Qisadii Nabi Daa’uud

Intaynaan bilaabin qisada Nabi Daa’uud waxaan ka horeysiinaynaa hordhac yar oo kooban si aynu ufahamno xidhiidhka taariikhiga ee Nabiyada.

Waxaan hore uga soo warranay in Nabi Yuushac (N.N.K.H) furtay Baytulmaqdas, kadibna waxay Reer Banu Israel ku noolaayeen magaalada Qudus mudo aad u dheer.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Eebe ku salliday reer banu Israel qoom ka xoog wayn, oo ka qabsaday magaalada Qudus, danbiyadii ay galeen awgeed.

Ciidamadii qabsaday Qudus waxa hogaaminayey nin taariikhda  caan ku ah waa Bakhtunasar.

Reer banu Israel waa laga saaray magaalada Qudus, waana laga awood batay. Mudadaa waxa la joogay Nabi ka mida nabiyada reer banu israel waa Nabi Shamweel (N.N.K.H).

Reer banu israel waxay ka dalbadeen Shamweel inuu udooro boqor, si ay ula dagaalamaan cadawga ka saaray dhulka Falastiin. Nabi Shamweel wuxuu ku yidhi hadii dagaal laydin ku waajib yeelo ma dagaalamaysaan? dhamaantood waxay isku wada raaceen inay dagaalamayaan, haddii loo idmo inay iska dhiciyaan cadawgooda, waxayna dhaheen maxaan udagaalami waynay ayadoo nalaga saaray guryahaygii iyo hantidayadii.

Nabi Shamweel (N.N.K.H) waxa uu iclaamiyey in Daaluut u noqonayo boqorka Reer Banu Israel. Hase ahaatee kumaysan qancin wixii Eebe u go’aamiyey, waxayna dhaheen ayagoo jeesjeesaya Eebahaa ma cid kale ayuu waayey aan Daaluut ahayn.

Sida caadada ahayd Reer Banu Israel waxay lahaayeen Laba saldanadood, mid waa ta Nabiyadu iska dhaxlayeen iyo ta ay boqoradu kala dhaxlayeen. Reer Banu Israel waxay ku xujeeyeeyn Daaluut inaanu kasoo jeedin beeshii hayn jirtay saldanada boqortooyada, sidoo kalena aanu lahayn xoolo badan.

Nabi Shamweel (N.N.K.H) waxa uu ku dhahay Taaluut waxa daliil u ah inuu idiin keeno Taabuutka (Sanduuq), sanduuqaas waxa ku jiray  hadhaagii iyo raadkii ay ka tageen Nabi Muuse iyo walaalkii Nabi Haaruun (N.N.K.H). hadhaagaana waxa ka mid ahaa ushii Nabi Muuse, iyo looxii kitaabka Tawraadka iyo maryo uu lahaa Nabi Haaruun.

Ugu danbayn Reer banu Israel way aqbaleen Taaluut maadaama uu keenayo Taabuutkii, waanay ku farxeen.

Mudo kadib ayaa la faray in Reer Banu Israel inay dagaalamaan, mida kale waxa lagag dhigay waajib maadaama ay ayagu dalbadeen.

Daaluut waxa uu hogaamiyey ciidamo aad  u tiro badan oo lagu qiyaasay 80000 oo askari, balse Daaluut waxa uu ku imtixaamay inay soomaan hal maalin, oo aanay wax biyo ah cabin markay gaadhaan wabiga Urdun. Waxaanu Daaluut ku yidhi wabigaa Cidii ka cabta agtayda kama dagaalamayaan, sababtoo ah ruuxa aan adkaysan karayn hal maalin sidee bu ku galayaa dagaal.

Markii la gaaray wabigii ayey intoodii badnayd cabeen biyihii, waxa la dhahaa 76000 ayaa ka cabay wabigii, kaliya waxa soo haray 4000 oo qof.

Ciidankii intii soo hartay ayaa wajahay ciidanka dhigooda ah oo aad u tira badan, ciidanka gaalada waxa hogaaminayey Jaaluut oo ahaa dagaal yahan laga cabsado.

Daaluut ciidankiisii markay arkeen quwada cadwgooda ayaa in badan oo kale ka diday, waxa kaliya oo dagaalka kusoo haray waa mu’miniintii. Kuwii firdhanayey ayaa dhahay maanta waa laynaga awood badanyahay, laakiin mu’miniitii qalbigooda iimaanka ka buuxay waxay dhaheen imisa koox oo aad u tiro yar ayaa ka adkaatay koox awood leh Eebe idinkii.

Kooxdan yar ee soo hartay waxa ka mid ahaa wiil aad u da’ yar oon cabsida aqoon, wiilkaasi waa Nabi Daa’uud. Labadii ciidan way iska hor yimaadeen, intaanu dagaalku bilaabmin ayaa labada ciidan ku heshiiyeen mubaaraso. Mubaarasadu waa in ay labada ciidan iska soo saareen mid kamida geesiyaashooda, kadibna ayagu dagaalamaan dadka kale hortooda.

Ciidankii gaalada waxa kasoo baxay hogaamiyahoodii waa Jaaluut, oo aad u xoog waynaa kuna jeeni qaarnaa hub iyo saad. Jaaluut waxa usoo baxay Daa’uud oo ahaa will yar, laakiin qalbigiisu aanu aqoon cabsida. Jaaluut waxa uu ku jeesjeesay Daa’uud oo dhahay cid kale haysoo baxdo, balse dadkii kale waxa wada gashay cabsi marka laga reebo Nabi Daa’uud oo u adkaystay inuu la mubaarasoodo Jaaluut. Kadibna Daauud ayaa dilay Jaaluut, markaasay ciidankii muslimku takbiirteen, kuwii kalena niyadii ayaa jabtay sababtoo ah waxa hortooda lagu dilay hogaamiyahoodii.

Idinka Eebe kooxdii yarayd ayaa jabisay kooxdii gaalada ahayd, waxayna galeen Baytul maqdaska, sidaasbayna ku xoreeyeen Qudus. Reer banu Israel dhamaantood way jeclaadeen Nabi Daauud.

Eebana waxa uu siiyey Nabi Daa’uud cilmi iyo xukunkii, waxaanu la wareegay markii ugu horeysay taariikhda yahuuda xukunkii boqortooyada, iyo xilkii Nabinimada.

Nabi Daa’uud (N.N.K.H) waxa uu ahaa, nin gaaban oo indho buluuga leh, jacelna cibaadada gaar ahaan salaada habeenkii iyo soonta maalinta, waxaanu Eebe hibo usiiyey coda ad u cajiiba waxa uu ku akhrin jiraya masaamiirka 70 cod oo kale duwan, kitaabkiisuna waxa uu ahaa Tawrah.

Nabi Daa’uud markuu akhrinayo masaamiirka waxa la subcin (akhrin) jirey buuraha iyo shinbiraha. Nabi Daa’uud muusan ahayn boqor meel fadhiya, ee waa shaqaysan jiray sidaa aawadeed ayaa nabigeena Muhammed oo amaanaya Nabi Daa’uud dhahay ” shaqo la qabto waxa ugu fiican tii Nabi Daa’uud, sababtoo ah gacmihiisa ayuu ku shaqaysan jiray.”  camalkiisu waxa uu ahaa inuu jilciyo iskuna laablaabo birta xadiida, asagoo adeegsanaya gacmihiisa. Eebe ayaa ku manaystay awood iyo xoog, sidaa darteed umuusan baahnayn inuu dabka galiyo xadiida.

Sidoo kale waxa Eebe faray inuu shaqo kasta uu qabanayo si fiican uga soo baxo.

Nabi Daa’uud (N.N.K.H) waxa uu caan ku ahaa cadaalad iyo maxkamada waafaqsan shariicada Eebe.

Maalin maalmaha kamida aya waxa usoo galay laba nin oo is haysta, kadibna ninkii muduciga ahaa ayaa yidhi; ninkan saaxibkay  waxa uu dilay sacaygii ee nakala xukun.

Nabi Daa’uud wuxuu dib udhigay qadiyadii xukunka, habeenkii markuu gurigiisa tagay ayuu cibaadadiisii bilaabay ayaa Eebe u waxyooday in Ninka muduciga ah ee ka cabanaya in saaxiibkii sac ka dilay uu yahay danbiile ee isaga dil.

Subaxii markii golaha layimid ayuu Nabi Daauud ku dhahay muducigii, Eebahay waxa uu ii waxyooday in adiga lagu dilo ee maxaad samaysay. Dadkii afkay gacanta saareen, sababtoo ah waxay filayeen in isaga loo xukumo sacii laga dilay.

Dadkii waxay ku badiyeen su’aashii markaa yidhi, sanadkii hore waxaan dilay ninkan aabihii yaan si qarsoodi ah, halkaas ayuu ku fashilmay oo isagii lagu qisaasay

Malintii danbe Nabi Daa’uud  waxa usoo galay laba Nin, meel aanu ka filanay ayay kasoo baxeen. Guriga kadinkiisa maysoo marin ee saqafka ayey ka soo dageen, markaasuu Nabi Daa’uud aragagaxay, ayna ku dhaheen ha cabsan, waxaan nahay dad is haysta oo isdulmiyey, ee nagu xuun xaq naguna hanuunu jidka toosan. waxyana dhaheen, kani waa walaalkay waxaanu leeyahay 99 ido ah aniguna mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo midayda, hadalkiina wuu igaga adkaaday. Nabi Daa’uud waa degdegay asagoon ninkii kale warsan, waxaanu dhahay wuu ku dulmiyey sheegashadiisa, inabadan oo wax isku darsataana way is dulmiyaan marka laga reebo dadka mu’miniinta ah. Nabi Daa’uud waa fahmay inuu gafay kadibna waa toobad keenay.

Sidaan ku soo sheegnay qisadii Nabi Aadam, waxa uu Eebe tusay ubadkiisa kadiban waxa uu arkay wiilkiisa Daauud oo nuuraya, markaasuu Eebe ku yidhi, Eeboow Daa’uud waa imisa cimrigiisu. Eebana waxa uu ku yidhi waa 60 sano, markaasuu dhahay Nabi Aadam Eeboow cimrigayga ugu goo 40 sano, uguna kordhi Daa’uud. Eebaana waa ugu daray 40 sano oo dheeraada Nabi Daa’uud ,sidoo kalena Nabi Aadmna waxa loogu daray 100 sano oo kale.

Ugu danbayn Nabi Daa’uud waxa gurigiisa ugu yimid Nin qariiba, oo aan cidna ka cabsanayn waxaanu dalbaday Nabi daa’uud kadibna xaaskiisa ayaa uyeedhay markaasuu Nabi Daa’uud gartay inuu yahay (malag al- mawtkii).

Nabi daauud waa la oofsady, janaasadiisiina waxa ka qayb galay dad aad u tiro badan sababtoo ah dhamaan Reer Banu Israel way ka raali noqdeen Nabi Daa’uud. Waxa lagu qiyaasaa wadaadadii ka qayb galay janaasada 4000 oo wadaad.

Dadka tirada badan awgeed ayay dareemeen kulayl daran,  markaasa Nabi Daa’uud wiilkiisii Nabi Sulaymaan u diray shinbiro si ay u daboolaan milicda qorraxda.

Xilkii Boqornimo iyo Nabinimo waxay ku wareegtay wiilkiisii Nabi Sulaymaan.