Tusmo

QISADII NABI HUUD (N.N.K.H)

AKHRISO,DAAWO AMA DHAGAYSO SOONA DAJISO PDF.

[huge_it_videogallery id=”11″]

 

Nabi Huud (NNK) abtirsiintiisa waa laysku khilaafaa waxayna u kala baxaan sidan: Huud ibnu Shaalikh ibnu Arfakhshad ibnu Saam ibnu Nuux (NNK) ama Huud waa Caamir ibnu Shaalikh ibnu Arfakhshad ibnu Saam ibnu Nuux. Waxaanu kasoo jeeday Qabiilka Caad Ibnu Ciwas ibnu Saam ibnu Nuux (NNK).

Reer Caad waxay daganaayeen dhul u dhaw Bad lana dhaho Shaxti, dhankana ku haysa Wabi la dhaho Maqiith, waa  deeganka Axqaaf oo u dhaxaysa Cumaan iyo Xadramootka Yemen.

Reer Caad waxay ka midyihiin Dadkii ugu waaweynaa xaga Dherarka iyo Xoogaba, waxayna dhisanjireen Guryo Tiirar dhaadheer leh.

Waxa jirey laba Caad, Ta koobaad waa Caada Eebe ku tilmaamay Iram iyo Caad labaaad.

Nabi Huud iyo Qoomkiisu waa Carab sida uu Rasuulkeenu inoo tilmaamay Afar Nabi ayaa ah Carab, Nabi Huud, Nabi Saalax, Nabi Shucayb iyo Nabigeena Muhamad Naxaraiis iyo Nabadgalyo korkooda ha ahaato dhamaantoodba iyo Cidda rumaysayba.

Carabta waxa loo Qaybiyaa Carab Albaa’idah iyo Carab Almustacriba oo macnaheedu yahay Carabtii Qadiimiga ahayd iyo Carabta kasoo jeeda Nabi Ismaaciil Ibnu Alkhaliil (N.N.K.H).

Carabta Qadiimiga ah waxa ka mida Caad, Tamuud, Jurxum, Dasmi, Jadiis, Amiin, Madyan, Cimlaaq, Cabiil, Jaasim, Qaxdaan, Banu Yaqdaan iyo Qaarkale.

Carabta kelena waa carabtii Nabi Ismaaciil kasoo jeeda, waxa uu ka guursaday Qabiilka Jurxum oo Carabta Qadiimiga ah kamida.

Nabi Huud waxa la sheegaa inuu ahaa Qofkii ugu horeeyey ee ku hadla Luuqada Carabiga halka Nabi Ismaaciil uu yahay Qofkii ugu horeeyey ee ku hadla Luuqada Fusxada ee aan lahjada ahayn.

Caada hore waa Qoomkii ugu horeeyey ee Caabuda Sanamyo iyo Ilaahyo ay samaysteen kadib Qoomkii Nabi Nuux iyo duufaantii Qarqisay.

Reer Caad waxay lahaayeen Sanamydan SAD, SAMUUD iyo HIRR. markay  gaaloobeen kadib waxa Eebe Naxariistiisa usoo diray Nin Walaalkood ah waa Nabi Huud, waxaanu Amray sidii Nabiyada oo dhani farijireen Qoomkooda, waa inay Eebe kaligii caabudaan, kana tagaan Sanamyada iyo Tamaasiisha ay gacmahooda ku samaysteen. Nabi Huud waxa uu faray inaanay Eebe cid kale lala wadaajin.

Waxay ugu jawaabeen Huudoow waxaad tahay Beenaale waanad jirrantahay waxaana ku asiibtay cadhadii Ilaahyadayada (Sanamyada).

Nabi Huud waxa uu ku yidhi ma jirrani Cadhona imay asiibin ee waan idiin Nasteexaynayaa ee irumeeya oo qaata diintayda.

Qoomkii Caad way kibreen oo iswayneeyeen moodeena inay yihiin Dawlada ugu Xooga wayn dunida waqtigaas ayaga oo ilaaway in Eebihii Abuuray  ka Xoog wayn yahay.

Nabi Huud waxa uu Xasuusiyey Nimcooyinka Eebe ku manaystay ee uu usahlay inay Dhistaan Qasriyo iyo guryo aan baahi uhaynin ayaga aad moodid inay aduunyada ku waarayaaan.

Kibirkoodu waxa uu gaadhsiiyey inay cdikasta oo ka awood yar u awood sheegtaan sida iminka ka dhacaysa dunida, dawladaha xooga leh kuwa ka awooda yar ayey ku itaalsadaan waxayna ilaaween Eebihii abuuray inuu ka xoogwayn yahay.

Qoomkii Caad waxay cadaysteen gaalnimada, kuna dhaheen Adoonkii Eebe ee Nabi Huud kuma rumaynayno, kamana tagayno Sanamyada.

Nabi Huud iyo itii rumaysay waxay iclaamiyeen inay bari ka yihiin waxay samaynayaan iyo Sanamyadooda.

Reer Caad waxay cariyeen Eebe oo dhaheen hadaad Cadaab hayso nagu soo daa, waxayna dalbadeen Ciqaab iyo Cadhada Eebe.

Kadib markii Nabi Huud ka quustay waxa uu baryey Eebe oo dhahay “Ilaahoow ii gargaar”  Waxana Eebe dhahay” Dhowaan ayey ka shallaynayaan”.

Qoomkii Caad waanadii waxba kumay qaadan manaysan rumayn Maalinta Qayaamaha balse waxayba dhaheen waxa kala fog Aduunyada iyo in laysa soo saaro.

Muddo kadib waxa ku dhacday cadhadii Eebe oo waxa indhaha loo saaray Abaar kulul oo roob la’aan ah, waxay soconaysay muddo Saddex sanadood, waxa gudhay wabiyadii. Cuntadiina way yaraatay, gaajo iyo baahidiina way badatay waxaana asiibay ciqqabkii Eebe.

Abaartii markay hayn kari waayeen ayey baryeen Sanamyadoodii ayaga oo waydiiisanaya Roob iyo Biyo. Kadib waxay maqleen Dhawaaq iyo Cod xaga sare oo leh kala doortaa daruuraha.

Daruurahaas oo midabyadoodu kala duwanyihiin mid waa Cadaan, midna waa Casaan/guduud, ta kalena waa Madow.

Waxay markiiba doorteen Daruurta madow ayagoo islahaa way biyo badantahay. Kadib way farxeen oo isdhaheen Ilaahydii – Sanamyada- ayaa idinka Ajiibtay ducadii laakiin Mushkiladi way danbaysay!

Isla markiiba Gabadh ayaa dareentay inaanay ahayn Daruuur caadiya ee ay tahay halaagoodii.

Markay arkeen in roobkani wato dabaylo iyo dhaxan daran ayey ku yaaceeen Guryahoodii, waa dabaylo iyo duufaano aan cidnaba reebayn taas oo kala jaraysay Madaxa Qofka iyo jidhikiisa inta kale.

Eebe  waxa uu adeegsaday mid kamid ah ciidamadiisa “Dabayl” Duufaan iyo Dhaxan waxayna afganbisay Reer Caad. Guryahoodii iyo Qasriyadii waa la tirtiray. Xoogii ay sheeganjireen mee, waxa ciqaabay Eebe oo ka xoogwayn.

Markii Amarkii Eebe yimi waxa Eebe badbaadiyey Nabi Huud iyo intii rumaysana waxaanu ka dhigay kuwii baaqiga ah.

Taasi waa masiirka cidkasta oo amarka Eebe diida, dafirta am aka caga jiida. Reer Caad waxay ku caanbaxeen Awood iyo Quwad ay ku adoonsadeen Dadka ka awooda yar sidoo kalena Nabigii Huud maysan maqlin ee way ka dhagafuraysteen.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwa dariiqa toosan raaca oo dhagaha u leh Anbiyada iyo culumadeena Aamiin.