AASIYA BINTU MUSAAXIM

Dhagayso ama Akhriso:-

Dumarka ugu khayrka badan Caalamiinta waa Afar, waa Maryama bintu Cimraan, Aasiya bintu Musaaxim, Khadiija bintu Khuweylid iyo Faadima bintu Muhamed (I.R.H.K). Waxaan ka hadli doonaa mid kamid ah dumarkaas Ilaahay u nicmeeyey waa Aasiya Bintu Musaaxim.Aasiya waxay ahayd xaaskii Fircoon, magaceeduna waxa lagu tilmaamay inuu ahaa Aasiya bintu Musaaxim ibnu Cabiid ibnu Rayaan ibnu Al-waliid. Waliidkana waxa lagu sheegay inuu ahaa fircoonkii xilligii Nabi Yuusuf (N.N.K.H). Markaa fircoonkii xilligii nabi Yuusu waxa uu uyahay Aasiya awoow. sidaa awgeed waxay kasoo jeeday qoys boqortooyo ahaa.

Aasiya waxay noolayd waqti xun iyo xaalad xun, saygeedu waxa uu ahaa Fircoon. Fircoonkii sheegaty Ilaahnimada ee ku lahaa dadka uu xukumayey miyeydaan arkayn wabiyada hoostayda maraya, anigaa iska leh xukunka Masar. Ninkaas oo ah kaligii taliyihii ugu waynaa aduunka soo mara ayey xaas u noqotay. Waxa la sheegaa in Fircoon ku qasbay reerkooda inay u guuriyaan Aasiya hadii kale waxa uu ku talo jiaray inuu laayo Ehelkeeda oo dhan. Aasiya waxay guursatay Fircoon si ay u badbaadiso ehelkeeda. Fircoon sidaan kusoo sheegnay qisadii Nabi Muuse waxa uu habeen ku riyooday dab (naar) kasoo kacay dhulka barakaysan ee Falastiin, kaas oo soo gaadhay dhulka Masar kadibna gubay oo baabi’yey guryihii Qibdiyiinta Masaarida sidoo kale aan waxba yeelin guryihii reer banu Isra’iil. dabadeed waxa uu u tagay faaliyaashii, sixiroolayaashii faalka rogi jiray oo waxay ku dhaheen reer banu Isra’iil ayaa wiil ka dhalanayaa afganbiya xukunkaaga. Fircoon waxa uu go’aansaday inuu laayo dhamaan wiilasha u dhasha reer banu Isra’iil, gabdhahana nooleeyo. Eebana waxa uu ku leeyahayQuraanka,

 ( إِنَّ فِرْعَوْنَ عَلَا فِي الْأَرْضِ وَجَعَلَ أَهْلَهَا شِيَعًا يَسْتَضْعِفُ طَائِفَةً مِّنْهُمْ يُذَبِّحُ أَبْنَاءَهُمْ وَيَسْتَحْيِي نِسَاءَهُم )

Fircoon wuu Isku Kibriyey Dhulka (Masar) wuxuuna ka Yeelay dadkeedii Kooxo, Isagoo Yaraysan (Dullaynaya) Koox ka Mid ah Gawracayana Wiilashooda oo Daynayana Haweenkooda.


Firrcoon wuxuu diray ciidankiisii iyo sirdoonkiisii waxaanu gawracay wiilkasta oo kasoo horbaxa oo ka tirsan reer banu isra’iil. Siduu dabargoyntii u wayday ayaa qibdiyiintii ku dhaheen Fircoonow hadaad layso dhamaan caruurta reer banu isra’iil yaa ku caabudaya oo kuu shaqaynaya? Kadib waxa uu soo saaray qaraar ah in wiilasha la laayo sanad, sand kalena la dhaafo.

Sanadkii la laynaya caruurta waxa dhashay Nabi Muuse (N.N.K.H) waxayna hooyadii u cabsatay wiilkeeda, kadibna waa loo waxyooday in ay samayso sanduuq kuna rido wiilkeeda kadibna ay ku tuurta biyaha wabiga. Riwaayad kale waxay tilmaamaysaa in ay sanduuqa xadhig ku xirtay oo markay aragtay ciidankii oo soo dhowaaday ayey ku sii daysay biyihii wabiga. Ciidankii wuu soo galay waanu baadhay gurigii balse wax muusan helin, markay ciidankii tageen ayaa Muuse hooyadii fiirisay biyihii, mise sanduuqii waxa qaaday mawjadihii wabiga, markaasay walaashii ku tidhi raac oo fiiri meesha ay mawjaduhu geeyaan adigoo is qarinaya. Sanduuqii waxa uu galay qasrigii Fircoon waxaana arkay jaariyadihii Fircoon markaasbay fureen sanduuqii waxayna ka haleen wiil yar oo nuuraya dabadeed si dhakhso ah ayey qaadeen oo u geeyeen boqoradii qasriga. Waayo boqoradu? Waa Aasiya bintu Musaaxim, mid ka mid afarta dumar ee ugu khayrka badan caalamka.

Aasiya waa la tusay sanduuqii waxayna aragtay wiilkan yar ee iftiimaya, markiiba qalbigeeda ayuu galay. Aasiya waxay lahayd oo kaliya gabdho, maysan dhalin wiil. Aasiya way u cabsatay wiilka oo Fircoon haduu ogaado wuu gawracayaa sababtoo ah waa la garanayaa inuu yahay reer banu Isra’iil. Fircoon waa arkay wiilkii yaraa markaasuu waydiiyey Aasiya waa maxay wiilkan aad haysataa? ( وَقَالَتِ امْرَأَتُ فِرْعَوْنَ قُرَّتُ عَيْنٍ لِّي وَلَكَ ۖ لَا تَقْتُلُوهُ)

Waxay tidhi waan ku idho doogsanaynaa ee ha dilin. Fircoon waxa uu ku yidhi adiga ayuu kuu yahay indho doogsi!! Ibnu Kathiir waxa uu leeyahay haduu Fircoon odhan lahaa labadeenuba waan ku indho doosanaynaa way ku indho doogsan lahaayeen labadooduba balse waxa uu yidhi adiga ayaa ku indho raaxaysanaya. Fircoon ilmihii yaraa waa iskaga tagay manuusan garanayn in isaga awgii uu xukunkiisu ku baaba’ayo. Aasiya way qaadatay Muuse oo waxay u raadisay cid naaska nuujisa, waxaana warka la gaadhsiiyey dadkii magaalada daganaa ( yaa naaska nuujinaya wiil yar oo qasriga boqortooyada jooga) Dumarkiina way isa soo bandhigeen balse Muuse waa diiday inuu nuugo dumarkii isu soo bandhigay oo dhan. Ilmihii yara wuu gaajoonayaa mana cabayo caanaha dumarka kale, markaasbay Nabi Muuse walaashii ku tidhi Aasiya (Ma idin tusaa qoys idiin dhaqaaleeya oo idin samo fala) Aasiya waxay tidhi, Haa, ee u yeedh cida naaska nuujinaysa. Muuse walaashii waxay u tagtay hooyadeed oo uga warantay in Muuse loo raadinayo cid naaska nuujisa, kadibna hooyadii way soo baxday markay qasrigii soo gashay ee ay aragtay wiilkeedii ayey ku dhowaatay inay is kashifto oo tidhaahdo wiilkan waa wiilkaygii. Muuse hooyadii way nuujisa ilamaheedii, cungiina waa dhamay caanihii, Aasiyana way ku faraxday inay heshay cid u daryeesha wiilkeedan ku yaala qalbigeeda.

Aasiya waxay ku tidhi Muuse hooyadii; Halkan qasriga nala joog oo aan mushahar kugu siino, markaasbay hooyadii Muuse tidhi Ninkayga ayaan ogolayn in aan joogo qasriga ee aan ilmaha ku hayo gurigayga, Aasiya way ka yeeshay oo waxay u qortay mushahar iyo ciidankii fircoon oo ilaaliya qoyskeeda. Eebe (S.W) waxa uu leeyahay:-

( فَرَدَدْنَاهُ إِلَىٰ أُمِّهِ كَيْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ وَلِتَعْلَمَ أَنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ) (إِنَّا رَادُّوهُ إِلَيْكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ الْمُرْسَلِينَ)

Waxaan ku soo celinay Hooyadiis, si ay u dagto Isheedu ayna una Murgin, una ogaatana in Yabooha Eebe yahay xaq.


Muuse waxa uu ku koray qasrigii Fircoon wuxuuna noqday nin xoogan oo qaan gaadhay, mudadaas waxa uu la noolaa Fircoon iyo xaaskiisii Aasiya (I.R.H.K) wixii dhex maray Muuse iyo Aasiya kutubtu maysan sheegin. Muuse waxa uu galay falkii uu uga baxsday Masar waxaanuu maqnaa Toban sanadood. Aasiya inta uu maqnaaba way u xiisoonaysay wiilkeedii ay soo korsataya. Muuse waa soo noqday isagoo xanbaarsan diin cusub waxaana dhex martay dood dheer isaga iyo Fircoon, waxaana ugu danbayn lagu ballamay bandhigii lagu kala adkaanayey ee sixirka iyo xaqa. Aasiya waqtigaa mu’minad ayey ahayd waxayan raacsanayd Nabi Muuse iyo walaalkii Nabi Haruun (N.N.K.H).

Nabi Muuse waa ka roonaaday sixirooyaashii kadibna way muslimeen sixiroolayaashii oo waxay u sujuudeen rabbiga Muuse iyo Haaruun. Aasiya waxay ku faraxday guusha Nabi Muuse, waxayna ogayd in Fircoon beenaale yahay oo aanu Ilaahna ahayn ee uu yahay gaal wayn oo dhagar qabo ah.Fircoon markii uu ku jabay bandhigii ayuu hadana bilaabay inuu gumaado reer banu Isra’iil iyo cidii raacday Muuse. Nabi Muuse iyo ehelkiisana waxa la faray in ay gurayahooda qiblo ka dhigtaan.

Gabar u shallaynaysa (feedhaysay) gabar fircoon dhalay ayaa shalladii ka dhacday, waxayna ahayd muslimad oo way qarsatay ii maankeeda, kadibna waxay soo qaadatay shalladii ayadoo leh Bismillah. Kadibna waxa maqlay gabartii uu Fircoon dhalay waxayna ku tidhi waay Ilaahay? Ma Aabahay ayaad u jeedaa? Gabrtii shallaynaysay ayaa tidhi; May ee Ilaahay waa Rabigay, Rabigaa iyo Rabbiga aabahaa. Gabartii Fircoon waxay ku tidhi; waxaan kuu shaagaya Aabahay, ayaduna waxay ugu jawaabatay u sheeg hadaad rabto.Gabrtii u shallanaysay caruurta Fircoon waxay lahayd ubad yaryar oo ku nool irsaaqada ay hooyadood kasoo shaqayso qasriga Fircoon. Markaasa gabrtii Fircoon dhalay u tagtay aabaheed oo u sheegtay in gabartani ka gaalowday. Fircoon oo aad u caraysan ayaa la horkeenay waxaanu ku yidhi ma ka noqonaysaa diinta Islaamka? Gabartii waxay tidhi; wax kasta oo aad samayso kama noqonayo.Ciidankii Fircoon waxay soo kaxeeyeen caruurtii ay dhashay gabarta u shallayn jirta gabdhaha Fircoon. Caruurtii oo sugaya imaatinka hooyadood ayaa lasoo kaxeeyee oo la keenay qasriga Fircoon, waxayna arkeen hooyadood ayagoo ku qaylinaya oo oynaya, hooyadiina qalbigeeda ayaa dhaqaaqay balse way adkaysatay. Fircoon inta uu soo qaaday maqli wayn oo saliid karaysa ku jirto ayuu ku tuuray mid ka mid ah caruurteedii, ilmihiina wuu oynayaa hooyadiina waxa lagu dhahay; ka noqo diintan. wayna diiday kadibna caruurteedii oo dhan ayaa lagu tuuray maqligii saliida karaysaa ku jirtaa, wayna wada dhinteen. Hooyadii waxay ka dalbatay Fircoon hal dalab oo ahaa, marka uu ayadana gubo in lafaheeda iyo lafaha ubadkeeda in uu hal meel ku kafno oo hal xabaal ku duugo (aaso). Gabartii waa la gubay waxaana lafahoodii lagu aasay hal xabaal oo kaliya.Markii Nabigeen (N.N.K.H) la dheelmiyey ayagaa isagoo samad todobaad maraya ayuu ursday dabayl aad u udgoon. Waxaanu Malak Jibriil (N.N.K.H) uu waydiiyey waa maxay caraftan udgooon? Jibriil waxa uu yidhi waa gabartii Fircoon u shallan jirtay iyo caruurteedii. Eebe (S.W) waxa uu kala maqaam dhigay nabiyada iyo dadkii saalixiinta ah, Maashallah.

Markay dhibtii badatay ayaa la ogaaday in xaaska Fircoon waa Aasiya bintu Musaaxim rumaysay diintii Nabi Muuse (N.N.K.H). Arrintii ayaa fadeexad ku noqotay dhagar qabihii Fircoon, kadibna waxa uu bilaabay inuu u hadido hadii aanay diintan ka noqon. Waxa uu ka jaray cuntadii iyo cabadii balse way u samirtay. Aasiya waxay ahayd marwada koowaad ee dalka, waxay cunysay cuntada ugu qaalisan, gashanaysay maryaha ugu fiican, sharaf iyo karaamana way ku lahayd bulshada dhexdeeda laakiin waxaas oo dhan waxa ka door biday raali ahaanshaha Ilaahay (S.W).

Maalintii danbe ayaa Fircoon ka daalay oo ku yidhi ciidankiisii; ka xeeya oo geeya saxaraha, kuna xidha gacmaheeda iyo lugaheeda afar tiir kadibna u daaya qoraxda iyo bacadka kulul, wax biyo ah iyo cunto ahna ha siinina. Waxad qiyaastaa marwadii koowaad ee boqortooyadii aduunka ugu waynayd oo sidaas loo galayo, ayaduna way samirtay oo u dulqaadatay dhibka kasoo gaadhay Fircoon iyo ciidankiisa. Aasiya waxay saxaraha ku xidhnayd sadex cashon ayadoon waxna cunin waxna cabin, markaasuu Fircoon soo maraa oo ku dhahaa maad ka noqon diintan? Ayaduna waxay ku dhagsanayd diinteedii, markuu ka quustay ayuu Fircoon yidhi soo qaada dhagax wayn oo markay ka noqon waydo diinteeda ku tuura, ha jajabo jirkeeda iyo lafaheeduba. Aasiya waxa la dhigay dhulka waxaana la soo daayey dhagaxii, markii dhagxii soo socdo ayey tidhi; (Rabiyoow agtaada guri iiga dhisay), markuu dhagaxii usoo dhowaaday ayey eegtay xaga sare oo waxa la tusay gurigii uu Allah u dhisay. Ka hor intaanu dhagaxii ku dhicina waaba la oofsaday. Aasiya Ilaahay raali haka ahaadee waxa Eebe uga yeelay dadka iimaanka leh tusaale nool oo ku dayasho mudan. waxa uu leeyahay Allah (S.W)  suurada Taxriim: 11.

(َضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ آمَنُوا امْرَأَتَ فِرْعَوْنَ إِذْ قَالَتْ رَبِّ ابْنِ لِي عِندَكَ بَيْتًا فِي الْجَنَّةِ وَنَجِّنِي مِن فِرْعَوْنَ وَعَمَلِهِ وَنَجِّنِي مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ)

Waxaa kale oo Eebe Tusaale uga dhigay kuwa rumeeyey Haweenaydii Fircoon markay tidhi Eebbow Guri agtaada iiga dhis jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo Camalkiisa, igana nabad geli dadkaas daaliminta ah.