Bismillah, ma ogtahay walaalka muslimka ahow iyo walaasha muslimada ahay in ruuxa samirka badan ee aduunyada dhibta kusoo gaadha uu ku dhaxlaayo Jannada. Inaad Jannada gasho maaha wax sahlan ee dadkii hore waxay u huri jireen naf iyo xoolaba,ayagoo ka saahiday Aduunyada iyo dhaldhalaakeeda. Walaalayaal ila wadaaga qisada islaan waayeel ah oo hadana ehlu janno ah.

Wuxuu Imaam Bukhaari kusoo saaray saxiixiisa, in taabicaga Cadaa ibnu abi Rabaax uu dhahay; Ibnu Cabaas ayaa igu yidhi: Ma ku tusaa gabadh kamid ah ehelka Jannada? SubxaanAllah, walaal qiyaas qof dhulka jooga oo hadana Jannada galaya oo haysta garantii inuu kamid yahay dadka Jannada ku waaraya!!

Cadaa wuxuu yidhi: Haa, ee i tus. wuxuu dhahay ibnu Cabbaas: “Gabadhaas madow ayaa u timid nabiga (scw) kuna tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow waan suuxaa (waxay qabtay jinni), ee Ilaahay ii bari hayga dulqaado xanuunkaas, markaasuu Rasuulku (scw) ku dhahay: “Waan kuu baryi Ilaahay ee kala dooro inaan baryo Ilaahay oo cudurkaad Allah kaa dulqaado, iyo inaad u samirto oo aad gasho Jannada, waxay tidhi gabadhii: Rasuul Allow waxaan doortay Jannada, hase ahaatee markaan suuxo ayaan ka cabsanayaa inay cawradaydu muuqato ee Ilaahay ii bari inuu cawradayda asturo, markaasuu nabiguna u baryey.

Haweenaydaasi waxa magaceeda la odhan jiray Saciira Al-asadiya, ama Umu Zufar, waxayna ahayd gabadh adoomada oo midabkeedu maowyahay, qabtayna cudurka suuxiste ee Jinku sababo, kolkaas markay dhacdo waxa muuqan jiray cawradeeda, oo caruurta iyo dadkuba way ku qosli jireen, ayadoo waxaad oo dhib ah haysato ayey dooratay inay Jannada ku gasho xisaab la’aan, Ilaahay raali haka ahaadee.

 

Dabcan haweenaydaas waxay lahayd dareemayaash bani aadamka ee kala duwan sida inay guri yeelato, ubad dhahso, caafimaado, xoolo hesho, hooyo noqoto, hadana waxaas oo dhan waxay ka dooratay inay ku naalooto Jannada Ilaahay oo ay ka saahido Aduunyada oo kolayba cida ku nooli ay mar ka tagayso, ka caafimaadka qabaana uu kolayba bukoon doono, ka xoolaha haystaana uu kolayba ka tagayo, ka ubadka dhalayna uu kolayba ka caraabayo, sidaa daraadeed ayey dooratay daarta baaqiga ah ee abidka ah.

Walaalayaal samirka waxa lagu dhaxlaa Janno iyo inaad kamid noqoto dadka Ilaahay u nicmeeyey, ee darajooyinka sare ka gaadha daarta aakhiro. Dadkii hore ee wanaagsanaa ayaguba waxay darajada sare ku gaadheen waa samirka iyo dulqaadka, nabi Ayuub wuxuu u samray cudurkii hayey 18 sanadood, nabi Yacquub wuxuu usamray inuu wiilkiisa Yuusuf arko sanado badan, nabi Muuse wuxuu u samray reer banu Israa’iil oo ah umada ugu dhibka badan, nabi Ciise isaguna wuxuu ahaa dadka ugu faqiirsan ee xilligiisii, halka nabigeena Muxamedna (scw) uu samraayey 21 sanadood oo uu dacwada uu dadka gaadhsiinayey, oo lagula dagaalamay oo la laayey saxaabadiisii, ehelkiisii iyo dadba cidii uu ugu jeclaa.

Walaalayaal Jannadu bilaash maaha ee waa loo shaqaystaa, Ilaahay kuwa ku guulaysta ee darajoyinka sare ka gaadha Allah haynaga yeelo inaga iyo waalidkeen iyo dhamaan muslimiintaba.

عطاء بن أبي رباح قال قال لي ابن عباس ألا أريك امرأة من أهل الجنة قلت بلى قال هذه المرأة السوداء أتت النبي صلى الله عليه وسلم فقالت إني أصرع وإني أتكشف فادع الله لي قال إن شئت صبرت ولك الجنة وإن شئت دعوت الله أن يعافيك فقالت أصبر فقالت إني أتكشف فادع الله لي أن لا أتكشف فدعا لها
Cadaa ibnu Rabaax wuxuu yidhi: Ibnu Cabaas wuxuu igu dhahay: ma ku tusaa haweenay kamida ehelka Jannada, waxaan idhi: haa, wuxuu dhahay: haweenaydaas madow ayaa u timid nabiga (scw) kuna tidhi: waan suuxaa, oo cawradayduna muuqataa ee ii bari Ilaahay, wuxuu dhahay nabigu: “Hadaad rabto waad samri oo Jannaad heli, hadaad rabtana Ilaahbaan kuu baryi inuu ku caafiyo” waxay tidhi: waan samrayaa, ee cawradayda muuqata ee ii bari Ilaahay inaan cawradaydu muuqan, waanu ubaryey. [Bukhaari:5328]