Qisadii Bursiisa:-

Dhagayso ama Akhriso:-

Waagii hore waxa jiray Nin Caabuda oo reer banu Isra’iil ahaa waxaana la odhan jiray Bursiisa. Bursiisa waxa uu ahaa Caabid wayn oo Ilaahay caabuda, waxa uu lahaa mowlac uu ku tukado, kamanuusan bixi jirn mawliciisa ilaa xaajo uu ka maarmi waayey mooyaane. Bursiisa waxa uu Ilaahay caabudayey 70 sanadood. Shayaadiintiina way ka quusteen ninkan caabidka oo Ibliis waxa uu ku canaanan jiray Shayaadiinta inay Ninkan baadiyeeyaan. Bursiisa arrinkiisii waa faafay oo waxa uu noqday caabid lagu maahmaaho.
Magaalada uu daganaa Bursiisa waxa joogay sadex wiil oo dhalinyaro ahaa waxaana la sheegaan in aabahood oo boqor ahaa dhintay kadibna xilkiisa waxa qabtay adeerkood. Sadexda wiil waxa la dhashay gabar ay walaalo yihiin, waxayna dooneen inay jihaad tagaan oo ka qaybgalaan dagaal gaalo lagula jiray. Sadexdii wiil waxay damceen inay gabarta walaashood ah kaga tagaan oo ku aaminaan caabidka Bursiisa, dabadeedna way u yimaadeen ayagoo baryaya oo ku leh cid kale oo aanu walaashayo ku aamino ma hayno,ee gabarta mas’uul kasii noqo. Bursiisa waa diiday balse way ku qasbeen ilaa intuu ka yeelay oo waxay ku dhaheen cuntadee anagaa bixinayna, gurina uga dhisayna mawlacaaga agtiisa ee kaliya adigu cuntada u gee gabarta. Ugu danbayn Bursiisa waa ka ajiibay, sadexdii dhalinyarona way baxeen oo jihaad tageen.
Wadaadkii Bursiisa waxa uu gabarta u gayn jiray cuntda maalin kasta, lamanuusan hadli jirin gabrta ee inta uu guriga ku garaaco ayuu hordhigi jiray cuntada, gabartuna way qaadan jirtay cuntda, wax kale oo ka dhaxeeyayna maysan jirin.

Mudo kadib ayaa ninkii Bursiisa waxa u yimid Shaydaan oo ku yidhi “Bursiisoow adigu waxaad tahay caabid balse maxaad u ogaan wayday in gabarta lagaaga tagay xanuusanayso iyo inkale?” Bursiisa kumuusan dhicin ee mudo ayey ku qaadatay inuu ku dhiirado in uu la hadlo gabarta oo uu waydiiyo xaalkeeda.

Maalintii danbe ayuu cuntadii inta uu udhigay ayuu la hadlay oo ku yidhi “Ka waran xaalkaaga?” waxayna ugu jawaabtay “waan fiicnahay” Iminka wadaadkii Bursiisa waxa uu maqlay codkii gabarta, ayaduna codkiisa ayey maqashay kadibna arrintii ayuu la qabsaday oo maalin kasta waxa uu waydiiyey xaalkeeda. Mudo kadib ayaa hadana Shaydaankii u yimid oo dhahay; “Bursiisow maxaad gabarta u waydiin wayday inay wax u baahantahay, maadaama ay walaaladeed ka maqanyihiin way kaa xishootay oo kolayba waxbay u baahantahay ee waydii” Bursiisa waxa uu hadana bilaabay inuu kordhiyo hadalkii oo uu ku daro maxaad u baahantay. Gabartii maalin kasta codkeeda wuu maqlaa, hadalkiina waa batay dabadeedna hadana Shaydaankii ayaa u yimid oo ku dhahay “Bursiisow wadaad baad tahay, dadkuna way kula yaabayaan markay arkaan adigoo gabar la hadlaya ee waxna kuma gaadhayaane ee gabarta guriga ugu gal oo nin adag baad tahaye guriga ku dhex warayso gabarta!!” Bursiise kumuusan dhiiran, ilaa mudo kasoo wareegtay kadibna waxa uu bilaabay inuu gabartii guriga ugu galo. Waxaad qiyaastaa Ninkii caabidka ahaa halka ay sheekadu la marayso. Subxaana Allah!!!!
Bursiisa gurigii ayuu galay, codkii gabartana waa maqlay, shaydaana waa u qurxiyey  sidiibaanu la qabsaday mudo hase ahatee maalintii danbe ayuu wadaadkii Bursiisa macsidii ku dhacay oo waa sinaystay (ilaahaybaan ka magan galnaye). Wadaadkii markuu macsidii ku dhacay ayuu dib ugu soo laabtay mawliciisii isagoo oynaya waanu ka toobad keenay danbigii waynaa. Balse mudo bilo ah kadib ayaa gabartii ku tidhi “Bursiisow Uurbaan kuu leeyahay” Bursiisa waa cabsaday oo wax uu sameeyo ayuu garan waayey!!! Mudo kadib ayey gabartii ilmo dhashay dabadeedna waxay ku tidhi Bursiisa “waan umulay cunug yar” subxaanallah!!  Ninkii Bursiisa waxa ku madoobaaday dhulkii iyo cirkiiba, dabadeedna isaga oo fakaraya ayaa Shaydaankii u yimid oo ku dhahay “Bursiisow u tag gabarta oo ka qaad ilmaha yar, kadibna gawrac oo aas cunuga yar, adigu waxaad tahay wadaad oo cidna kuma ogaanaysee” Bursiisa waxa uu soo galay gurigii oo wuxuu gabartii kala haaday ilmihii yaraa dabadeed inta uu bireeyey ayuu aasay (xabaalay) ilmihii yaraa.
Bursiisa waxa uu galay danbi kale oo ah dil (Subxaanallah). Bursiisa oo mawliciisii fadhiya ayaa hadana Shaydaankii u yimid oo dhahay “Bursiisow, gabartan aad ilamaheedii ka qaadatay way ku sheegaysaa markay walaaladeed yimaadaan, adigana sumcadaadii dhulka ayey galaysaa waana lagu dilayaa” Bursiisana waxa uu yidhi “Maxaan hadaba sameeyaa?” Shaydaankii waxa uu yidhi; “Way fududahay, waxaad dishaa gabarta qudheeda kadibna ayadana xabaal, marka ay walaaladeed kuu yimaadaana ku dheh; Gabartii way xanuusatay oo waan la tacaalay kadibna way dhimataya” Bursiisa waa ka aqbalay oo gabrtiina waa dilay waxaanu ku aasay meeshii uu ku aasay cunugeedii. Bursiisa waxa uu galay danbigii sinada iyo laba qof oo uu dilay!! kadibna waxa uu isku yidhi toobad keen, oo cidna kuma ogaanayso.

Maalintii danbe ayaa sadexdii wiil soo laabteen, waxayna u yimaadeen Bursiisa oo jooga mawlicii, waxaanu ku yidhi: “Gabartii walaashiin ahayd way xanuusatay waanan la tacaalay kadibna way dhimatay oo waan aasnay” Sadexdii dhalinyaro waxay dhaheen “Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun, Ilaahay khayr badan haku siiyo” kadibna way iskaga tageen.

Isla habeenkii ayaa Shaydaankii u yimid sadexdii wiil oo ku yidhi “Walaashiin maysan dhiman ee Bursiisa ayaa ka sinaystay, kadibna ilmo ayey u dhashay markaasuu dilay waxayna ku aasntahay meel hebla, dhagax dusheed ayada
iyo wiilkeediiba” Sadexdii wiil markay hurdadii ka kaceen ayaa kii ugu yaraa yidhi; “Xalay waxaan ku riyaaday arrin aad u xun waxaanu u sheegay riyadii” markaasa labadii kalena dhaheen wallahi annaguna waan ku riyoonay. Mucjiso!!! Sadexdii wiil way baxeen oo soo eegeen xabaashii waxayna arkeen in walaashood la dilay kadibna Bursiisa ayey qabteen oo xirxireen. Dadkii oo dhamina waa ogaadeen arrinkii wadaadkii Bursiisa oo waa fashilmay, waxaana la keenay geed lagu salbinayo isagoo xirxiran.

Bursiisa oo sugaya xilligii la dilayey ayaa Shaydaankii u yimid oo ku dhahay; “Aniga oo ah Shaydaanka Cad oo ka tirsan qabiilka Maaridiinta ayaa ku jan habaabiyey oo kuu geysatay danbiyadaas oo dhan, iminkana waan ku badbaadinayaa sababtoo ah waan awoodaa inaan kaa indho saabo dadka kale, ee kaliya hal mar ii sujuud!!!!” Bursiisa waa la ceebeeyey oo lagu qayliyey oo la garaacay waana la dilayaa. iminka wax kasta diyaar ayuu u yahay inuu sameeyo, si uu uga badbaado toogashada dabadeedna waa u sujuuday Shaydaankii, waxaanu galay Shirki iyo Gaalnimo (Ilaahay baan ka magan galnaye) Odaygii Bursiisa oo Shaydaankii u sujuudsan ayaa kurta laga gooyey sidaasbaanu ku dhintay gaalnimo. Waana Qisada Aayadan Qur’aanka ah ka waramayso.

كَمَثَلِ الشَّيْطَانِ إِذْ قَالَ لِلْإِنسَانِ اكْفُرْ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّي بَرِيءٌ مِّنكَ إِنِّي أَخَافُ اللَّـهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ ﴿١٦﴾ فَكَانَ عَاقِبَتَهُمَا أَنَّهُمَا فِي النَّارِ خَالِدَيْنِ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الظَّالِمِينَ ﴿١٧

Waxay la midyihiin Shaydaan waa ka dadka gaalow ku dhaha, markay gaaloobaanna ku yidhaah bari baan kaa ahay (waxba isuguma keen jiraan) oo sheega inuu Ilaahay ka yaabi. (16) Markaasay Labadooduba Cidhibtoodu noqon naar ay ku waaraan, daalimiintana saasaa lagu abaal mariyaa (17).  Xashri:16-17.


 Tixraac:-

  • Ibnu Jariir Dabari, Tafsiirka Suurada Xashri, Ayada 16aad.
  • Ibnu Kathiir: 528-529