Daawo ama Akhriso: 

Caatika bintu Zayid (I.R.H) waxa dhalay Nin Ilaahay kaligii caabudi jiray oo la odhan jiray Zayid ibnu Camru ibnu Nufayl, wuxuuna kamid ahaa ragii iskaga tagay Sanamyadii ay gaaladii reer Qureesh ay Caabudi jireen, markuu garan waayey si uu Ilaahay u caabudo ayuu Ilaahay baryey oo dhahay: Ilaahayoow, wiilkayga Saciid ibnu Zayid kamid dhig kuwa ku caabuda, raacana sidoo kale Nabiga imanaya. Dabcan Zayid wuxuu dhintay Islaamnimada kahor, hase ahaatee wuxuu ahaa Ninkaas wanaagsan ee Ilaahay caabudi jiray. Zayid wuxuu dhalay Saxaabigii waynaa ee kamidka ahaa Tobankii Saxaabi ee Jannada hal mar loogu wada bushaareeyey, waa Saciid ibnu Zayid (I.R.H) waxa kale oo uu dhalay gabadha la dhaho Caatika bintu Zayid (I.R.H).

Caatika waxay kamid ahayd haweenkii islaamay goor hore, waxayna guursatay wiil uu dhalay Abubakar al-sidiiq, waxa la dhahaa Cabdilaahi ibnu Abubakar (I.R.H). Cabdilaahi wuxuu ahaa saxaabigii Warka u keeni jiray NAbiga iyo saaxiibkii Abubakar markay ku jireen godkii ku yaalay buurta Jabal al-nuur. Cabdilaahi wiil dhalinyaro ah ayuu ahaa oo garaad badan kolkaas intuu soo dhagaysto dhagarta gaalada Qureesh ay maleegtay ayuu habeenkii si dhuumasho ah u iman jiray godka, markaasuu uga warrami jiray waxay gaaladii Qureesh u maleegeen Nabiga (N.N.K.H) iyo saaxibkii Abubakar (I.R.H).

Cabdilaahi wuxuu guursaday Caatika bintu Zayid oo ahayd gabadh aad u qurxoon sidoo kalena leh dabeecad iyo dhaqan wanaagsan. Cabdilaahi aad ayuu u jeclaaday xaaskiisii oo waxay xitaa jacaylkii ku qasbay inuu iska dul fadhiisto xaaskiisa ayadoo Jihaadka loo baxayo, kadibna waxa loo sheegay warkii Cabdilaahi aabihii Abubkar oo waxa lagu yidhi: Abubakarow, wiilkaagii CAbdilaahi xitaa salaada jamaacada ma yimaado oo wuxuu dul fadhiyaa xaaskiisa Caatika, subxaanAllah, markuu warkii maqlay Abubakar ayuu ku dhahay wiilkiisii: Cabdilaahiyoow, fur xaaskaaga, maxaa yeelay waxay kaa hor istaagtay cibaadadii Ilaahay, cabdilaahi wuxuu qaatay amarkii aabihii oo wuu furay xaaskiisii Caatika bintu ZAyid (I.R.H).

Mudo markay kala maqnaayeen ayuu Cabdilaahi tiriyay gabay uu ku calaacalayo oo uu leeyahay Waligeed lama arkin nin xaaskiisii ku furay jacayl badan oo uu qabo darteed, wuxuuna is waydiiyey bal maxaad miskiinada ku furtay? Ma jacaylkaad u qabto darteed ayaad u furtay? SubxaanAllah, markuu Abubakar (I.R.H) uu maqlay gabayadan calaacalka ah ayuu wiilkiisii u ogolaaday inuu ku noqdo xaaskiisii, waanu soo ceshaday waxayna ku wada noolaayeen nolol aad u wanaagsan.

Caatika bintu Zayid ayaduna sidoo kale ninkeeda way jeclayd oo waxay dhihi jirtay: Waxaan guursaday ninkii ugu khayrka badnaa marka laga yimaado Nabiga iyo saaxiibkii Abubakar.

Noloshii wanaagsanyd maysan sii waarin ee waxa dagaalkii Daa’if ku dhaawacmay CAatika saygeedii Cabdilaahi, oo dabcan u dhintay dhaawacaas. Cabdilaahi intaanu shahiidin kahor ayuu kula dardaarmay xaaskiisa inaanay cid kale guursanin isaga dabadii, waxaanu Caatika siiyey dhul uu lahaa kadibna Ilaahay ha u naxariistee waa geeriyooday sanadkii 11 aad ee hijrada.

Caatika markuu saygeedii geeriyooday ayey murugootay oo waxay tirisay gabay baroordiiq oo ay leedahay Ilaahbaan ku dhaartee Adiga gadaashaa cid danbe guursan maayo, qubaysna qaadan maayo. Gabaygan ayaa wuxuu gaadhay saxaabadii Rasuulka oo wuxuu noqday wax la hadal hayo had iyo jeer.

Caatika markay cido baxdayba waxa soo doonay rag badan balse way diiday, ugu danbayn waxa soo doonay Nin ay ilmo adeer ahaayeen waa kuma ninkaasi!!! Waxa weeye amiirkii mu’miniinta Cumar ibnu Khadaab (Alfaaruuq). Caatika way diidady inay cid kale guursato balse Cumar ayaa ku dhahay waxaan bixinayaa nadarkaaga kafaaro gudkiisa sidoo kalena ha iska xaaraantimaynin wax Ilaahay kuu xalaaleeyey, hadii sawjkaagii dhintay waxa Ilaahay kuu baneeyey inaad guursato cid kale.

Cumar (I.R.H) waa la aqal galay Caatika oo waa guursaday, waxaana dhacday habeenkii arooska qiso yaableh oo qosol ku dheehanyahay. Ayadoo la joogo arooskii ayaa saxaabada waxa ka dhaxaysay kaftan, kolkaas Cali ibnu Abudaalib ayaa ku dhahay Cumar: Walaal ii ogolow aan xaaskaaga cusub ugu hanbalyeeyo farxada arooskee, kadibna Cali (I.R.H) wuxuu istaagay albaabkii ama daaqadii gurigii ay joogtay Caatika oo wuxuu dib usoo xasuusiyey gabaygii ay u tirisay saygeedii geeriyooday ee Cabdilaahi ibnu ABubakar ee ay lahayd cid danbe guursanmaayo, qubaysna qaadanmaayo!! SubxaanAllah, Cumar wuxuu dhahay: Walaal arooskii waad naga kharibtay halka Caatikana markay maqashay warkii Cali ay ka ooyday. Caasha bintu Abubakar (I.R.H) oo ay walaalo ahaayeen Cabdilaahi ayaa markay maqashay in Caatika nin danbe guursatay ayey ayaduna ayadoo kaftamaysa ayey tidhi: Noo soo celi dhulkayagii!!! Allahuakbar.

Mudo ayey wada noolaayeen Caatika iyo Cumar (I.R.H) kadibna waxa la dilay Cumar ibnu Khadaab oo waxa si shirqool ah toori uga taagay gaalkii majuusiga ahaa ee Abul’lu’a (adoonkii Muqiira) ayaa Cumar oo tujinaya salaadii subax toori xaga danbe sadex jeer kaga dhuftay, isaguna wuu is dilay (Ilaahay wuxuu galabsaday haku abaalmariyee), Cumar ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee wuxuu u geeriyooday dhaawacaas, kadibna waxa mar kale murugootay xaaski Cumar ee Caatika bintu Zatid oo waxay tirisay gabay kale oo ay leedahay wuu na fajac galiyey macanha wuu na argagax galaiyey majuusigii dilay Cumar ibnu Khadaab.

Markuu Cumar geeriyooday ee Caatikana ciddo baxday ayaa waxa soo doonay Caatika saxaabigii qaaliga ahaa waa xawaarigii Rasuulka Zubeyr ibnu al-cawaam (I.R.H). Zubeyrna wuu guursaday Caatika, mudona way wada noolaayeen balse isagan si shirqool ah ayaa loo dilay oo waxa dilay ninkii la odhan jiray ibnu Al-jamuux, kadibna inta uu madaxa kasoo gooyey Zubeyr ayuu madaxii u keenay Cali ibnu Abudaalib oo ahaa Khaliifkii mu’miniinta, isagoo Ibnu-jamuux islahaa Cali ayaa ku farxaya geerida Zubeyr. Cali markuu u yimid ayuu Cali yidhi: Nabigu wuxuu dhahay: Naarta ugu bushaaree, ka dilaya wiilka Safiya bintu Cabdilmudalib dhashay!! Wiilka Safiya oo ahayd Nabiga eedadii ay dhashayna waa Zubeyr ibnu al-cawaam (I.R.H). Ninkii danbiilaha ahaa ee Zubeyr dilay markuu arkay in ladilayo ayuu isagu naftaba iska gooyey oo wuu isdilayba, waxaana rumowday weedhii Nabiga ee ahayd waa Ehlunaar ka dilaya Zubeyr.

Caatika hadana markale ayey murugootay oo sadexdii Nin ee ay guursatayba way shahiideen, dadkiina waxay halhays ka dhigteen; Cidii doonaysa inay shahiid noqotaay, guurso Caatika bintu Zayid. Dabadeedna waxa Caatika soo doonay Imaamka Cali ibnu Abudaalib (I.R.H) laakiin markan Caatika way ka cudurdaaratay oo waxay tidhi: Amiirkii Mu’miniintoow, miyaanad maqlayn Dadku waxay leeyihii? Waxay leeyihii; cidii doonaysa inay shahiid noqotaay guurso Caatika, adigana waxa kuu baahan umada Muslimiinta.

Caatika Ilaahay raali haka ahaadee maxaa keenay in Saxaabada waaweyn ee ugu khayrka badan ay u kala baratamaan? Miyey ka quruxbadnayd haweenka kale? Mise way ka nasab fiicnayd? SubxaanAllah, waxa kaliya ee Saxaabada soo jiidanayey may ahayn quruxda ee waxay ahayd dabeecada wanaagsan, jacaylka iyo naxariista ay u haysay saygeeda, waxayna Caatika aad u taqaanay qaabka loo raali galiyo ninkeeda. Ilaahay waxaana ka baryeynaa inuu inoo badiyo haween sida Caatika oo kale akhlaaq iyo la dhaqan wanaagsan leh. Aamiiiin


Waxa diyeeriyey oo inoo soo jeedinaya; Sh. Abdulaziz Oogle