QISADII ASXAABUL KAHFI

(Dhagayso, Daawo ama Akhriso)

Gaaladii reer Qureesh ayaa u tagtay Yahuuda, waxayna waydiiyeen “Maxaan ku samaynaa nin sheegaty nabinimo, waa nabi Muhammad (N.N.K.H)” Kadibna Yahuudii waxay  tidhi waxaad waydiisaan sadex arrimood oo kala ah; (Dhalinyaro la waayey oo meel ay qabteen aan la garanayn, Nin dhulka meeray iyo Ruuxda. Dabadeedna gaaladii Reer Qureesh ayaa u yimid Nabiga oo waydiiyey sadexdii arrimood. Nabiguna waxa uu ku yidhi “barri ayaan idiinka warrami” laakiin waxyigii umuusan iman nabiga, kadibna gaaladii ayaa utimid barridii nabiga oo waydiisay inuu uga warramo sadexdan qiso balse nabigu waxa uu ku yidhi “barri ayaan idiinka warami” markay gaadhay dhawr casho oo aan waxyina kusoo dagin nabiga ayaa xitaa muslimiintii yaabeen oo is waydiiyeen muxuu usoo dagi waayey waxyigii! Kadibna Eebe ayaa soo dajiyey Aayadan:-

وَلَا تَقُولَنَّ لِشَاْىۡءٍ إِنِّى فَاعِلٌ۬ ذَٲلِكَ غَدًا (٢٣) إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ‌ۚ 

“ha ku dhihin shaygaasaan fali barii. (adoon dhihin) hadduu doono Eebe”

Maalintii danbe ayuu nabigu ku yidhi; “Inshallah barri ayaan idiinka waramayaa” Markaas ayey soo dagtay qisadan Asxaabul kahfi, Dul qarnayn iyo ruuxduba.

Waxa jiray dhalinyaro rumeeyey ilaahay, waxaana la dhahaa waxa dhalay boqoro, deegaankooduna waxa uu ahaa degaan gaaleed oo caabuda sanamyada iyo ilaahay oo cid kale lala wadaajiyo.

Dhalinyaradan ismay garanayan ee mid waliba waxa uu qarsanayey iimaankiisa, dabadeedna maalin ayaa qoomkoodii u baxeen ciid ay lahaayeen, balse mid kasta oo dhalinyardii ka mid ahaa waxa uu muujiyey  cudur daar, waanay ka hadheen qoomkoodii. Dhalinyaradii ayaa iskugu yimid geed hoostii markaasbaa mid ka mid ahi kacay oo yidhi “Kuwaasi waa qoomkanagii waxay caabudeen sanamyo Eebe ka sokow, anaguna waxaan rumaynay Eebaha abuuray samooyinka iyo dhulalka, mana caabudayno cid aan isaga ahayn.” waxa Eebe isku xidhay quluubtoodii oo way isku raaceen inay Eebe kaligii caabudaan. Dhalinyaradii waxay go’aansadeen inay ka fogaadaan qoomkooda oo ay  hoy ka yeeshaan god. Deegaankooda oo ahaa buuralay ayey ka doorteen god ku yaalay markaasbay galeen godkii ayagoo aqal ka yeelanaya. Waxaad qiyaastaa caruurtii boqoradu dhaleen oo ka fogaanaya ehelkooda oo gaalo ah, kana yeelanay hoy god aan la garanayn waxa kaga soo bixi doona!

Markay godkii galeen ayey jiifsadeen, kadibna Eebe ayaa kusoo rogay raxmadii iyo naxariistiisa, waanay seexdeen waxayna hurdeen 309 sano.

Waxaad arkaysaa qorraxda oo markay soo baxdo u iilan xagga midig ee godka, markay dhacaysana ka goynaysa xagga bidix ayagoo ku sugan meel waasac ah oo godka ah. Subaxa iyo galabtii ayey qorraxdu qorraxdu qabanaysay si ay uga helaan faytamiinada daruuriga u ah jirka hase ahaatee xilliga duhurka qorraxdu maysan qabanayn, waxayna culumada dhakhaatiirtu sheegeen in qorraxdu ay halis badantahay xilliga duhurka, sidaa awgeed ayaa Nabigu (N.N.K.H) uu u leeyahay:-

قيلوا فإن الشياطين لا تقيل

“Qayluulaysta- qayluuladu waa hurdada xilliga duhurka- sababtoo ah shaydaanku xilligaa ma seexdo” Saxiix albani.

Dhalinyarada ehelkoodii way raadiyeen, oo waxa la galay baadi goobkoodi laakiin maysan helin ee way ka quusteen kadibna arrintoodiibaa faaftay in la waayey dhalinyaro, meel ay qabteena aan la garanayn.

Dhalintii huruday ayaa Eebe (SWT) u gedgedinayey midig iyo bidix, si hadii uu qof uu arko uu ugu maleeyo inay noolyihiin iyo si aan jirkooda dhulku u cunin. waxaad moodaysay inay soo jeedaan hadana way hurdeen xitaa culumada tafsiirka qaarbaa yidhaahda “dhalinta indhahooduna way furnaayeen”. Aygoodiina waxa uu albaabka hurday isagoo fidiyey dhudhunkiisa, hadii aad aragto waad ka jeesan lahayd adigoo cararaya waanad argagixi lahayd cabsi darteed. Eebe waxa uu siiyey haybad ay makhluuqaadka kale kaga argagaxaan, gaar ahaan xayawaanka wax u gaadhsada.

Dhalintii waxay godkaa hurdeen mudo dhan sadex boqol iyo sagaal sano. Jiilkoodii iyo jiilkii ka danbeeyeyba way dhinteen. mucjisada tiradan ku jirtana waxaad kaga boqotaa maqaalkan http://gaaldiid.com/document/dayaxa-iyo-dheeftiisa/

Maalintii danbe ayey hurdadii ka kaceen waxayna is waydiiyeen “imisa ayaan hurudnay” Markaasbay dhaheen maalin ama maalin badhkeed, (ma oga inay hurdeen sadex boqol oo sano). Dabadeedna waxay dareemeen gaajo, markaasbay mid ka mid ah dhalintii u dhiibeen lacag ka samaysnayd fido “qalin” kuna dhaheen inoo soo iibi cunto, iskana ilaali qoomkeena, sababtoo ah haday ina ogaadaan way ina rajminayaan ama diintooda ayey inagu celinayaan. Wiilkii waa baxay, isla markiiba waxa uu la kulmay dunidii oo isbadashay, cimaaradihii iyo guryihii oo badalan iyo sidoo kale dadkii oo aan ahayn kuway yaqaaneen, kadibna waxa uu utagay nin iibinaya cunto markaasbuu ku yidhi “lacagtan qaado oo iga gad cuntada” Ninkii wax iibinayey ayaa la yaabay lacagta uu wiilkani watay, dabadeedna waxa uu ugeeyey boqorkii deegaanka. Boqorkiibaa warsaday wiilkii oo waydiiyey halka uu ka yimid iyo lacagtan halka uu ka keenay. Boqorku warkooda wuu hayey in dhalinyaro la waayey mudo sadex boqol oo sano kahor ah. Wiilkii ayaa uga waramay inay shalay seexdeen godka isaga iyo saaxibadii ayagoo ka cabsanaya qoomkooda, boqorkii ayaa ku yidhi “shalay maydaan seexanina waxaad hurudeen sadex boqol oo sano” wiilkii isagii oo yaaban ayuu u yimid dhalintii kale, dabadeedna warkii ayuu u sheegay inay hurdeen sadex boqol oo sano, dhalintiina way cajabeen, markay xaqiiqsadeen in ay hurdeen mudo aad u dheer, ayey Eebe mahadiyee. Dabadeedna Eebe ayaa ruuxdoodii ka qaaday dhalintii isla hal mar, halkaasbayna ku geeriyoodeen.

Dadkii ayaa yimid godkoodii waxayna heleen dhalintii oo geeriyootay, markaasbay albaabkii godka saareen dhagax, kadidibna waxay isku khilaafeen in ay godka dushiisa ka yeeshaan masaajid.

Asxaabul kahfi waxa laysku khilaafay tiradooda, qolo waxay tidhi waxay ahaayeen sadex wiil iyo aygoodii, kuwo kalena waxay dhaheen waxay ahaayeen shan wiil iyo aygoodii sidoo kale waxay dhaheen waxay ahaayeen todoba wiil iyo aygoodii hase ahaatee tirada rasmiga ah waxa og ilaahay subxaana wa tacaalaa.

Waxa kale oo layaab ah in ayga oo muslimiinta agtooda ka ah nijaas in Eebe (SWT) quraanka ku xusay, sababtoo ah waxa uu la rafiiqay dad wanaagsan. Qisada asxaabul kahfi waxad ka akhrisankartaa suurada 18 aad ee loogu magac daray qisadan waa suurat Kahfi, aayadaha 9-26.

Xaguu ku yaalaa godkii Asxaabul Kahfi? 

Godka Asxaabul kahfi meesha uu ku yaalo khilaaaf badan  ayaa ka jira, waxaana la sheegaa in uu ku yaalo wadamada Turkiga, Suuriya, Yemen iyo Urdun. Sanadku markuu ahaa 1963 ayey dawlada Urdun sheegatay in godka asxaabul Kahfi ku yaalo Urdun, ayagoo soo bandhigay God la yidhi waxa ku aasan todoba qof iyo ay. Ilaahbaana og.

Sawirada ay dawlada urdun soo bandhigeen waxa ka mid ah kuwan:-

kahfi6

Boodhka kadindka laga galo godka.

kahfi7

Kadinka Godka. Allahu aclam.

kahfi5

Masajid ka agdhow. Allahu aclam.

kahfi4

Dhagxaan qadiimi ah.

kahfi

Halkan waxay ku sheegeen qabrigii dhlinyarada. Allahu aclam.

kahfi2

Meesha ay hurdeen. Allahu aclam.

Daawo videogan oo ina tusaya meesha la sheegay in godkii Asxaabul kahfi ku yaalo.