Taariikhdii Saxaabiga Muscab ibnu Cumayr: Safiirkii koowaad ee Islaamka

Akhriso ama Daawo.

Allah raali haka ahaado saxaabiga Musvab ibnu Cumayr oo ahaa Safiirkii koowaad ee Islaamka, wuxuu ahaa Muscab dhalinta ugu maalqabeensan magaalada Makkah oo hooyadii Khunaasa bintu Maalik ayaa ahayd gabadh xoolo badan leh. Musacab wuxuu ahaa wiil xarago badan oo ku labista maryo qurxoon, kabo qurxoon oo ay kasoo kamkamayso udugii qani nimada iyo maalqabnimada.

Wiilkan Muscab wuxuu maqlay Islaamka, waanu jeclaystay kadibna Allah ayaa qalbigiisa u furay Islaamnimada waana islaamay. Kolkuu islaamay wuxuu isku dayey inuu warka ka qariyo hooyadii laakiin markii waxa warkii qaaday cid garanaysa Muscab oo u sheegtay hooyadii inuu galay diintii Nabi Muxamed (N.N.K.H). Hooyadii way cadhootay oo isku dayday inay ka joojiso Islaamka hase ahaatee wuxuu Muscab ku adkaystay Diintiisa walow ha waayo xoolihiisa iyo aduunyaba dhamaanteed,

Muscab hooyadii way xidhay oo silsilad ayey ku xidhi jirtay, hase ahaatee si qarsoodi ah isagoo dhuumanaya ayuu u iman jiray Nabiga iyo Saxaabada oo warka ayey kala qaadan jireen iyo farriimaha Nabiga suuban (N.N.K.H). 

Markii dhibtii Saxaabada ku badatay ayaa loo fasaxay inay u hijroodaan Dhulka Xabashida waxaana baxay ugu horeyn Cusmaan ibnu Cafaan iyo xaaskiisii Ruqaya iyo Cabdiraxmaan ibnu Cawf, Abasalama, Umu-salama iyo Muscab ibnu Cumayr. Waxay aadeen dhulka Xabashida, mudana halkaas way ku sugnaayeen.

Sanadkii 1o aad ee soo dirista Nabiga ayaa waxa yimid moosimkii xajka Dad ka socda qabiilka Ansaarta ee deganaa magaalada Madiina, waxaanay la kulmeen Nabiga oo isna wuxuu u bandhigay Islaamka waanay Islaameen. Sanadkii xigay ayey dhalintii Ansaartu dib usoo labteen waxayna ku dhaheen Nabiga: RAsuulkii Ilaahayoow, magaaladii Madiina way islaamtay oo guri kamid ah majiro haduuba jiraba waxa galay islaamnimada ee waxaan u baahanahay nin  dhalinyaro ah oo firfircoon oo diinta ku dhex faafiya magaalada Madiina sidoo kalena matala Islaamka (Safaarad). Nabigu safaaradan wuxuu u doortay Muscab ibnu Cumayr oo kasoo laabtay hijradii Xabashida, waxaanu Muscab ku dagay Ascad ibnu Suraara, waxaanu bilaabay inuu Dacwada fidiyo. 

Dacwadii Muscan way midho dhasahay oo dad badan ayaa ajiibay diinta xaqa ah ee islaamka, waxaynaan kasoo qaadan karnaa dadkii gacantiisa ku islaamay Sacad ibnu Mucaad iyo Usayr ibnu Xudayr oo kamid ahaa madaxdii ansaarta.

Maalin ayaa Muscab iyo saaxiibkii Ascad ibnu Suraara oo jooga ceel la dhaho (bi’r Macuuna) ay arkeen Sacad ibnu Mucaad iyo Usayd ibnu Xudayr, waxayna isku dhaheen: Waa kuwaa labadii nin ee dhalinteena beenta u sheega ee kuwa maangaabka ah maskaxda ka xada!! Dabeedna Usayd ibnu Xudayr ayaa u yimid isagoo cadhaysan waxaanu ku dhahay isagoo caynaya: Meeshan iskaga taga inatydaan naftiina waayin. Muscab iyo Ascad waxay ku dhaheen: Usaydoo maad horta fadhiisatid oo aan kuu warramno oo hadii warkayagu ka cajabiyo waad arki hadii kalena waad arki. Wuxuu dhahay Usayd: Waayahay, waa si wanaagsan. Waanu fadhiistay kadibna Muscab ayaa ku dul akhriyey Quraankii iyo dacwadii islaamka, isla markiiba Usayd waa ku qancay oo isagoo halkii taagan ayuu islaamay.

Kolkuu islaamay ayuu Usayd kusoo laabtay Sacad ibnu Mucaad markaasuu Sacad yidhi: Ilaahbaan ku dhaartee, Usayd wajigii uu inagala tagay iyo kuu inagula soo noqday way kala duwan yihii, kolkuu Usayd yimi ayuu Sacad ku yidhi: Bal nimanka u tag oo ka dhagayso waxay leeyihii. Sacadna sidii oo kale ayey dhalintii Quraanka ugu dul akhriyeen isagiina waa islaamay oo diinta xaqa ah ayuu soo galay.

Kuwaas waxay kamid yihiin guulihii ugu waaweynaa ee uu Muscab ka gaadhay Madiina oo waxa gacantiisa ku islaamay madaxii qabiilka reer bani cabdi al-ashhal waa Sacad ibnu Mucaad Ilaahay raali haka ahaadee. 

Muscab wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar oo Ilaahay jabiyey gaaladii waaweynayd ee reer Qureesh. Dagaalkana waxa gaalada laga dilay todobaatan halka laga qafaashay todobaatan kale, waxaana kamid ahaa ragii la qafaashay Muscab nin ay walaalo ahaayeen oo la odhan jiray Abacasiis ibnu Cumayr, kadibna waxa arkay abacasii oo la xidhxidhayo Muscab oo ay walaalo yihiiin wuxuuna Muscab ku dhahay saxaabigii xidhayey: ku adkee Walaal xadhiga, waliba hooyadii lacag badan ayey leedahay, Abacasii ayaa yidhi: Muscaboow, ma sidaasbaad ii dardaarmaysaa? wuxuu yidhi Muscab: Haa, oo kan ku xidhxidhaya ayaa iiga kaa dhow.

Muscab waxa kale uu ka qaybgalay dagaalkii Uxud oo lagu jabiyey Muslimiinta, dabcana dagaalkan ayuu Muscab ku shahiiday. Waxaana dilay nin la dhaho ibnu Qami’ah oo wuxuu gooyey gacantiisa midig waxaanu siday Calanka Muslimiinta kadibna calankii ayuu ku qabsaday gacanta Bidix balse gacantiina waa la gooyay markaasuu cududadiisa ku qabsaday Calankii laakiin sidaas ayuu ku shahaado qaatay wiilkii ugu qani sanaa magaalada Madiina oo xitaa waxa loo waayey maro lagu kafmo. Ilaahay raali haka ahaado naftii hure Muscab ibnu Cumayr oo kamid ahaa Saxaabadii uu Nabigu ugu jeclaaa.


Waxa soo jeedinaya inoosoo diyaariyeyna Sh.Abdulaziz Oogle