Bismillah:

Waagii hore, dadku waxay rumaysnaan jireen in ninka dheer ee qurxoon sidoo kalena codkarnimada leh inuu yahay nin hogaamiye noqon kara soona jiidan kara dadka, kana dhaadhicin kara fikradiisa iyo barnaamijkiisaba. Dhanka kale gabadha qurxoon ee indhaha waaweyna ay soo jiidan karto ragga.

Waa suurtagal in fikradaasi wali ay jirto, hase ahaatee waqican aynu noolnahay, waxaynu aragnaa dad aan sifooyinkaas lahayn oo hadana kasbaday malaayiin qof oo saameeyey noloshooda. Hadaba waxa is waydiin leh, sideebay ku hanteen dadka faraha badan ee ay fikradooda iyo aragtidooda ku qanciyeen.

Waxa jirta farsamooyin qofku haduu raaco oo uuna ku dhaqmo uu ku hanan karo taageerada dadyow aad u badan isagoo ku guulaysanaya kalsoonidooda. Tusaale ahaan; Ninka siyaasiga ah wuxuu u baahanyahay inuu cod u raadsado xisbigiisa, ninka wadaadka ah ee cilmiga xanbaarsan wuxuu rabaa inuu dad badan gaadhsiiyo diintiisa, halka ninka ganacsadaha ahna uu ubaahanyahay macaamiil badan oo ka iibsata badeecadiisa.

Ninka la dhaho, Dale Carnegie wuxuu ahaa nin u dhashay dalka Maraykanka, wuxuuna qoray kitaab caana oo kamida kutubta ugu iibsiga badan waa kitaabka la dhaho “how to win friends and influence people ” Sidaad ku hanan saaxiibo una saamayn kartaa Dadka”

Hadaba kitaabkan oo loo turjumay luuqado badan, waxaan idinka soo xulaynaa qodobada ugu muhiimsan ee lagu kasbado dadka, lagagana tago raad iyo saamayn muuqata.

Qodobada aan idiin soo xulayo waxaan idiinku soo gudbinayaa qaab islaamiya, anigoo islaamaysiinaya dhamaan farsamooyinka dadka lagu kasbado laguna soo jiito.

Tusmo

(1) Ha murmin.

Muranku waa dood madhalays ah oo aan midho la goosto lahayn, soomaalidu waxay tidhaahdaa “Hadalkaasi waa mindi mindi ku taag”

Hadii aad aragto in xujadaadu muran keentay oo ay noqotay mindi mindi ku taag, waa inaad badashaa wadadii aad u martay gudbinta fikradaada, adiga oo aan badalynin caqiiqdadaada iyo iimaankaaga toona ee kaliya jidkii aad u martay gudbinta fikradaada ka aag badalao, hadii kale waxa imanaya muran madhalays ah. Tusaale ahaan:

Nabi Ibraahiim (scw) wuxuu rabay inuu Namruud oo boqor ka ahaa dhulka Baabil u sheego in Ilaahay awoodiisu wayntahay, kadibna wuxuu dhahay: “Rabbigaygu waxna wuu dilaa, waxna wuu nooleeyaa” Ninkii boqorka ahaa ayaa murmay oo wuxuu yidhi: “Aniguba waxna waan dilaa, waxna waan nooleeyaa” Kadibna intuu laba nin xabsiga ka saaray ayuu midna dilay, kii kalena sii daayey.

Nabi Ibraahiim (scw) wuxuu awood u lahaa inuu dood ka keeno aragtida boqorka ee muranka ku dhisnayd, hase ahaatee isagoo aan caqiidadiisii iyo fikradiisii waxna ka badalin ayuu tusaalihii badalay oo wuxuu yidhi: “Aniga Rabbigaygu wuxuu Qorraxda kasoo saaraa dhanka bari ee adigu kasoo saar dhanka galbeedka” Ninkii boqorka ayaa xujadiisii halkaas ku baab’day, waana laga roonaadaay.

Hadaba hadii aad rabto inaad dadka kasbato iska ilaali muranka madhalayska ah ee aan wax midho ah lahayn, taas macnaheedu maaha inaad ka tanaasulayso aragtidaada ee farsamada aad ku gudbinayso badal.

(2) Ceebaha Dadka ha sheegsheegin:

Hadaad rabto inaad dadka kasbato waa inaad ka dheeraata ceebaha dadka, sababtoo ah qofkasta wuxuu leeyahay goldaloolooyin ugaar ah. Tusaale ahaan;

Maalin ayey saxaabadii Rasuulku arkeen Cabdilaahi ibnu Mascuud ilaahay raali haka ahaadee isagoo geed cadaya soo goosanaya oo dabayshuna marba dhinac u tuurayso, kolkaasbay ku qosleen! Nabigu (scw) wuxuu yidhi: “Maxaad la qoslaysaan?” Waxay dhaheen: Lugihiisa caatada ah. Wuxuu dhahay Rasuulku (scw): “Ilaahbaan ku dhaartee lugihiisu miisaanka waxay ka culusyihiib buurta Uxud”

Nabigu (scw) wuxuu ina barayaa in qofka muslimka ah aan lagu ceebaynin sifo Ilaahay ku abuura. Bal waxaad qiyaastaa markuu nabigu (scw) arkay saxaabada oo ku qoslaysa Cabdilaahi, haduu isaguna la qoslo la jirkooda oo uu ku ceebeeyo Ibnu Mascuud inuu leeyahay lugo caato ah. SubxaanaAllah, arrintaasi waxay keeni lahayd in saxaabigaasi cadhoodo oo uu cuqdad qaado.

(3) Qirashada qaladaadka aad gashay:

Hadii aad qalad gashay, tusaale ahaan; qofbaad ka iibisay kabo cabbirkoodu kala duwanyahay, kadibna wuu kugu soo celiyey markaasaad qiratay qaladkii aad gashay oo aad ruuxii ka raali galisay, bal waxaad qiyaastaa ruuxaasii kalsooni intee la eeg ayuu kugu qabaya.

Dhanka kale hadii aanad qiranin qaladaadkaaga waxa dadku ogaanayaan inaad tahay qof macangag ah, waana lagaa yaacayaa.  Tusaale:

Macalin luuqada Afka Ingiriisiga dhiga ayaa ardaydiisii barayey ereyo cusub oo afka ingiriisiga ah sida ” a boy, a girl, a house” Kadibna arday ayaa macalinkii waydiiyey: ” Macalin Hadhuudhka maxaa lagu dhahaa Afka Ingiriisiga?” Macalinkii Hadhuudhkii ayuu soo qaban waayey, kadibna intuu ardaydii ku qayliyey ayuu dhahay: “Waar bal intay tiro iyo xadi la eegyihiin fiiriya, ee aanay hadhuudh ku garanayn luuqada afka Ingiriisiga” Isagoo hadalka sii wata ayuu dhahay: “Waar miyaanan Hadhuudhka idiin dhigin?” Ardaydii way yaabantahay oo indhaha ayey taagayaa, dabadeedna samuuradii ayuu ugu qoray ereygan ” a hatut” waa Hadhuudhka.

Cajiib, macalinkaasi inuu qaldanyahay markuu ogaaday waxa u fududayd inuu dhaho: “Ma garanayo, waan soo baadhayaa” SubxaanaAllah, wuxuu raacay wadadii adkayd ee beenta, taasna cid laguma kasbado.

Nabigeenu (scw) wuxuu ina baray duco cajiiba oo aynu ku ducaysanayno maalinkasta iyo habeen kastaba, waana ducada loo yaqaano “Sayiidu Al-isqfaar”

أبوء لك بنعمتك علي وأبوء لك بذنبي فاغفر لي فإنه لا يغفر الذنوب إلا أنت

“Waxaan qirayaa nicmada aad korkayga ku nicmaysatay, waxaan kale oo aan Ilaahayoow kuu qirayaa danbigaygii, ee ii danbi dhaaf, maxaayeelay cid danbi dhaaftaa majirto oo aan adiga ahayne”

Rasuulku (scw) wuxuu inoo cadeeyey in ducadan ruuxa ku ducaysta galinka hore ee dhintaa isla maalintaas inuu Jannada galay, ruuxuu ku ducaysta habeenkana ee dhinta isla habeenkaasna uu Jannada galay.

(4) Dawo qadhaadh malab ugu dar.

Caruurtu yaryar ee xanuusanay, ma jecla inay cunaan dawooyinka qadhaadh, sidaas awgeed waxa waalidku ka horeysiiyaan waxyaalo macmacaan sida xalwad, nacnac ama malab, sababtoo ah daawo qadhaadh oo qallalan majecla ubadku inay cabaan.

Sidaas oo kale markaad rabto inaad qofk wax ka qaldanyihiin inaad wax u sheegto, marka hore amaan usoo jeedi si uu qalbigiisa kuugu furo kadibna arrintii ka qaldanayd u toosi.

Nin boqor ahaa ayaa ku riyooday ilkihiisa oo soo daatay kadibna wuxuu u yeedhay nimankii riyada u fasirayey, dabadeedna kii koowaad ayaa dhahay: ” Mudane, riyadaadu waxay tilmaamaysa in ehelkaagu dhamaantood ay dhimanayaan” Boqorkii intuu cadhooday ayuu ninkii xabsiga u taxaabay.

Dabadeedna nin kale oo riyada fasira ayaa boqorkii u yimid wuxuuna dhahay: Boqorow, hanbalyo, hanbalyo! Boqorkiibaa isagoo yaaban ayuu dhahay: Maxaad iigu hanbalyeynaysaa? Wuxuu dhahay: Riyadaadu waxay sheegaysaa in adigu aad tahay qofka ugu cimriga dheer ehelkaaga, kadibna boqorkii intuu farxay ayuu ninkii hadyad siiyey.

Ayada oo labadii nin ee wax fasirayeyba ay sheegeen in boqorka ehelkiisu dhimanayaan, hadana u fiirso farsamada ninka danbe adeegsaday.

Sidaas awgeed markaad rabto inaad wax dhaliisho, waa  inaad ka horeysiisaa amaan aad dadka qalbiyadooda ku furayso, sida adigoo dhaha: Ninkani waa nin wanaagsan laakiin, Alla fiicnaan lahaydaa ayadoo lagu daro arrintaas, maxaa ka fiican inaad sii dhamaystirto, Gabadh wanaagsanbaad ahaan jirtay ee maanta way kaa jiiftaa…

Tusaalayaashaas aynu soo qaadanayey waxa adeegsaday Rasuulkii Ilaahay (scw): Cabdilaahi ibnu Cumar oo ahaa wiil dhalinyaro ah, ayaa wuxuu seexan jiray Masaajidka, kadibna wuxuu ku riyaaday isagoo laba malag u yimaadeen oo ay cadaabta kusii wadaan, markaasuu dhahay: Ilaahow cadaabtaan kaa magan galay. Dabadeedna riyadii ayuu walaashiis Xafsa u sheegay, ayaduna Rasuulka (scw) ayey ugasii warrantay, wuxuuna dhahay Rasuulku (scw) : Cabdilaahi waa nin wanaagsan, haduu salaada habeenkii tukan lahaa”

SubxaanaAllah, ereyada amaantu waa sixir oo kale, bal waxaad qiyaastaa haduu nabigu dhihi lahaa: Cabdilaahi isagoo masaajidka Rasuulka seexda ayaanu tukanin salaada habeenkii, waa nin xun, bal intee in la eeg oo niyad jab ah ayey ku keeni lahayd saxaabigaas.

(5) Maxaa inaga dhaxeeya:

Dadka aad rabto inaad soo jiidato ama aad kasbato, markasta kala hadal waxa idinka dhexeeya idinka iyo ayaga, wixii la isku khilaafo hadhow ka doodaa laakiin markasta hormari, maxaa inaga dhexeeya?

Ilaahay Quraankiisa wuxuu inagu baray in Yahuuda iyo Nasaarada marka lala doodayo lagu hormariyo, waxyaalaha ka dhexeeya ayaga iyo islaamka, wuxuuna dhahay:

قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ

“Waxaad ku dhahdaa Nabiyoow, ehelulkitaabow u kaalaya erey aynu u simanahay anaga iyo idinkuba” [Suuratu Al-cimraan:64]

Wuxuu Ilaahay ina barayaa inaynu dadka marka hore miiska wada hadalka isugu nimaadno, kana wada doodno maxaa inaga dhexeeya oo aynu ka simanahay, kadibna halkaas lagasii duulo.

(6) La tasho oo taageero ka dalbo:

Hadii aad shaqaalahaaga ku tidhaahdo; qrshahan aynu qaadanay bal ka talo bixiya, maxay idinla tahay? Fikirkiinu waa noo muhiim, fadlan nala wadaag aragtidaada. Ereyadaasi waxay dadka dareensiinaysaa in horumarka la rajeynayo ay qayb ka yihiin.  Tusaale hadaynu soo qaadano:

Maalintii dagaalkii Badar ayaa Rasuulku (scw) wuxuu ciidankiisii u dhaqaajiyey dhanka ceelashii Badar, wuxuuna ka dagay ceelkii ugu sokeeyey ayadoo ceelal kale ay kasii shisheeyaan, markaa saxaabiga Xubaab ibnu Mundir ayaa dhahay: “Rasuulkii Ilaahayow, ceelkan inaad dagto ma waxyibaa ku faray oo talo kuma lihin, mise waa farsamo iyo xeelad dagaal, markaasuu Rasuulku (scw) dhahay: Maya, ee waa xeelad iyo farsamo dagaal.

Kadibna Xubaab wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahow, aynu hore u ruqaansano oo aynu aasno dhamaan ceelash kale, inaguna ceel kaliya aynu lasoo hadho oo aan biyhiisana meel dar ah ku shubna oo aynu ceelkana dhabarkeena yeelno, gaalada qureesheedna halkaas haku harraadaan, wuxuu Rasuulku ku jawaabay: “Waa Fikrad wanaagsan” waanu ku kacay.

(7) Booska dadka is dhig.

Dadka waxaad u muujisaa inaad aqbasho cudurdaarkood, adigoo is dhigaya booskooda ay taaganyihiin, Tusaale:

Nabi Yuunus (scw) wuxuu Ilaahay u diray magaalada Niinawa inuu dadka kusoo wacdiyo, kadibna dooni ayuu fuulay oo magaalo kale ayuu rabay inuu aado. Nabigeenu (scw) wuxuu dhahay: Ha iga fadilina Yuunus ibnu Mata, oo yaanu midkiin dhihin anigaa ka khayr badan Yuunus ibnu Mataa.

Dadka hadii aad sidaas kula dhaqanto waxay dareemayaan inaad ayaga dantooda u taagantahay, waxayna kugu haynayaan qalbigooda ayagoo kuu muujinaya dareen jacayl iyo mid naxariiseedba.

(8) Dadka u dhoolo cadee:

Wajigaaga oo cabusan wuxuu keenayaa in dadku ay kaa ordaan, xitaa xoolaha nool ee geela iyo adhiguba way ka didaan ruuxa wajigiisa cadho ay ka muuqato.

Sidaas darteed dadka u dhoolocadee, waliba dhoolo cadayn dabiiciya, maaha mid aad iska keen keenayso. Wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahay:

لا تحقرن من المعروف شيئا ولو أن تلقى أخاك بوجه طلق

“Ha xaqirin (ha yaraysanin) waligaa macruufka xitaa haba ahaato inaad walaalkaa waji furan kula kulanto” [Muslim: 2626]

(9) Runta u sheeg:

Hadii aad tahay siyaasi beenaale ah, wadaad beenaale ah, ganacsade beenaale ah, waxa laga yaabaa inaad maalin khiyaamayso dadka, laakiin mid waaraysa maaha. Beentuna waa shay dhabarka ku jabinaysa oo kaa fogaynaysa in dadku ay kugu kalsoonaadaan.

(10) U mahad celi:

Qofka ibnu aadamka hadii aad uga mahad celiso wanaaga uu kuu qabtay, wuxuu dareemayaa inaad abaal u hayso taasoo ku dhiirigalinaysa inuu wanaagii sii joogteeyo.

Dadka soomaalida aha waxaad moodaa in sifadani naadir ay ku tahay, waxaad arkaysaa dawladaha reer Yurubka oo ka caawiya xaga guryaha, dhaqaalaha, amaanka iyo insaaniyadaba oo hadana aanay mar qudha uga mahad celinayn ficilka wanaagsan ee ay u qabteen. Halka ummadaha kale ee Dunida inagula nool, hadii waxyar oo fudud loo fidiyo ay ka mahadcelinayaa ayagoo ruuxii wanaaga galay tusaya inay ku faraxsanyihiin abaalka uu ugalay.

Diinta Islaamku waxay isku xidhay u mahadcelinta dadka iyo u mahad celinta Ilaahay (swt) wuxuuna dhahay Rasuulku (scw):

من صنع إليكم معروفا فكافئوه، فإن لم تجدوا ما تكافئونه فادعوا له حتى تروا أنكم قد كافأتموه

“Cida idiin samaysa wanaag uga abaalguda, hadii aydaan helin wax aad uga abaalgudaan, u duceeya illamaa aad ka arkaysaan inaad u abaalgudeen” [Abuudaawuud: 1426]

Waxa kale oo Rasuulku dhahay: “Ilaahay umuu mahadcelinin ruuxa aan dadka u mahadcelin” [waxa soo saaray Abudaawuud]

Hadii wanaag laguu qabto, ma waxa ku dhibaysa ereyga ah “waad mahadsantahay” Haduu qofku ka mahadceliyo wixii loo qabtay, ha yaraato ama ha waynaatee, waa ruux kasbanaya oo hananaya dad fara badan.