Tusmo

Qisadii Safiina Mowla Rasuul Allah:

Safiina wuxuu ahaa adoon ay leedahay Umu-Salama (I.R.H), kadibna way xoreysay oo waxay ku sardiday inuu u adeego nabiga (scw). Safiina wuxuu noqday shaqaalaha nabiga, ee marba wixii uu nabigu u baahdo u keena, sida waysada, kabaha, go’a iwm.

Safiina wuxuu yidhi: magacan Safiina waxa ii bixiyey nabiga (scw), oo maalin ayaa nabiga iyo saxaabadiisu ay baxeen kadibna alaabtii ayaa ku cuslaatya kolkaasbuu igu dhahay: “kala bixi go’aaga” kadibna waan kala bixiyey oo waxa lagu riday alaabtii, markaasu igu dhahay: “xanbaar adigu waxaad tahay Safiina (markab)”, wuxuu yidhi Safiina: hadaan maalintaa qaadi lahaa alaabta la saaro laba halaad ama shan halaad ama lix halaadba waan qaadi kari lahaa.

Safiina waxa kale oo yidhi: Anigoo ku safraya doon ayey doontii xumaatay oo ay dagtay, markaasaan qabsaday loox oon ku dabaashay, kadibna waxaan kusoo caaryey meel kayn ah oo Libaaxyo joogaan, markaasaa libaaxii iga soo horbaxay, markaasaan ku dhahay: “Libaaxow, anigu waxaan ah Safiina mowlihii Rasuulka, markaasuu Libaaxii madaxiisa uu ruxay, isagoo i difaacaya wuxuuna igu soo hagay oo i keenay wadadii aan rabay, kadibna intuu hamham leeyey ayuu dhaqaajieyey, waxaana aqoonsaday inuu i sagootinaayey. [1]

Qisadii Haashim ibnu Cutbah ibnu Waqaas, Al-Mirqaal:

Haashim ibnu Cutbah wuxuu ahaa taabiciintii waaweynayd walow ay jirto riwaayooyinka qaar sheegaya inuu ahaa saxaabi oo uu islaamay xilligii Makkah la furtay. Haashim waxa adeer u ahaa saxaabigii waynaa ee Sacad ibnu Waqaas, waxayna xaga hooyada ka walaalo ahaayeen Muscab ibnu Cumayr. Haashim wuxuu ahaa geesi muslim ah oo aan cidi loodin karin, wuxuu ka qaybgaay dagaalkii Yarmuuk, halkaas oo uu ku waayey mid kamid ah ishiisa.

Macrakadii Qaadisya ee Sacad ibnu Abuwaqaas hogaaminayey ciidamada muslimiintana wuxuu ahaa ragii madaxda ahaa, ee wacdaraha la yaabka leh ka gaystay halkaas. Duulaankii Jalowlaa ee loo yaqaano fatxu al-futuux ee lagu furtay magaalooyinka Madaa’in ee caasimada u ahayd boqorkii Yazdajar, waxa hogaaminayey Haashim ibnu Cutbah.

Boqorka Faarisiyiinta ee Yazdajar, wuxuu lahaa ciidamo loogu magac daray eedadii oo la dhaho Kataa’ib Booraan, waxayna ciidankaasi ku heesi jireen maalin kasta, (Intaan noolnahay nalama jabniyo), waxayna ciidankaasi rabaysan jireen Libaax wayn oo dad cun ahaa, waxaana la sheegaa im maalinkasta la siin jiray Libaaxaas mid kamid ah adoomada boqorka Yzdajar, oo fadhiisan jiray kursi dahab ah isagoo madaxiisan ay saarantahay koofyada 91 kg oo dahab ah oo kasoo laalaada saqafka sare, taasina cabsi ayey ku ridi jirtay dadka soo booqda.

Duulaankii Jalowlaa kadib waxa la soo gaadhay magaalada Madlam Saabaad oo ahayd magaalo dhirteedu ay qarisay cadceedaba, kadibna markay ciidankii Booraan maqleen imaanshaha ciidamada Muslimiinta ayey kusii daayeen libaaxii waynaa ee dad cunka ahaa, dabadeedna saxaabigii Haashim ayaa u baxay libaaxii, isagoo dhulka ku xejiyey warankiisii kadibna libaaxii ayaa soo booday markaasuu Haashimna ku booday libaaxii, waxayna labadooduba ku kulmeen xaga sare kadibna Haashim ayaa warankiisii uu cabeeyey ka taagay libaaxii, wanau dilay sidaasbaanu ku dhintay libaaxii faarisiyiintu.

Saxaabadii iyo ciidankii muslimiintu waxay dhaheen hal mar ” Allahuakbar, libaaxii islaamka ayaa dilay libaaxii faarisiyiinta”. Markuu  Sacad maqlay in wiilkii adeerka uu ahaa uu la yimid mucjisadaas ayuu madaxa ka dhunkay, markaasuu Haashimna adeerkii lugaha ka dhunkaday.

Haashim ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday duulaankaa Sifiin isagoo la safnaa dhankii Cali ibnu Abudaali, waxaana isku hal mar geeriyooday Haashim iyo Camaar ibnu Yaasir. [2]

 

Qisadii Cali ibnu Abudaalib iyo Libaaxii godka loo qoday:

Imaam Cali wuxuu yidhi: markii nabigu ii diray Yemen, ayaa qolo libaax u qoday god, kadibna dadkii ayaa isku soo ururay ayagoo dawanaya, kadibna mid kamid ayaa godkii ku dhacay, kii godka ku dhacay wuxuu sii qabsaday nin kale, ninkii kalena mid kale ayuu qabsaday, kii sadexaadna mid afaraad ayuu qabsaday, kadibna afartii nin waxa dilay libaaxii sidaasayna ku dhinteen. Afartii nin dhimashadoodii awogood ayaa qabiiladii seefahooda lasoo baxeen ayagoo doonaya inay dagaalamaan, dabadeedna waan u tagay oon ku dhahay: ma afar nin oo dhintay ayaad boqolaal qof u laynaysaan, ee aan idinkala xukumo, kadibna waan kala xukumay, wuxuuna Cali yidhi: ninkii koowaad wuxuu leeyahay magtiisa oo ah afar meelood hal meel, ka labaadna magtiisa sadex meelood hal meel ayuu leeyahay, ka sadexaadna kala badh magtiisa ayuu leeyahay, ka afaraadna magtiisa oo dhamaystiran ayuu leeyahay, magtana waxa bixinaya ninkii godka qoday.

Sababtoo ah ninkii koowaad wuxuu sababy sadex nin dilkood, kii labadaana laba nin, kan sadexaad hal nin, ka afaraadna cidna, kadibna dadkii qaar ayaa raali ku noqday xukunkii Cali kuwo kalena way cadhoodeen oo waxay dhaheen; Rasuulkii Ilaahaybaan u tagaynaa.

Nabiga (scw) ayey u yimaadeen, waxaana loo sheegay xukunkii Cali ibnu Abudaalib, wuxuuna nabigu (scw) dhahay: Xukunku waa sidaas uu Cali ku xukumay.[3] [4]

Wax diyaariyey oo soo jeedinayana Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle


Xigasho:

[1] Al-bidaayah wal nihaayah, majalada 8 aad, Safiinah Mowla Rasuul All. Siyar Aclaam al-nubala, saxaabada nabiga, Safiina mowla Rasuul Allah, bogga 173.

[2] Al-bidaayah wal-nihaayah, sanadkii 15 aad ee hijriyada, dullankii Nahrasheer, . Siyar aclaam al-nubalaa, kibaar taabiciin, haashim 

[3] الكتب » السنن الكبرى » كتاب الديات » جماع الديات فيما دون النفس » باب ما ورد في البئر جبار والمعدن جبار/ 15902

[4] Musnad imaam Axmed