QISADII LUQMAAN AL-XAKIIM

(Dhagayso ama akhriso, soona dajiso PDF)

Luqmaan waxa uu ahaa Nin faqiira, oo aan xoolo badan lahayn. Waxaanu ku noolaa magaalo la dhaho Nuba, kuna taala koonfurta Wadanka Masar. Waxaanu ahaa Nin muuqaalkiisu yahay mid liita. Laakiin Ilaahay waxa uu siiyey Xikmad iyo Aqoon aad u sarreysa. Culumadu waxay isku khilaafeen in uu ahaa Nabi iyo in uu ahaa Adoon, Wali Eebe kaligii Caabuda. Waxayna Culumado u badanyihiin in Luqmaan ahaa Adoon Wanaagsan. Waxaana lagu Naanaysaa Luqmaan Alxakiim.

Luqmaan waynidiisa iyo Aqoonta uu Eebe siiyey darted ayaa loogu Magac daray Suurad dhan, waana Suurada 31aad “Luqmaan”
Luqmaan waxa sharaf iyo karaamo ugu filan in Eebe Xikmadii uu siiyey uu inooga dhigay Tusaale Nool iyo Ruux ku dayasho mudan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Sayidkiisii ka dalbaday Luqmaan in uu Gawraco Neef Xoola, kadibna waxa uu waydiiyey waa maxay labada wasladood ee ugu wanaagsan ee ku jira Neefka, Luqmaan waxa uu usoo saaray Carrabkii iyo Wadnihii Neefka. Muddo kadib ayuu Maamulihiisa ka codsaday Luqmaan inuu Gawraco Lax kale oo kasoo saaro Labada wasladood ee ugu Xun. Luqmaan waxa uu soo jaray Carrabkii iyo Wadnihii, kadibna hor keenay Maamulihiisii. Mudanihiisii waxa uu waydiiye, waxaan kaa dalbaday Labada Wasladoo ee ugu fiican waxaanad ii keenta Carrabkii iyo Wadnihii, sidoo kalena waxaan kaa dalbaday labada wasladood ee ugu xun waxaanad ii keentay Carrabka iyo Wadnaha ee waa sidee Arrinku?
Luqmaan waxa uu ku yidhi waa labada wasladood ee ugu fiican, waa haddii ay wanaagsanaadaan, waana kuwo ugu xun hadday Xumaadaan.
Luqmaan hadalkiisu muu badnayn, marka uu hadlana wax khayr iyo xikmad ku dheehantahaybuu ku hadlijirey. Waxa lawaydiiyey Luqmaan sababta xikmada iyo Nicmadan uu ku helay, waxaanu ku jawaabay; “Amusnaanta iyo hadlkayga oo yar, Indhahyga oo daboolan iyo katagida waxaann faa’ido lahayn.”
Luqmaan waxa uu caan ku yahay Xikmad iyo Aqoon, waxaan tusaale usoo qaadanaynaa, dardaarankii uu Eebe Qur’aanka ku xusay ee uu siiyey wiikiisa.

Luqmaan isaga oo u dardaarmaya wiilkiisa waxa uu faray inuu Allah kaligii caabudo, oo aanu cid kale ku lammaanayn. Kana dheeraado shirkiga iyo in cid kale Eebe lala wadaajiyo.
Arrintan waa qodobka ugu muhiimsan, ee qofka muslimka ah looga baahan yahay inuu ku baraarugnaado, sababtoo ah haddii qofka muslimka ahi uu galo danbi ama macsi waxa dhici karta in ilaahay u danbi dhaafo maalinta qayaamaha, laakiin in Eebe cid kale lala wadaajiyo waxay keenaysaa in ruuxaas uu galo cadaabta kuna waaro. Ilaahayna danbi dhammantii wuu dhaafaa oo cfiyaa marka laga reebo Shirkiga. Ilaahaynbaan ka magan galnay.
Qodobka labaad ee dardaaranaka Luqmaan, waxa uu faray wiilkiisa in uu Oogo Salaada. Maaha oo kaliya inuu tukado, ee waa inaad oogtaa salaada, sidii uu Nabigeenu (NNK) uu utukan jiray.
Qodobka kale ee muhiimka ah uu Luqmaan baray wiilkiisa waxa weeya, in Allah Kor ahaaye uu waxkasta ogyahay ha noqoto walax yar ama unuga ugu yar noolaha ama Noolaha ugu wayn makhluuqaadka Eebe.

Maalin maalmaha kamida ayaa wililkii Luqmaan waxa uu waydiiyey Aabihii, Suaal Layaab leh, waxa uu yidhi: Aabe, Haddii aan tuuro dhagax yar oo uu haystay, kuna tuuro badda miyuu Ilaahay ogyahay Arrintan. Ku darsoo Luqmaan iyo wiilkiisa waxay saarnayeen doon, waan habeen mugdi ah. Haddaba Luqmaan muxuu ugu Jawaabay, iminka ayaad garanaysaan sababta uu Allah ugu xusay kitaabkiisa.
Luqmaan waxa uu kuyidhi wiilkiisii, wiilkayoow hadday Xumaantu tahay xabbad khardal ah oo kale oo dhagax dhexdii ku sugnaato, ama samooyinka dhexdooda ama dhulka dhexdiisa wuu keeni Eebe, Eebena waa Oge Xeeldheer.
Haddii aad badda dhexdeeda, ama buuraha dhexdooda ay ku jirto walaxda ugu yar ee jiri karta, Eebe waa ogyahay, waxna kama qarsoona.
Eebe waa ka og, quraanjo dul maraysa ama dhexda kaga jirta Dhagax ku jira dhulka hoostii, ayada oo ay habeen tahay. Tusaale waxa kuugu filan Nabi Yuunus iyo Xuudkii liqay, isaga sadex mugdi hoostii ku jira ayuu Eebe ducadiisa ka Aqbalay.
Qodabka kale ee uu faray Luqmaan wiilkiisa waa inaanu ka Aamusin xumaanta, dadkana uu faro samaha kana reebo xumaanta, una Sabro haddii ay dhibaata ka soo gaadho. Luqmaan waxa uu baray wiilkiisa in haddii aad wanaag samayso ay ku soo gaadhayso dhibaato, hadday dhacdaba waa inaad u dhabar adaygtaa. Arrintaasina waxay ka midtahy umuuraha ugu wanaagsan.
Qodobka kale ee uu faray waxa weeye inaad la haato Akhlaaq wanaagsan, hagaajiso la dhaqanka Dadka, hana iska waynayn ee ixtiraam qof kasta adoo u eegayn midab ama dhalasho iwm. Hana kajeedin wajiga Dadka, Dhulkana ha soconin adoo kibirsan. Eebena ma jecla mid kasta oo isla wayn oo faanbaadane. Kibirkuna maaha inaad xidhato maryo qurux leh ama aad la haato Hanti laakiin Kibirku waxa weeye Xaqa oo aad diido iyo Dadka ood yastid.
Socodkaagana dhexdhexaad ha noqdo, codkaagana hayso. Codna waxa ugu xun codka dameerahee.
Macnaha waxa weeye, ha u socon si Gaabis oo cago jiid ah, hana Ordin adoo socodka aad u dheeraynaya laakiin socodku ha noqdo dhexdhexaad. Sidoo kale ma wanaagsana Codka dheer, ee Qaylada ah. Codka waxa ugu wanaagsan inaanu Dheeraan, aadna ugaaban ee isna dhexdhexaad noqdo.
Iskusoo wada duuboo, Luqmaan Alxakiim, wiilkiisa waxa uu siiyey waano wax ku oool ah, Eebena waxa uu inooga dhigay tusaale ku dayasho leh.
Eebe Raali Haka Noqdo Luqmaan Iyo Cidii Ku Dhaqanta Waanadiisa.

صلي الله علي محمد ابن عبدالله, وعلي أله وصحبه ومن تبعهم بإحسان الي يوم الدين

Skip to toolbar