Tusmo

Ninkii Afkiisa Malaaiktu ka hadashay:

Si aad u daawato ku dhufo lifaaqan: Daawo

Bismillah, magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, anagoo ku sallinayna xabiibkeena Muxamed inuu Allah nabadgalyo iyo naxariis korkiisa yeelo, isaga, ehelkiisa, saxaabadiisa iyo dhamaan cidii raacday jidkiisa. Asalaama Calaykum.

Walaalayaal, sida la ogyahay marka xaaladu qadhaadhaato wuxuu Ilaahay usoo diraa adoomadiisa karaamooyin ama mucjisooyin uu ku sugayo, sidoo kalena dareensiinaya inay ku taaganayihiin jidka xaqa ah.

Hadaba arrin mucjiso ah ayaa waxay dhacday xilligii saxaabadu ay furanayeen dawladii Faarisiyiinte ee nabigu (scw) isagoo nool uu ku bishaareeyey inay muslimiintu furanayaan. Duulaankii lagu qaaday Faarisna waxa hogaaminayey Sacad ibnu Abuwaqaas ilaahay raali haka ahaadee.

Dagaalkii ugu caansanaa waa duulaankii Qaadisiya oo dhabarka ka jabiyey Faarisiiyiinta, kadibna waxa la gudo galay in la furto caasimada Faarisiyiinta oo la dhaho Madaa’in, kana koobnayd todoba magaalo oo dhisnaa mudo gaadhaysa Shan kun oo sanadood, waxa magaalooyinkaas lakala odhan jiray; Saabaad, Bahrasheer, Azbaaneer, Desbinaazeer, Daysafoon, Saluuqiya iyo Maakhuuda.

Dagaalkii nahrasheer ayaa muslimiintu iskuweer ama go’doon ku qabteen magaalooyinka Madaa’id ee caasimada Faarisiyiinta, go’doonkaasina wuxuu socday mudo gaadhaysa 80 maalmood. Dabadeedna boqorkii Yazdajar ee Faarisiyiinta ayaa soo diray ni afhayeenkiisa ah, ayagoo ka dalbanaya muslimiinta Heshiis iyo musaalaxo.

Ninkii lasoo diray ayaa istaagay qalcadii oo lahadlay muslimiinta wuxuuna dhahy: nimanyahow waxaad qaadataan ood maamushaan wixii wabiga Dijlah xagaas ka xiga anagan waxaad noo daysaan wixi dhankayaga soo xiga, miyeydaan dhargayn Ilaahay calooshina ma dhargiyee. Hase ahaatee waxa u jawaabay nin ku dhex jira ciidamada muslimiinta oo la dhaho Abamafrza Aswad ibnu Qadbah, kuna dhahay hadal aanay cidina fahmayn.

Kadib ninkii heshiiska u yimid ayaa firdhaday oo cararay, markaasay muslimiintii waydiiyeen Abamafraz wuxuu ku dhahay? Wuxuu yidhi: ma garanayo xitaa anigu waxaan idhi!! SubxaanAllah.

Ninkii cararay ayaa dib usoo laabtay isagoo leh: nimayahow amaan isiiya iyo nabad galyo. Waxa la yidhi: oo maxaa dhacay? Wuxuu dhahay: oo ma cidbaa ku hadhay magaaladaba, dadkii joogayba way yaaceen oo doomo ayaa la kaxaystay.

Muslimiintii waxay dhaheen: oo maxaa idin helay? wuxuu yidhi: dee ninkaas miyeydaan maqlayn wuxuu yidhi!! waxay dhaheen: Oo ninku muxuu idinku yidhi? Wuxuu dhahay: Ninka afkiisa malaa’k baa ka dhex hadashay wuxuuna yidhi: Heshiis idinlama galayno, illamaayo aan malabka Afraadiin ku cuno timirta Kuuthaa!! (Malabka Afraadiin iyo Timirta Kuutha waxa cuni jiray oo kaliya boqorkooda Yazdajar) Markaasaan garanay in malaa’iktu idinla jirto oo aydaan joogayn illamaa aad ka cuntaan malabkaas, kadibna dadkii way yaaceen oo firdhadeen.

 


Xigasho: