QISADII DUL-QARNAYN:- Dhagayso, Akhriso ama Daabaco

Qisadan waxay ku bilaabmaysaa su’aal ay gaaladii Reer Qureesheed ay waydiiyeen Rasuulka (N.N.K.H), kooxdaas oo la tashatay yahuuda si ay u jaribaan Nabi Muhamed(N.N.K.H), waxayna waydiiyeen sadex waydiimood, Qisadii Asxaabul-Kahf, Ruuxda iyo Qisadii Dul-Qarnayn.

Waydiintaa ay gaaladu ku jarribayeen Nabiga ayaa Xaqu (S.W.T) soo dajiyey suurada Kahfi asagoo kawaramay sadexda qisaba.

18:83

“Waxay ku warsan Dul-qarnayn xaggiisa, waxaad dhahdaa waxaan idinku akhrin xaggiisa war (waxyi).” Suurada Kahfi, Aayada 83 illaa 98.


 

Dul-Qarnayn waxa uu ahaa Nin boqora , oo uu Eebe makansiiyey dhulka kuna manaystay cilmi, xikmad iyo awood. waxa la soo arooriyaa inuu ahaa Nabi, hase ahaatee waxa uu ubadanyahay inuu ahaa Nin boqora oo ah adoon wanaagsan. Qisadiisu waxay ku bilaabmaysaa safar uu ugu kicitimay galbeedka waxaanu helay qorraxda oo ku dhici meel dhoobo ah (muuqaalka), goobtaas waxa uu ugu tagay qoom iskugu jira dad xun iyo dad wanaagsan, kadibna Eebe ayaa ku dhahay Dul-Qarnaynoow waa inaad cadaabto ama ka yeelato wanaag, wuxuuna yidhi ruuxii dulmi fala waannu cadaabi (ciqaabi) markaasaa loo celin Eebihiis wuuna cadaabi cadaab daran, balse ruuxii rumeeya oo fala wanaag wuxuu mudan abaal fiican, waxaanan u dhihi amarkannaga fudayd.

Sida muuqata Dul-Qarnayn waxa uu dareensanaa in marka qoomkan uu ugu yeedho dacwada iyo twaxiidka inay u kala qaybsami doonaan laba qaybood, qolo ka hor timaada dacwada iyo qolo adeecda oo rumaysa tawxiidka, markaa cidii rumaysana waa u fudaydin arrinkanaga, xaga Eebana waxa uu ku yeelan abaal wayn, balse kii ka gaalooba ee adeeci waaya dacwada waan ciqaabi waxaana loo celin (Qayaamaha) Eebe, waanu cadaabi cadaab daran.

Markuu Dul-Qarnayn dhameeyey safrkiisa galbeedka, waxa uu ukici tima dhanka bari, markuu gaadhay qorrax ka soo baxana wuxuu helay iyadoo ku soo baxda qoom aanaan yeelin sokeydeeda asturaad. Qoomkan uu ugu tagay bariga waxay ahayeen qoom badaw ah oo aan lahayn maryo fiican, oo aan jirkooda asturaynin.

Kadibna waa sii waday safarkiisii asagoo gaadhay dhul buuralay ah, waxaanu ka helay qoom ka duwan kuwii hore, kuwani ma aysan fahmayn luuqada Dul-Qarnayn kadibna waxay ka cawdeen laba qabiil oo waawayn waa Ya’juuj iyo Ma’juuj waxayna fasahaadiyeen dhulka ee nooga yeel xidheen gidaar ah si aynaan noogu soo gudbin.

Waxa cad in qoomkani aanay fahmayn luuqada Dul-Qarnayn hase ahaate si unbay ugu gudbiyeen cabasho ka dhan ah Ya’juuj iyo Ma’juuj kuwaas oo fasahaadiyey dhulka, cabsi wayna laga qabo inay laayaan dadka iyo maatadaba, markaasuu Dul-Qarnayn ka aqbalay cabashadoodii oo waxa uu usameeyey (Sad) xidheen gidaar ah, kaas oo u dhaxeeya laba buurood dhexdood, waxa uu Dul-Qarnayn dalbaday birta Xadiida iyo Naxaasta si ugu sameyo xidheenkan. markuu dhamaystiray xidheenkii maysan awoodin Ya’juuj iyo Ma’juuj inay kasoo baxaan, waxaanu yidhi Eebe ayaa mahad iska leh, markay gaadho maalintii ilaahay ugu talo galayna in ay burburtana way burburi.

Waa kuma Dul-Qarnayn?

Dul-Qarnayn waa Nin boqora oo Eebe ku manaystay awood iyo cilmi, waxaanu meeray dhulka bari iyo galbeedba, cida uu ahaa runtii ma cada, culumadu way isku khilaafeen cida uu kasoo jeedo iyo xilliga uu xukumayey dhulka, muhiimna maaha inaynu ogaano cida uu kasoo jeeday waxa ugu muhiimsan waa ku cibro qaadashada qisadiisa.

Maxaa loogu bixiyey Dul-Qarnay?

Magaca ama naanaysta Dul-Qarnayn waxa weeye ruuxii geesaha u saaxibka ahaa, sidoo kale waa laysku khilaafay magiciisa, qolo waxay ku tageen waxa loogu bixiyey waxa uu xukumay bari iyo galbeedba, halka kuwo kalena dhaheen waxa uu lahaa taaj laba geesood leh. Allahu aclam.

Xaguu ku dhacaa Xidheenka Dul-Qarnayn?

Qolo ayaa ku timaantay in xidheenku ku yaalo gidaarka dheer ee mara dhulka Shiinaha, hase ahaate xidheenkaasi maaha mid ka kooban xadiid iyo naxaas toona, kuwo kalena waxay ku tilmaamaan inuu ku yaalo Yemen ama dhulka Qooqaasiyiinta ee udhaw bada madow, laakiin sida xaqiiqada ah lama garanayo meesha uu ku yaalo. Allahu aclam.

Skip to toolbar