Tusmo

Sagaal arrimood oo kuu culaysinaya Miisaanka Maalinta Qayaame

 

1aad: Shahaadada Tawxiidka:

  عَبْدَ اللَّهِ بْنَ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ يَقُولُ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : “إِنَّ اللَّهَ سَيُخَلِّصُ رَجُلًا مِنْ أُمَّتِي عَلَى رُءُوسِ الْخَلَائِقِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَيَنْشُرُ عَلَيْهِ تِسْعَةً وَتِسْعِينَ سِجِلًّا كُلُّ سِجِلٍّ مِثْلُ مَدِّ الْبَصَرِ ثُمَّ يَقُولُ أَتُنْكِرُ مِنْ هَذَا شَيْئًا أَظَلَمَكَ كَتَبَتِي الْحَافِظُونَ فَيَقُولُ لَا يَا رَبِّ فَيَقُولُ أَفَلَكَ عُذْرٌ فَيَقُولُ لَا يَا رَبِّ فَيَقُولُ بَلَى إِنَّ لَكَ عِنْدَنَا حَسَنَةً فَإِنَّهُ لَا ظُلْمَ عَلَيْكَ الْيَوْمَ فَتَخْرُجُ بِطَاقَةٌ فِيهَا أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ فَيَقُولُ احْضُرْ وَزْنَكَ فَيَقُولُ يَا رَبِّ مَا هَذِهِ الْبِطَاقَةُ مَعَ هَذِهِ السِّجِلَّاتِ فَقَالَ إِنَّكَ لَا تُظْلَمُ قَالَ فَتُوضَعُ السِّجِلَّاتُ فِي كَفَّةٍ وَالْبِطَاقَةُ فِي كَفَّةٍ فَطَاشَتْ السِّجِلَّاتُ وَثَقُلَتْ الْبِطَاقَةُ فَلَا يَثْقُلُ مَعَ اسْمِ اللَّهِ شَيْءٌ » باب ما جاء فيمن يموت وهو يشهد أن لا إله إلا الله (2639)

Cabdilaahi ibnu Camruu waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa dhahay: ” Ilaahaybaa ka dooranayaa nin kamid ah Umadayda dhammaan makhluuqaadka korkooda, waxaana loo fidinayaa sagaal iyo sagaashan kitaab oo mid kasta uu gaadhay meesha aragu ku dhamaado, markaasuu dhahayaa (Ilaahay) Miyaad wax ka inkiraysaa ? Miyey ku dulmiyeen malaa’iktayda wax ilaalisaa? wuxuu dhahayaa: Maya, Rabbiyoow. Wuxuu dhahayaa (Ilaahay): Miyaad haysataa Cudurdaar? wuxuu dhahayaa: Maya, Rabbiyoow. Wuxuu Ilaahay dhahayaa: Haa, waxaad agtayada ku leedahay xasano, maantana laguma dulminayo, waxa lasoo saarayaa warqada ama kaadh ay ku qorantahay (Ash-hadu an laa Ilaaha illaa Allaah, wa ash-hadu anna Muxamadan cabduhuu wa rasuuluhuu, markaasaa la dhahayaa, orod aad miisaankaaga, wuxuu dhahayaa: Rabbiyoow, maxay ahayd Kaadhkan la socda kutubtan? wuxuu yidhi: Laguma Dulminayo, wuxuu dhahay Rasuulku: waxa kafada la saarayaa kutubtii, kaadhkiina waxa la saarayaa kafadii kale, waxa markaa duulayaa kutubtii, waxaana cuslaanaya kaadhkii, wax ka culus magaca Ilaahayna majiro” [Waxa soo saaray Tirmadi: 2639]

2aad: SubxaanaAllah wabixamdihii, SubxaanaAllah al-cadiim:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ كَلِمَتَانِ خَفِيفَتَانِ عَلَى اللِّسَانِ ثَقِيلَتَانِ فِي الْمِيزَانِ حَبِيبَتَانِ إِلَى الرَّحْمَنِ سُبْحَانَ اللَّهِ الْعَظِيمِ سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ

Abuhurayra waxa laga wariyey in Nabigu (scw) dhahay: “Laba kalimadood oo u fudud carrabka, kuna culus Miisaanka, looguna jacal badanyahay xaga Allaha Raxmaanka ah waa SubxaanaAllah al-cadiim iyo subxaanaAllah wabi xamdihii. [Bukhaari:6043]

3aad: AlxamduliAllah:

عَنْ أَبِي مَالِكٍ الْأَشْعَرِيِّ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الطُّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ تَمْلَأُ الْمِيزَانَ وَسُبْحَانَ اللَّهِ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ تَمْلَآَنِ أَوْ تَمْلَأُ مَا بَيْنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَالصَّلَاةُ نُورٌ وَالصَّدَقَةُ بُرْهَانٌ وَالصَّبْرُ ضِيَاءٌ وَالْقُرْآنُ حُجَّةٌ لَكَ أَوْ عَلَيْكَ كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو فَبَايِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا

Abimaalik Al-ashcariyy wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: Dahaaradu waa iimaanka badhkeed, Alxamdulilaah waxay buuxisaa Miisaanka, SubxaanaAllah iyo Alxamdulilaah waxay buuxiyaan ama buuxisaa inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka, Salaaduna waa nuur, sadaqaduna waa caddayn, samirkuna waa iftiin, Quraankuna waa xujadaada ama wuu ku xujaynayaa, dadka oo dhan way kallahaan waxayna iibiyaan naftooda, qaarna way xoreeyaan qaarna way halaagaan. [Muslim:223]

4aad: Wiilka wanaagsan ee ka hor dhinta Waalidkii

 سمعت رسول الله صلى الله عليه وآله وسلم يقول : ” بخ بخ بخمس ما أثقلهن في الميزان : سبحان الله ، والحمد لله ، ولا إله إلا الله ، والله أكبر ، والولد الصالح يتوفى للمسلم فيحتسبه “.

waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “waa la yaab, waa layaab, shan maxaa kaga culus Miisaanka, SubxaanaAllah, AlxamduliAllah, Laa ilaaha illaa Allah, Allahuakbar iyo wiilka wanaagsan ee ka geeriyooday Muslimka ee uu kaga ajar dalbo Ilaahay” [Xaakim fil mustadrak: 1928 ]

5aad: Janaasada oo la raaco

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَنْ صَلَّى عَلَى جَنَازَةٍ فَلَهُ قِيرَاطٌ وَمَنْ انْتَظَرَ حَتَّى يُفْرَغَ مِنْهَا فَلَهُ قِيرَاطَانِ قَالُوا وَمَا الْقِيرَاطَانِ قَالَ مِثْلُ الْجَبَلَيْنِ الْعَظِيمَيْنِ

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Cidii ku tukata Janaaso wuxuu leeyahay Qiiraad, qofkii suga inta laga faaruqayana wuxuu leeyahay laba Qiiraad, waxay dhaheen: waa maxay Qiiraadku? wuxuu dhahay: “Waa sida laba buurood oo waawayn”

6aad: Akhlaaqda Wanaagsan:

عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: ( مَا مِنْ شَيْءٍ أَثْقَلُ فِي الْمِيزَانِ مِنْ حُسْنِ الْخُلُقِ ) رواه أبو داود(4799) وصححه الشيخ الألباني رحمه الله في صحيح أبي داود.

Abudardaa wuxuu ka wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: (Majiro wax kaga culus Miisaanka akhlaaqda wanaagsan) [Waxa soo saaray Abudaawuud (4799)]

7aad: Waqafka Fardaha oo loo bixiyo Jidka Ilaahay:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ يَقُولُ قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَنْ احْتَبَسَ فَرَسًا فِي سَبِيلِ اللَّهِ إِيمَانًا بِاللَّهِ وَتَصْدِيقًا بِوَعْدِهِ فَإِنَّ شِبَعَهُ وَرِيَّهُ وَرَوْثَهُ وَبَوْلَهُ فِي مِيزَانِهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ

Abuhurayra waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Wuxuu yidhi Nabigu (scw): “Qofka Faras u diyaariya Jidka Ilaahay isagoo iimaan laga helay, rumaysana yaboohiisa, waxa la saarayaa cuntadiisa (wixii farasku cuno) iyo biyaha uu cabo, iyo saaladiisa iyo kaadidiisaba  Miisaanka maalinta Qayaame”

8aad iyo 9aad: Ducooyinka ka danbeeya Salaadaha:

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: ( خَصْلَتَانِ أَوْ خَلَّتَانِ لَا يُحَافِظُ عَلَيْهِمَا عَبْدٌ مُسْلِمٌ إِلَّا دَخَلَ الْجَنَّةَ هُمَا يَسِيرٌ وَمَنْ يَعْمَلُ بِهِمَا قَلِيلٌ يُسَبِّحُ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ عَشْرًا وَيَحْمَدُ عَشْرًا وَيُكَبِّرُ عَشْرًا فَذَلِكَ خَمْسُونَ وَمِائَةٌ بِاللِّسَانِ وَأَلْفٌ وَخَمْسُ مِائَةٍ فِي الْمِيزَانِ وَيُكَبِّرُ أَرْبَعًا وَثَلَاثِينَ إِذَا أَخَذَ مَضْجَعَهُ وَيَحْمَدُ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ وَيُسَبِّحُ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ فَذَلِكَ مِائَةٌ بِاللِّسَانِ وَأَلْفٌ فِي الْمِيزَانِ..) رواه أحمد (6616) وأبو داود(5065) والترمذي(3410) والنسائي(1331) وابن ماجة(926) وصححه الشيخ الألباني في صحيح الترغيب والترهيب

Cabdilaahi ibnu Camruu waxa laga wariyey inuu ka wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Laba sifo ma ilaaliyo adoon muslim ah, haduuba ilaaliyo wuxuu galaa Jannada, waxayna yihiin kuwo fudud, cida ku camal fashana way yaryihiin, wuxuu tasbiixsanayaa salaad kasta dhabarkeeda toban, wuxuuna taxmiidanayaa toban, wuxuuna takbiiranayaa toban, waxayna isku noqon boqol iyo konton salaadood carrabka, waxayna noqon kun iyo shan boqo Miisaanka dhexdiisa, waxa kale oo uu takbiiranayaa Afar iyo sodon markuu seexanayo, wuxuuna taxmiidanayaa sadex iyo sodon, wuxuuna tasbiixsanayaa sadex iyo sodon, taasina waa boqol xaga carrabka, iyo Kun miisaanka dhexdiisa” [Tirmadi: 3410]