Ganacsadayaashii Carbeed iyo kuwii Muslimiinta ayaa xidhiidh baayacmuushtar lalahaa jaziiradaha wadanka Philippine, kahor intaan Sapnishku guumaysanin.

Xidhiidhkaasina wuxuu keenay in diinta Islaamku ku faaftay wadanka Philippine. Maadaama wadankaasi ka koobanyahay jaziirado farabadan oo tiraba gaadhaya 700 oo jaziiradood, waxa islaamay jaziirado dhawr ah halka kuwo kalena oo badanina aanay helin fursadaas mid lamid ah.

Sanadkii 1521 kii ayaa waxa Jaziiradahaas yimid Spanishkii oo uu hogaaminayo badmaaxihii faafinayey diinta Kiristanka ee la odhanjiray Ferdinand Magellan. Kadibna wuxuu xidhiidh la samaystay hogaamiyihii ka talinayey jaziirada Siipo, waxayna ku heshiiyeen in lagu wareejiyo jaziiradaas iyo kuwa la jaarka ahba,  iyo in la masiixiyeysiiyo dadka dagan dalkaasba.

Spanishkii waxay yimaadeen ayagoo saaran doonyahoodii  jaziirad kale oo ka agdhoweyd halkaas, lana dhaho Mactan. Jaziiradan waxa ka madax ahaa nin dhalinyaro ahaa oo haystay diinta Islaamka, magaciisana la dhaho Lapu Lapu.

Magellan iyo ciidankiisii Spanishka ahaa waxay ogaadeen in Jaziiradan cida ka talisaa uu yahay muslim, dabadeedna isagoo kibir yo isla wayni ka muuqato ayuu ku dhahay xaakimkii Jaziirada ee Lapu Lapu: “Waxaan anigu kaaga dalbaya magaxa Masiixa inaad ii gacan galiso Jaziiradan,  anagoo ahna dadka midabka cadna waxaan nahay dadkii xadaaradaha, anagaana idinka xaqnim mudan inaad xukuno wadankan” LapuLapu wuxuu ku jawaabay:” Ilaahay ayaa diinta iska leh, Ilaaha aanu caabudnaana waa Rabiga basharka oo dhan haba kala midab duwanaadaane”.

Ciidankii Spanishka iyo hogaamiyahoodii waxay kasoo dageen doomihii ay saarnaayeen ayagoo ku jeeni qaaran hubkii xilligaas casriga ahaa ee ay sitaan.

Dhanka kale Lapulapu ayaa ku dhiiri galiyey ciidankiisa inay iska dhiciyaan guumaysiga Spanishka, oo ayna u golaanin habayaraatee inay qabsadaan jaziiradooda. Dabadeedna dagaalkii ayaa laysku galay markaasaa hogaamiye Lapulapu uu weeraray hogaamiyihii Spanishka ee Magellan, wuxuuna seef kaga dhuftay madaxa, halka ciidankii Lapulapuna ay ku dhawaaqeen magaciisa ayagoo leh LapLapu.

Mar labaad ayuu LapuLapu seef kale ku dhuftay Magellan taasoo kambashiisa qaaday, oo indhaha u saartay wixii uu galabsaday, halkaasbaanu ku dhintay badmaaxihii reer Spain. Ciidankii Sapanishku markay arkeen dilka hgaamiyahoodii ayey ku yaaceen doomihii ayagoo naf la caarid ah, sidaasbayna kaga maqnaayeen dalkaas mudo ka badan afartan sanadood oo damacoodii kiristaanaysiintuna kusoo gabogaboobay.

Maanta dadka reer Philippine waxay u yaqaanaan Lapulapu inuu yahay halyey u dhashay dalkooda oo kahor istaagay guumaysiigii Spanishka. Waxayna ugu magac dareen kalluun aad caan uga aha dalkaas oo la dhaho Lapulapu.


Xigasho:

Alukah