QISADII NABI CUSAYR

Tusmo

Nabi Suleymaan geeridiisii kadib waxa Eebe usoo diray reer banu Israel Nabi Cusayr, waxanu ugu yeedhay qoomkiisii diinta islaamka iyo inay Ilaahay caabudaan kaligii.

Nabi Cusayr (N.N.K.H) waxa uu daganaa dhulka barakaysan ee Falastiin, kadibna dhulka waxa kadhacay dagaalo ba’an oo sababay inay magaalooyinku burburaan, dabadeedna Nabi Cusayr waxa uu is waydiiyey sideebay u noolaan kartaa magaaladan kharaabtay!

Maalin maalmaha ka mida ayaa Nabi Cusayr baxay asagoo wata dameerkiisii, cunto ka koobnayd khubus iyo sharaabka cinabka.

Markay ahayd waqtigii duhurka ayuu khubustii ku qooyey cabitaankii, dameerkiina waa seeteeyey, kadibna waa jiifsaday si uu unasto, markaasuu soo kacay qorraxdii oo sii dhacaysa.

Nabi Cusayr waxa la hadlay Malag oo waydiiyey, “imisa ayaad huruday (nagaaday)” Nabi Cusayr waxa uu yidhi; “waxaan hurday maalin ama maalin badhkeed”. Malagii waxa uu ku yidhi waxaad nagaaday BOQOL SANO ee fiiri cuntadii iyo cabitaankaagii ismay badalin, sidoo kale day dameerkaagii waxa asiibay.

Nabi Cusayr waa fiiriyey sharaabkii iyo cuntadii ayagoon is badalin, markaasu dayey dameerkiisii waxa uu arkay lafihii dameerka oo baaliyoobay, kadibna waxa uu malagii yidhi “daawo qaabka uu Eebe usoo noolaynayo dameerka.” Nabi Cusayr (N.N.K.H) waxa la tusay mucjiso, Lafihii dameerka ee baaliyoobay ayaa isqabsaday, kadibna hilibkii, lafihii, jirkii iyo muruqyadii ayaa isqabsada. Ugu danbayna waxa fuulay dhoqgrtii, markaasa lagu afuufay ruuxdii kadibna dameerkii waa ciyey sadex jeer asagoo mooday inay qayaamadii dhcday.

Nabi Cusayr markuu arkay mucjisada ayuu yidhii waan ogahay in Eebe wax kasta awoodo.

Nabi Cusayr (N.N.K.H) waxa uu u dhqaaqay gurigiisii uu daganaa, kadibna waxa uu arkay magaaladii oo isbadashay, cimaaradu cusub oo la dhisay iyo magaaladii oo guud ahaan camiran.

Nabi Cusayr waxa uu damcay inuu tago gurigiisii balse waa muusan helin, kadibna waxa uula kulmay haweenay duq ah, oo uu waydiiyey gurigii Cusayr. Haweenaydii way oyday oo tidhi Cusayr waa la waayey boqol sano ka hor, waxaanay u dhowdahay inuu geeriyooday. Nabi Cusayr waxa uu dhahay Cusayr waa aniga oo waxaan hurday mudo boqol sano ah, Eebana waa isoo kiciyey.

Haweenaydii waxay ku tidhi haddii aad Cusayr tahay, Eebe ii bari si uu indhaha iigu fiiqo, xanuunkana iiga dul qaado. Nabi Cusayr waa masaxay wajigeeda kadibna waxa u fiiqmay indhihii, xanuunkiina way ka bugsatay, waxa la dhahaa haweenayda da’deedu waxa uu ahaa 120 sano.

Haweenaydii waxay fiirisay Cusayr kadibna way garatay inuu yahay Nabi Cusayr. Haweenaydii waxay u gaysay qoomkiisii, markuu la kulmay qoomkiii ayey uga warrameen in Bakhtunasar uu gubay kitaabkii Tawraadka ah.

kadibna Nabi Cusayr  (N.N.K.H) waxa uu amray inay qodaan meel uu ucayimay, kadibna waxay kasoo saareen kitaabkii Tawraadka ahaa oo uu aasay Nabi Cusayr boqol sano kaho. Hase ahaatee kitaabku waa duugoobay, oo baaba’ay.

Kadibna Eebe ayaa qalbigii Nabi Cusayr ku ilhaamiyey kitaabkii oo dhan, markaasay qoomkiisii qorteen oo ku farxeen in kitaabkii Tawrah dib ugu soo laabtay.

Nabi Cusayr (N.N.K.H) markuu geeriyooday ayey Yahuudii tidhi Cusayr waa wiilkii Eebe, ayagoo u nisbaynaya in Ilaahay dhalay ubad, xumaan ilaahaybaa ka nasahan, wax ubad ahna Eebe ma dhalin, cidii aamintana in Eebe ubad usugnaadayna, diinta way ka baxday.

Ilaahaybaan ka magan galnay.