falastiin iyo Magaalada Makkah sabatoo ah waxa daganaa labadiisa reer.

Maalin maalmaha ka mida ayaa Nabi Ibraahim waydiistay Eebe inuu tuso qaabka uu abuuro ruux dhintay, Eebe kor ahaaye waxa uu waydiiyey Ibraahim miyaanad rumaysnay? Nabi Ibraahim waxa uu yidhi Eeboow waan rumaysnahay ee waxaan rabaa in qalbigu ii dago Iimaanku sare u kaco.

Eebe waxa uu yidhi waxaad sooo qaada afar shibirood kadibna gawrac oo isku dhex dar xubnaha iyo baalashood sidoo kale dhiigood kadibna saar buur dusheed oo uyeedh way kuu imane. Nabi Ibraahim waxa uu sameeyey sidii la faray kadibna waa uyeedhay oo way u yimaadeen ayagoo duulaya. Waxaanu Eebe tusay mucjiso iyo mid ka mid ah awoodah ilaahay.

Nabi Ismaaciil waxa uu ka guurasaday qabiil carab ah oo la dhaho Jurxum kadibna waxa uu bartay luuqada carabiga, waxaana la dhahaa inuu yahay ruuxii ugu horeeyey oo ku hadla luuqda fusxada carabiga iyo qofkii ugug horeeyey ee fuulay fardaha.

Muddo kadib ayaa Nabi Ibraahim soo booqday wiilkiisa Ismaaciil hase ahaatee ismaysan arkin ee waxa uu la kulmay Nabi Ismaaciil xaaskiisii, waxaanu waydiiyey xaaladooda waxyna tidhi xaaladayadu way xuntahay waxayna bilowday inay ka cabato waxna ka sheegto saygeeda markaasbuu Nabi Ibraahim ku yidhi:- Ismaaciil markuu yimaado salaan iga gaadhsii, waxaanad tidhaahdaa Kaabada gurigaaga badal! Markuu Ismaaciil yimi ayay u warrantay kadibna waxa uu ku yidhi odaygii kuu yimid waa aabahay waxaanu i faray inaan ku furo, sidaasbaanu ku furay Nabi Ismaaciil.

Waqti kadib ayuu Nabi Ibaraahim kusoo laabtay magaalada Makkah waxaanu la kulmay xaaskii Nabi Ismaaciil, is waraysi kadib waxa uu ku yidhi Ismaaciil igu salaan sidoo kale waxaad tidhaahdaa Kaabada guriga adkee, markuu yimid Nabi Ismaaciil ayay u sheegtay arrintii waxaanu ku yidhi odaygii kuu yimid waxa uu ahaa Aabahay Ibraahim oo ifarayey inaan adeeyo wada joogeena.

Dhanka kale waxa daganaa Falastiin Nabi Isxaaq iyo hooyadii Saara. Kadib Nabi Isxaaq waa guursaday oo waxa loo dhalay laba wiil oo la dhalay laba wiil oo mataano ah waa Ciis iyo yacquub (israel). Ciis waxa uu aabo yahay roomanska halka Nabi Yacquubna uu aabo u yahay reer banu Israel.

Khilaaf ayaa ka dhex dhacay labadii wiil ee Nabi Isxaaq dhalay kadibna Yacquub ayey hooyadii u dirtay abtigii oo la dhaho Laabaan. Nabi Yacquun (N.N.K.H) waxa uu la joogay abtigii mudo aad u dheer kadibna waxa uu guursaday gabar uu abtigii dhalay oo la dhaho Liya, waxayna u dhashay Laba iyo Toaban wiil. Muddo kadib ayuu aroostay gabar kale uu dhalay abtigii oo la dhaho Raaxiil. Waqtigaa way banaanayd in laba gabdhood oo walaalo ah la wada guursado laakiin diinta Islaamka maysan banayn.

Raaxaan waxay u dhashay Wiil yar oo aad u qurux badan waa Yuusuf iyo walaalkiis kale waa Binyamin. Nabi Yacquub waxa uu ku soo laabtay magaalada Oorshaliim/ Qudus waxaanu ka dhisay masaajidka Baytul Maqdas.

Nabi Ibraahim waxa kusoo xaadirtay geeridii kadibna waxa uu udardaarmay ubadkiisii iyo Nabi Yacquub waxaanu ku yidhi Ubadkaygoow Eebe waxa uu idiin doortay Diinta ee ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn. Sidaasbaanu ku geeriyooday Nabi Ibraahim Ilaahay Naxariis iyo Nabdgalyo Korkiisa ha yeelee.