Waa kuwama Ya’juuj iyo Ma’juuj?

Ya’juuj iyo Ma’juuj waa laba qoom oo ka tirsan bani Aadamka, maaha Jin, mana aha xayawaano kale ee waa dad ka mid ah basharka.Waxay kasoo farcameen duriyadii Nabi Aadam iyo Xaawa (N.N.K.H). Sidoo kale waxa weeye duriyadii Nabi Nuux (N.N.K.H) maadaama Eebe (SW) ka aqbalay ducadii Nabi Nuux inuu halaago dhamaan gaalada, sidaa awgeed dadku dhamaantood waxay kasoo jeedaan fracantii Nabi Nuux (N.N.K.H).
Nabi Nuux waxa uu dhalay sadex wiil oo kala ah Saam ibnu Nuux oo ah aabaha Carabta, Xaam ibnu Nuux oo ah aabaha dadka Madaw iyo Yaafith oo ah aabaha Turkida. Ya’juuj iyo Ma’juuj waa qoomiyado ka soo jeeda Yaafith ibnu Nuux.

Astaamaha Ya’juuj iyo Ma’juuj.

Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay shabahaan dadka ay isku jinsiga yihiin ee turkida ama mangooliyiinta, waa dad indho yar, sankooduna kamas ayuu leeyahay, timahooduna jaale guduudan ah, waji balaaran leh oo la moodo mandaraq. waxa la sheegaa inay yihiin dad aad u dhaadheer ama dad aad u gaagaaban oo dhago dhaahdheer leh, midkood intaanu dhimanina waxa uu ka tagaa duriyadiisa oo gaadhay kun qof, hase ahaatee sifooyinkaasi maaha kuwa sugan ama saxiixa. Sida xaqiiqada u dhawna waxa weeye inay yihiin dad shabaha basharka maadama ay sugantahay inay yihiin ibnu Aadam. Waxay riwaayadaha saxiixa ah tilmaamayaan in ay yihiin qoom xoog wayn, oo aan la hor istaagi karin oo aan layska dhicin karayn. Ya’juuj iyo Ma’juuj waa dad aad u tiro badan, waxaana u daliila inay tiro badan yihiin sidoo kalena ku abtirsadaan duriyada Nabi Aadam (N.N.K.H) xadiiska kusoo arooray Bukhaari iyo Muslim.
Waxa uu yidhi Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H); Allah waxa uu odhanaya maalinta Qayaame: {Aadamoow kac oo soo saar cida duriyadaada galaysa Naarta, waxaanu odhan: Eeboow waakuwama cida galaysa Naarta? waxa uu dhihi: Kun kii kastaba kasoo saar sagaal boqol sagaashan iyo sagaal, mid kaliyana Janada ayuu gali, markaasbaa Ilmaha yar ciroobayaa, tu kasta oo uur lehna dhicinaysaa, waxaanad arkaysaa dadka oo waalan, mana aha kuwo dhab u waalan ee cadaabka Eebaa daran. Waxay dhaheen Rasuulkii Ilaahayoow oo yaa noqonaya midkaas? waxa uu yidhi rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): Bushaaraysta midku idnka weeye, Ya’juuj iyo Ma’juujna waa kunka}


 

Ya’juuj iyo Ma’juuj waa dad dhulka fasahaadinaya sidaa awgeed ayaa ninkii dhulka meeray waa Dul-Qarnayne (N.N.K.H) uu la kulmay qoom ay ku adagtahay hadalku, qoomkaas oo ka cabanaya Ya’juuj iyo Ma’juuj waxayna ku dhaheen. (waxaan ku siinaynaa kharash ama mushahar ee Ya’juuj iyo Ma’juuj nooga samee xidheen ama sad nakala xidha waayo dhulka ayey fasahaadinayaan) markaasuu Dul-Qarnayn ka aqbalay cabashadoodii oo waxa uu usameeyey (Sad) xidheen gidaar ah, kaas oo u dhaxeeya laba buurood dhexdood, waxa uu Dul-Qarnayn dalbaday birta Xadiida iyo Naxaasta si ugu sameyo xidheenkan. markuu dhamaystiray xidheenkii maysan awoodin Ya’juuj iyo Ma’juuj inay kasoo baxaan, waxaanu yidhi Eebe ayaa mahad iska leh, markay gaadho maalintii ilaahay ugu talo galayna in ay burburtana way burburi.

Xadiis kale waxa ku sugan in Sadkii iyo Xidheenkii Dulqarnayn ku awday Ya’juuj iyo Ma’juuj furmay; sida laga warinayo Saynab bintu Jaxshi (I.R.H.K) maalin ayaa rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) usoo galay isagoo warwarsan waxaanu yidhi {Ilaahay mooye Ilaah kale ma jiro, hoog waxa ugu sugan carab shar soo dhowaday, waxa la furay
maanta dalool sadkii Ya’juuj iyo Ma’juuj, sidaas oo kale (waxa uu isku qabtay suulka iyo farta murdisada) Saynab bintu Jaxshi waxay tidhi: Rasuulkii Ilaahayow! Ma waxaan halaagsamaynaa ayadoo dad wanaagsan nagu jiraan? waxa uu yidhi: Haa, hadii xumaantu badato}


 

Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay qodaan gidaarkan xidheenka ah maalin kasta balse ma awoodaan inay dhamaystiraan. Sida uu Abuhurayra (I.R.H.K) ka warinayo Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H). waxa uu yidhi: {Ya’juuj iyo Ma’juuj way qodaan xidheenka maalin kasta, ilamaayo ay ku dhowaadaan inay arkaan ilayska qoraxda, markaasaa lagu dhahaa: Noqda bari ayaan dhamaystiraynaa, waxayna kusoo noqdaan ayadoo ka adag sidii hore, ilaa laga gaadhayo mudadooda oo Eebe doono inuu dadka kusii daayo way qodayaan ilamaayo ay ka arkaan ilayska qorraxda waxayna odhan: noqda waxaad qodaysaan bari inshallah wayna soo hadhaysaa, wayna kusoo noqon sidii ay kaga tageen, way qodayaan waxayna kusoo baxayaan dadka..} Imaam Axmed.

Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay soo baxayaan marka calaamadaha qayaamaha qaar badan la arko sida soo bixista Dajaal, Mahdiga iyo soo dagista Nabi Ciise (N.N.K.H). Sidaan ognahay Nabi Ciise waxa uu dilayaa Dajaal cawar, muslimiintuna way ka guulaysanayaan Yahuudii taageeray Dajaal. Xilliyadaas ayey soo baxayaan Ya’juuj iyo Ma’juuj ayagoo jaho sareysa kasoo degaya, waxayna soo marayaan badda la dhaha (Dabariya) wayna laacayaan biyaheeda, ilaa midkood dhahayo meeshan bari ayey bad ahaan jirtay. Dadku waxay galayaan dhufaysyo waxayna laynayaan cidii ka soo horbaxda ee beer dad iyo xoolaba. Nabi Ciise iyo inta la socotana waxay fuulayaan buur waxay baryayaan ilaahay inuu ka koryeelo qoomkan aan waxba reebayn. Kadibna Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay cirka ku tuurayaan leebab waxayna leebabkii soo noqonayaan ayagoo dhiig leh, markaasay dhahayaan waan ka adkaanay dadkii dhulka joogay iyo cidii cirkaba joogtay. Markaasaa Ilaahay usoo diraya mid ka mid ah ciidankiisa (sangaale) cayayaan yar oo sanka iyo dhagaha ka gala geela, dabadeedna mar kaliya ayey wada dhimanayaan.
Nabi Ciise (N.N.K.H) ayaa amraya mid kamid ah saxaabadiisa inuu soo eego waxa ku dhacay Ya’juuj iyo Ma’juuj. Ninkan ayaa baxaya oo soo eegaya, waxaanu arkayaa dhulkii oo maydkoodii buuxiyey, dabadeedna Nabi Ciise iyo saxaabadiisu way soo baxayaan waxayna Eebe ka baryayaan in maydkooda laga kaxeeyo dhulka.
waxa Eebe (SW) soo dirayaa Shinbiro qoorta awrta leh markaasbay jiidayaan maydkooda kuna darayaan badda. Kadibna roob ayaa da’aya oo Eebe ku nadiifinyaa dhulka.

Fiiro gaar:

Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay kusoo arooreen Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Rasuulka, waxayna ka mid yihiin Qaybka. Sida runta ahna lama garanayo meesha ay ku nool yihiin, waxayna soo baxayaan xilligii Ilaahay ugu talo galay. Cidii dafirta xaqiiqada Ya’juuj iyo Ma’juuj garo waa la sitaaye. Qisooyinkooda Allah ayaa ka waramay, qofka muslimka ahna Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayuu rumaysanyahay.

Eebe waxa uu leeyahay, Suurada 21 aad ee Al-anbiya’, Aayada 96.

حَتَّىٰ إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٍ يَنسِلُونَ

.Inta laga Furi (soo Dayn) Ya’juuj iyo Ma’juuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey ka soo Deg degi