Shiikh Ciz ibnu cabdisalaam:

Shiikh Ciz ibnu cabdisalaam waxa uu dhashy sanadkii 577 hijriga, waxaanu ku barbaaray dhulka Shaam gaar ahaan magaalada Dimishiq. Shiikhu waxa uu ka soo jeeday qoys aan wax badan haysanin sidaa darteed waxay ku kaliftay inuu shaqeeyo, habeenkiina u hoydo Masaajidka Umawiyiin ee magaalada Dimishiq.

Shiikhu habeen ayuu riyooday  waxaanu maqlay cod waydiinaya, shiikhoow ma waxaad jaceshahay inaad waxbarato mise inaad shaqeyso, Shiikhii waxa uu ugu jawaabay waxbarashada ayaan ka jeclahay shaqada.

Waxa uu riyadiisii uga warramay Shiikh Fakhrudiin Ibnu Casaakir (I.H.N) kadibna waa gacan qabtay oo wuxuu durbadii bilaabay inuu barto fiqiga Imaamu Shaafici. Mudo yar gudaheed ayaa Ciz Ibnu Cabdisalaam uu waxbarashada heer sare ka gaadhay.

Waxa uu noqday Shiikh caan ka ah gobolka, gaar ahaan magaladii uu dagaanaa, kadibna waxa loo doortay inuu noqdo Muftiga magaalada. Shaam wax ka talinayey Ismaaciil oo adeer u ahaa Suldaankii  Masar ee Najmudiin Al-ayuubi.

Xaakimka Shaam (Ismaaciil) waxa uu ahaa nin aan fiicnayn sida ay culumada siiradu sheegaan, waxa uu gacan siiyey Saliibiyiintii reer yurub si ay ugu duulaan wiilka uu adeerka u ahaa ee Najmudiin oo isaguna hayey xukunka Masar.

Shiikh Ciz ibnu Cabdisalaam markuu maqlay in Suldaankiisii ku kacay arrintan foosha xun ayuu iclaamiyey in suldaanku khiyaamay umada, sidoo kalana uu cadaw soo kaashaday si loogu duulo dhul muslim, Shiikha waa ka biyo diiday arrintaas, waxayna keentay in Suldaankii ka casilo jagada muftinimda kana mamnuucay inuu ka khudbadeeyo masaajidada, sidoo kale waxa uu ku xidhay gurigiisa ayadoo loo sameeyey ciidamo gaadh ka ah.

Arrintii waxay gaadhay shacabkii waxayn ayaga oo gadoodsan dalbadeen in Shiikha la sii daayo loona ogolaado Khudbadaha waxayna dadkii u ergo tageen Suldaankii.

Maalintii danbe ayaa Suldaankii hayn kari waayey culayska ay keentay xidhida Shiikha, markaasuu udiray  Shiikha nin u siday farriin, waxayn ahayd in Shiikh (Ciz ibnu Cabdisalaam) dhunkado/shuumiyo  gacanta Suldaanka kadibna waa loo soo celinayaa xilkii muftiga baladka.

Shiikhii arrintii waa ka carooday waxaanu yidhi, iska dhaaf inaan gacanta ka dhunkadee, anigu gacantayda inuu dhunkadu raali kama ahi.

Kadib suldaankii waxa uu qaatay tallaabo ah in laga saaro shiikha baladka waana la cayriyey.

Shiikhii waa ka baxay Dimishiq waxaanu gaadhay Masar, waxaana loo soo dhawooyey si heer sara ah, kadibna Xaakimkii Masar ee Najmudiin waxa uu umagacaabay Shiikha gudoomiyaha Maxkamada sare  ee wadanka, waxaana loo yaqaana Qaadiga ugu sarreeya ee baladka.

Ciz ibnu Cabdisalaam waxa lagu tiriyaa inuu ahaa Nin jacel cadaalada, iyo akhlaaqda wanaagsan waxaanu caan ku yahay sida aan gabashada lahayn ee uu ugu cadcadaa runta iyo xaqa.

Waagii hore waxa caadi ahayd in Ninka boqorka ahi leeyahay adoomo ama cabiid u adeegta sidaa awgeed Xaakimkii Masar waxa uu lahaa adoomo badan oo inta badan laga keenay dhulal kala duwan sida yurub iyo turkida.

Adoomadii boqorka waxay noqdeen amiiro iyo wasiiro taasina waxay keentay inay awood badan yeeshaan kana ag dhowaadaan boqorka Masar ee Najmudiin.

Shiikh Ciz Ibnu Cabdisalaam waxa uu arkay in ragan xooga badan yeeshay, ay yihiin wali adoomo sidoo kale aanay cidina xoraynin, markaas waxa uu qaatay go’aan aad u cajiiba, waxa uu fatwooday in amiiradan xukunkooda baadil yahay, illamaayo laga xoroynayo.

boqorkii waa ka cago jiiday fatwadii kadiban Shiikhii  xilkii ayuu iska casilay, waxanu iclaamiyey inuu iskaga baxayo Masar.Shiikha warkiisii waa faafay oo waxa uu gaadhay dawaynihii. Dadkii waxay ku ajbareen  boqorkii iyo xukuumadiisiiba in warka shiikha la dhagaysto hadii kale shicibku gacanta boqorka ay ka baxayso.

Ugu danbayn boqorkii waa yeelay fatwadii shiikha, waxaana dhacday dhacdo taariikhiya oo aad u cajiibsan. Shiikhii waxa uu gudo galay inuu mid mid u gado amiiradii, waliba qiimaha lagu gadanayana sare ayuu uqaaday sababtoo ah amiiro xoolo badan haystey, si kastaba ha ahaatee boqorkii ayaa gatay, sidaasbaanay ku xoroobeen. Lacagtii iyo hantidii lagu gadayna waxa lagu xareeyey baytka maalka muslimiinta.

Intii shiikhu qaadiga ka ahaa Masar waxa dhacday qiso kale oo ku tusinaysa dhiiranaanta Shiikha. Nin ka mida wasiiradii xukuumada oo la dhaho Ibnu Maciin ayaa kalaab ama tayaatar lagu heeso ka furay magaalada, gaar ahaan meel masjid ahayd dusheed. Arrintii waxay gaadhay Shiikha kadibna Shiikhu isagoo wata ciidan ayuu dumiyey kalaabkii sidoo kale wasiirkiina waa casilay, Shiikha laftiisuna waxa uu dhiibay istiqaaladiisii, waqtigaa shiikhu da’diisu waxay ahayd 67 sano.

Sanadku markuu marayey 657 hijriga oo shiiskhuna yahay 80 sano ayaa waxa duulaan halis ah lagu soo qaaday caalamka muslimiinta ayadoo hore ay tataarku u galeen magaalada baqdaad ee ciraaq, kadibna shiikhu waxa uu dareemay halista tataarka iyo qasdigoodii ahaa inay qabsadaan dhulka Shaam iyo Masar. Intaa kadib shiikhu waxa uu galay shir lagaga arrinsanayo mustaqbalka xukuumada Masar oo uu hogaamiye ka yahay wiil yar oo da’diisa lagu qiyaaso 10 sano jir. Ugu danbayn Shiikhu waxa uu casilaya xaakimkii da’da yaraa waxaanu xilka u dhiibay Qudus oo ahaa nin diin leh kuna wanaagsan xaga militariga iyo abaabulka ciidamada.

Xukuumadii uu dhisay waxay go’aansadeen in dadka laga qaado cashuur, si loola jihaado cadawga gaalada ee dhulka muslimka kusoo duulay markaas ayaa shiikhii kacay oo fatwooday in aanay xukuumadu xaq ulahayn inay dadka cashuur ka qaadaan ayadoo lahelo shuruudo mooyaane. Shardiga koowaad waa in hantida iyo xoolaha madaxda xuuumada laga soo uruuriyo oo lagu bixiyaa saadka iyo hubka cidmada muslimiinta.

Booska uu shiikhu joogay awgeed iyo dadka shacabka ah ee taageersan iyo sidoo kale dhiiranaanta shiikha waxay ku khasabtay madaxdii inay dhamaantood soo hor dhigaan hantidoodii iyo waxay kaydsadeen kadibna dadka cashuurtii ayaa laga ururiyey.

Sanadku markuu ahaa 658 hijriga waxa dhacday macrakadii caanka ahayd Caynuljaaluut ee muslimku ka reeyeen tataarka.

Laba sano kadib macrakada ayaa shiikha la oofsaday, asagoo da’diisu ahayd 83 sano, waxaana ka soo qayb galay aaskiisii dad tiro badan, waxaana ku tukaday xaakimkii Masar ee Daahir Beebras. Sidoo kale caalamka islaamkana waa lagaga tukuday janaasadisii.

Shiikha ilaahay ha u naxariistee waxa uu ahaa shiikhii qarnigaas.

 

Skip to toolbar